(Log in)

Kulan ku sabsan Sugida Amaanka oo ka dhacay Bosaaso

February 8, 2010

Kulan ku sabsan sidii Shacabka iyo Dowladda ay u sugi lahaayeen Amaanka guud ee magaaladda Bosaaso ayaa maanta ka dhacay xarunta Dowladda hoose ee magaaladda Bosaaso.

Kulankaas ayaa waxaa kasoo qaybgalay oo goobjoog ka ahaa masuuliyiinta Dowladda Puntland oo ugu soo horeeyey Wasiirka Amniga Puntland Jeneraal C/laahi Siciid Samatar, Wasiirka Dekaddaha C/risaaq Xuseen Gacayte,Wasiir Kuxigeenka arimaha gudaha Jenraal Yuusuf Axmed Kheyr, Gudoomiyaha gobolka Bari Muuse Geele, Duqa magaaladda Bosaaso C/risaaq Xareed iyo weliba Gudiyadda 16-ka Xaafadood ee magaaladda Bosaaso.

Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Jeneraal C/laahi Siciid Samatar oo halkaas hadalo kasoo jeediyey ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Shacabka ay Ciidanka Amaanka kala shaqeeyaan sugida Amniga guud.

Wuxuuna sheegay in falalka amaan darada ah ee ka dhacaya magaaladda Bosaaso iyo degaanadda kale ee Puntland looga bixi karo oo keliya iyadoo ay wada shaqeeyaan Shacabka Reer Bosaaso iyo weliba Ciidanka.

”….Ma Dowladda iyo Ciidanka oo keliya ayaa hirgelin kara Amaanka ,Adduunka oo dhan waxaa laga qaatay in Shacabka ay Ciidamada Amaanka ay kala shaqeeyaan Amaanka. Hadii ay dadweynaha Ciidanka gacan siiyaan surtagal ma ahan in 10 ila 20 wiil meelahaas laga soo diray in Bosaaso, Garoowe, Gaalkacyo, Qardho iyo Baran ay wax ka sameyaan….” ayuu yiri.

Jenraal C/laahi Siciid Samatar ayaa sheegay in aysan surtagal ahayn in Ciidanka iyo Dowladda oo keliya ay sugaan Amaanka iyadoo aan wax garab ka helin Shacabka, isagoo sheegay in hadii ay xaaladdu sidaas ay ahaato aysan jiri doonaan Adeegyadda Bulshada sida Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Wasiir Kuxigeenka arimaha gudaha ee Dowladda Puntland Jenraal Yuusuf Axmed Kheyr oo isna hadalo kooban ka jeediyey Kulankaas ayaa Gudiyadda 16-Xaafadood ee magaaladda Bosaaso ku dhiirageliyey in ay Ciidanka kala shaqeeyaan Amaanka.

Wuxuuna Sheegay in ay lama huraan tahay in la wada sugo Nabadgalyada guud isagoo sheegay in hadii aysan nabadgalyo jirin aan lagu talaabsan karin Horumar.

Sidoo kale wuxuu qiray in ay jiraan dad meelo kala duwan ka yimi ay ku suganyihin degaanadda Puntland, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay uu yimaadeen in ay sameyaan falal amaan darro ah.

Wasiirka ayaa uu soo jeediyey Shacabka Reer Bosaaso in ay laamaha Amniga kusoo wargeliyaan cid weliba ay uga shakiyaan in ay wadaan falalka amaan daradda ah, isla markaana ka hortagaan cid weliba wada falal amaan daro ah.

Dhamaan Masuuliyinti halkaas ka hadashay ayaa waxaa ay ku baaqeen in Shacabka ay Ciidanka kala shaqeeyaan Sugida Amaanka guud.

Mudooyinkii ugu dambeeyey Magaaladda Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ka socday Kulamo isdaba joog ah oo looga hadlaayay Amaanka guud.

Horseed Media

Tags:


Bookmark and Share
7 comments
  1. waa run waa in dawlada lala shaqeeyaa hadii kale waana adoonsan al shabaab
    baa dalka qabsan iyo calooshood ushaqaystayaal

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. aadan ciro says:

    waxaa la ogaday in dadka ku nool magalada bossaso ay u badan yihiin dad muruqmaal ah oo jaahiliina marki laga reebo dhalinta wax barata tasi waxay keentay in ay amaankooda ilashan wayan oo yirahdan dowlada lama shaqaynayno oo maxa nagalay haduu aman xumaado lakin waxa o gatan hadii amaan xumado dowlada waxba lama galin ee waxa dhibtu ku dhacayso waa idinka reer bossaso ee amaankiina ilashada oo tuugta iska sosara amaankina xumaynaya

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. saxiixe says:

