Milateriga DFKM ah ee Soomaaliya ayaa marki ugu horeysay ka hadalay dagaaladdi ugu dambeeyey ka dhacay magaaladda Muqdisho oo ay wada galeen dhinacyada iskasoo horjeeda.
Afhayeenka Milateriga DFKM ah Aadan Ibraahim Kaalmoy oo maanta Saxaafadda kula hadlayay magaaladda Muqdisho ayaa ku eedeyey Xoogaga Mucaaradka ee kasoo horjeeda DFKM ah, in ay habeenimaddi xalay weerar kusoo qaadeen fariisimadda ay Ciidanka ku leeyihin magaaladda.
Waxaana uu ku eedeyey Xoogaga Mucaaradka in ay uu dagaalamayeen dad Ajaanib ah, iyadoo uu sheegay in dagaaladdi xalay ka dhacay Muqdisho ay ka qayb qaateen ila 169-Askari oo ka tirsan Ciidanka DFKM ah.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Ajaanibtaas ay u kala dhasheen dalalka Itoobiya,Kenya iyo Eritrea, isagoo ku eedeyey in ay Madaafiic ku duqeyeen goobo ay deganyihin dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Dagaaladdi xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Waqooyiga Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa uu dhaliyey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobaha Caafimaadka maanta la gaarsiiyey dad ka badan 15-qof oo rayid ah oo qaba dhaawacyo kala duwan.
Horseed Media
Tags: dagaal muqdisho