    Bismilaah:- waxaan ku bilaabayaa eebaha weyn magaciisa. naxariis iyo nabad galyo Nabi Mohamed ( CSW) korkiisa ha ahaato wacad
    marka hore dhaman waxan salamya musuuliyiinta ka soo qayb gashay shirkii loga hadlayey amanka putlnad marka labad waxan dhaliil usooo jeedinaya maamul ka ka jira putland oo hormuud u yahay wasirka aminga ee c/laahi siciid samatar runtii anigu waxan ka mid ahay shacabka reer bosaso una dhashay putland intas putland ayan ku sugna runtii dhowr mar xaladood ayey soo martay putland maamulo kala duwan ayaa xil usoo qabtay runti manta putland heerka aay marayso abid ma arkin ayadooo marayso waayo maamuladii hore oo jiray waxad mooda in mamulka hada jira uu ka duwan yihiin kuwii hore runta markan isu sheegno putland waxay ahayd meel nabadi jiifto lkn hada waxad mooda nabadu inay dheel dhel geleyso runtina wax kale ma ahan ee nabada ayada naguma jiifte anaga ku jiifna war hooyo reer putlanow nabad hadaysna jirin nolol ma jirto runtina wasirka aminiga c/laahi siciid samatar isaga ayaa ah wasirka aminiga runti wuxuu ka dhawaajiyey in amniga lagala shaqeeyo cidanka iyo shacabka war shacabkii waxa unoqoten cadow oo mel walba oo aad jogtan waa la idinka baqaya hadii mel ay wax ka dhecen oo cidanku ogayn la damco in la idin soo sheego qaab cidanka logu soo gudbiyo lama garanayo lkn marki cidanka iyo shacabku ay isu yihiin dad walaalo ah ii is jecel walahi waxan ku dharanaya in wada shaqayn fiicani dhex mari doonto marka walaalahayga muslinka ahow waa run in wada shaqayn horu mar lagu gaarayo lkn fadlan hala daadalo waa wadanka wax yalaha ku badanaya halaga qabto wabilaahi towfiiq liiban axmed gurey galkacayo putlnad

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. DR Yusuf issa says:

    Asalaama caleykum ww,
    Dedaal ayaad heysaan,waxaanse qabaa shicibku baryo uma baahna iney Dawlada la shaqeyaan balse waa in la shaqo geliyaa,kan Puntland isagoo raaliya waa inuu shaqo galaa kan degmooyinkana sidoo kale isagoo raali ah waa inuu shaqo galaa,waxaase muhiim sidii shicibku raali ku noqon lahaa in lagu sameeyo daraasad!arin adagna maaha! waxaanse cabsi kaqabaa inaan Dawladu raali ka ahayn in shicibka la qanciyo oo dhinacooda maamul ahaan isku murugsanyahay,tusaale: inta la yareeyo Wasiirada iyo Wasaaradaha Police ka iyo maamulka degmooyinka hala xoojiyo,maamulka hala balaariyo,Degmooyinka Laamiga ka baxsan Barwaaqada Puntland ha gaarto,Gobol kastaa ha dareemo in Puntland Dawlad ka jirto,Puntland waxey u ekaaneysaa Day after Day Somaliyadii siyaad bare oo markii Mogadishu burburtay baadiye loo kala hayaamay.
    Mahadsanidin

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

    • WAAN SALAMAY DHAMMAN WARIYASHA KA HAWUL GALA UGU HOREYIN IDACDDA IYO WEPKA HORSEED MEDIA SALAN KADIB WAXAAN KU DHALILAYAA MAMULKA SOMALIYEED EE PUNTLAND INAY YIHIN DAD KA HURDA AMANKODA WAAYO WAXAA JIRAA DAD BADAN OO AY HOOSTA KU WATAAN O JECEL QAL QALKA PUNTLAND IYO INAY NOQOTO FAWDADA SOMALIA MARKA WARSIIRKA AMANKA EE DOWLADDA PUNTLAND WAXAAN ORAAN LAHAA YAAN INDHAAH LA ISKA RIDINE HA LAISKA QABTO DADKA AAN DOONEYIN INAY NABAD NOOQOTO PUNTLAND WAXAAN KALO KU EEDAYNAY HUGAANKA SARRE EE PUNTLAND MUDANE FAROOLE INUU KASEEX DAY OO USAN OGEN SHACABKA GUMAYISIIGU HAYSTEE REER LAAS CANOD OO AYAAGUNA AHAA SHACAB XAQ ULEEH INAY WAXA KA HELAN KALA DANBEYINTA WADANKA OO AAD MOODO INAYAYAAGU AYAAN KA TIR SANEEN WAXAANA XITAA JIRIN NIN REER PUNTLAND AH OO OG DHIBTA KU DHACADAY MARKA LAGA REEBO WASIIRKA WASAARADDA WARFAAFINTA PUNTLAND CABDIXAKIN AXMED GULEED OO MALIN DHAWEYD SOO HADAL QAADAY DHIBKA HAYA DADKAASI WALALAHEENA EE REER SOL O AY GUMAYSAANAYAAN JAMHADA RIYAALLE WAANA WAXAA LAGA XISHOODO WANAA CEB INAY GOBALKA GACANTA KU HAYAAN CIIDAMO KA AMAR QAATA BEEL INAY GUMAYS TAAN SHACABKA REER PUNTLAND NALAGAMANA BARAN MALE WAA DHACADAY TASI EE WAXAA HALAGA QABTO WAA WAANO MAHADSANIDIN

      Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. mirisho says:

    waxaan kudhaleecaynayaa masuuliyiinta puntland dayacaada xuduudaha puntland ilaa iyo hadana waxaa iimuuqata dayacaadi maamulkii hore ee cade muuse waxaana kasugaynay faroole inuu ka dhabeeye arimaha caqabadaha ku ah puntland oo ay 1 kayihiin xuduuda hadii xuduudu adkaato waxaan aamin sanahay in puntland ay noqonayso bir ama der bi aan la marikarin hadaba waxaan ka cod sanayaa shacabkayga inay la shaqeeyaan xukuumada xukuumaduna ay wax kabedesho mawqifkeeda ku aadan amniga ay ciidamo xoogleh ku kordhiyaan xuduudaha maaha in magaaloyinka waweyn anladhaafin oolayiraahdo amni kama jiro
    war horta amnidaro xagee ka timaadaa waa xuduudaha taa maamulku waa inay degdeg ku qaataan xuduudaha ay noqdaan kuwo lalasocdo dhaqdhaqaaqooda war waxaan usheegayaa shacabka xukuumada inay la xisaabtamaan oo meesha muxhiimka ah ay farta kumudan xaqiiqadana aan laga leexan war waxaan iimuuqdaa hada ima cajabin goorma dadkaygii sidanoqdeen waa sidee hana ilayaabina kirliga furka waxaa katuura kulaylka markaa waxaan rabaa in puntland oo amni iyo klaanbayn iyo nololwanaasani kajirto inana arko

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. wasiirka amniga muxuu uga hadliwaayay amaandarada ka jirta laas caanood waa soo dhoweeynayaa amniga puntland oo dhan in wax laga qabto hadalkaygan wuxuu daba socdaa wasiirkii war faafinta oo waxyaabo aan diidnay hadaanahay shacabka uu shalay ku hadaaqay goormaa wax garataa baalayiri goorta belo dhacdo waa iska cadayd ama inbadanba waa lagu xamanayey puntland inay lug wayn kuleedahay kusoo duulka lascaanood ee somaliland sidaa war ka kala socotan ama wasiirku inoo cadeeyey in somalilan uuyiri ay xaq uleedahay inay sugto amnigeeda maanta wax badan ayaa kala cadaada war maxaa been la isugu sheegaya puntland iyada kadanbeeysay qabsashad lascanod hadaan idiin bayaamiyo cade muuse markuu ahaa mucaaradka madaxweyne cllaahi yuusuf dagaalamayeen waa cararay cade wuxuu magan gelyo ugalay burco ama somaliland hadaalasocotaan iyo hadiikleba maalintaa ayeey waxay wada gaadheen somaliland inay gacan kasiiso oo uu dagaal ay garabkulayihiin puntland kusoo qaado taa waa suurta geliwaydey oo madaxweyne c/llaahi ayaa fursad siin waayey kuna hanjabay inuu burco kuweerarayo arinkiiwaa adkaaday ciidamaa la soo dhoobay sanaag meelkasto kamid ah oo puntland ah markaa ayaa talo ku cadaatay reer burco oo magaaladii baqdin laseexan waayey waxaa arin kaa bedelay oo wax ka qabtay si uu ukalabadbaadiyo dadka rayidka ah inaanay burco ka qixin suladaan siciid suldaan c/salaan oo reerpuntland ah iyo boqor buur madoow ooah ni somaliland ah waxaa klaqayb qaatay siyaasi siciid maxed raage horena u ahan jiray wasiirkii dekedaha ee puntland kalkaasa xaaladiilagu dejiyey oo heshiis kadhacay cade iyo jpp diisina lagu sooceliyey deegaanada puntland sidaalasocotan cade wuxuu noqday nin kiiloodoortay madaxweynaha puntland oo uukaga guulaystay madaxweynihii marka ahayey ee madax weyne maxed cabdi xaashi ilaa maalintaa heshiiskii ayuu dabada kawaday cade iyo in somaliland ay lawareegaan sooliyo sanaag lakin nasiibdaro sanaag waa lalawareegi kari waayey sikasta somaliland waa samaysay waxaa ka horyimi caqli fiyow iyo siyaasad xadiid ah halka ay uga fududaatay inay lawareegaan sool taasna waatan maanta reersol shacabkoode looladhaqmayo am aan aragnoba waxaan diyaar u ahay inaan dhiigayga ushubo laas canood anigu yaa igu raacsan

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Ka Raadi Wararkii u Danbeeyay

RADIO HORSEED MEDIA

RELATED ARTICLES

SUBSCRIBE

LATEST NEWS

Tags