(Log in)

Puntland oo si kulul uga hadashay Mudaharaadyadi ka dhacay Laascaanood (Dhageyso)

February 7, 2010| AUDIO NEWS, NEWS: Category

Dowladda Puntland ayaa maanta si kulul uga hadashay Mudaharaadyadii rabshadaha watay ee ka dhacay Magaaladda Laascaanood ee xarunta u ah gobolka Sool maalinimadi shalay ee Sabtida ahayd iyo talaabooyinkii uu qaaday Maamulka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Puntland C/xakiim Axmed Guuleed oo Shir Jira’id ku qabtay Magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland maanta ayaa si kulul uu cambaareyey talaabooyinki ay Ciidanka Maamulka Somaliland ay ku xir xireen dad rayid ah.

Dhegayso Warkii Wasiirka Warfaafinta C/xakiim Axmed Guuleed 

Waxaana uu ku eedeyey Maamulka la magacbaxay Somaliland in ay Ciidankooda ku amreen in ay xadgudub uu geystaan dadweynihii samaynaayay Mudaharaadka, iyadoo uu ku tilmaamay in ay ku dhaqaaqeen falal ka dhan ah Bin’aadanimada.

Wasiirka ayaa sheegay in ay si xoog ah oo fool xun ay kula dhaqmeen dadweyne dhigaayay Mudaharaad ay ku soo bandhigaayeen Shucurtooda, isagoo sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysay ay ku dhaqaaqan Ciidanka maamulka Somaliland falal caynkan oo kale.

Waxaana uu ugu baaqay Beesha Caalamka iyo Hay’addaha uu dooda Xuquuqul Insaanka in ay si deg deg ah arintaan wax uga qabtaan isla markaana ay la xisaabtamaan Maamulka la magacbaxay Somaliland.

Wuxuu xusay in Maamulka Somaliland ay xaq uu leedahay in ay sugto Amnigeeda iyadoo aan ku xadgudbaynin Shuruucda Islaamka iyo kan Caalamiga, isagoo sheegay in dhamaan Sharuucdaas ay ka baxeen.

Ugu dambeyntii sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Maamulka Somaliland in ay si deg deg ah xabsiyadda kasoo si daayan dadweynaha rayidka ah ee qeyb ka ahaa Banaan bixi ka dhacay Laascaanood.

Horseed Media

Topics:


Bookmark and Share
29 comments
  1. dangarad says:

    waxaan idiin sheegayaa 2010 bisheeda 4aad inaysan sii joogayn isaaq laascaanood hambalyo reer daraawiishland

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. dangarad says:

    teeda kale puntland iyo somaliland dambe ka socon mayso gobolka sool sanaag iyo cayn sababtoo ah meesha waxaa ka dhacaya isbedel aad u balaadhan oo ah darwiishland dhulbahante midow saxarkii baxyoo samaatay

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. dangarad says:

    sida ugu dhakhsiyaha badan ayay uga baxayaan isaaq iyo gadibiirsay gobolka sool ee caasimada laascaanood markaaa ha u fadhiyina inay sii joogaan dadkaasi laascaanood waxaana ka saaraya halgamayaasha udhashay laascaanood geliya yadoo aan cid kale loo doonin iminkana gacmaha ayaanu is qabsanay kii ka nixi lahaa iyo kii ku farxi lahaaba you andrstand

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. jamaal says:

    All Salamu aleykum

    Den, Waxa weye in wax dadkii lahaa rabaan majoritygoodu laga dooda Mahan iniimana ficna Waqtiga inaad iska dhumisaan moyee wax Result-ah Oo aad ka heleysaan Majirto Anuu waxaan ahey nin reer p/land ah xaqiiqdii Waliba reer Bosasod ah S/p degenan jirey xafada New bosaso ,

    niman yohow Marki aan ka hadlayo arinta walaaleheen, Beesha Dhulbahante waa arin lagu wareerayo B,coze Dhulbahnte inaty racsan oo donaya Mumulkas isaaq 1%95 ayaa racsan maxaa soo harey shan shantaas Dowlada Puntland ayeey adecsantahay
    Waan jeclahay walaalahayga Dhulbahante waana ka damqadey wixii malintii dhoweyd ka dhacayey Lascanod But Maxan ugurmanaa iyagii ayaaba inta badan raacsantahay

    Marka waxan leyahay Dhulabahantaha Dhulkisa ibasadayoow hade waa inta cali sandule oo kale ah Pls ka damqada waxa ka dhacaya Gobalkinii iyo magaladini iyo Tuloyinkinii iyo dadkinii

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. ilhaan s nr says:

    kkkkkkk aad ayan uga xumahaay cabuurin taaa lagu hayo lascaanod ey ku hayan dolada beeshaa qisaaq kkkkk in shalah wey ka saraay hal gabayashaa uu dhashaay puntland sii dag dagaah ayaa loga sare bahal hiig ladaa lascanoh wasirku naaha waxa uu ka hadlay waaa ruun

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. wiil qoryacad says:

    soomali qabyaalad baa u cad. meesha wax kalaa ka socda. labada maamulba adis ababa bay hoos tagaan. in somaliya la qayb qaybiyo baa socota claahi yusuf cade iyo faroole arintaan waa og yihiin, marka beri maqla pland oo ku dhawaaqday gooni isu taag. idina weligiin harti ku haya

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Dr Deyib Dr Guuleed says:

    Hadalkan waa mid aan munaasab aheyn waana gaf balse hadaan nahey shacabka Puntland waa mid aan ka xumaaney waana mid aan u qalmid walaaladeen hadaba maamulka faroole horey ayaan uugu ogeyn habac-sanaanta Laascaanood waxaa muhim in dadka Puntland daga ey Laascaanood u gurmadaan sidoo kale taageeraan garaadada SSC oo ah garaadadeena waxaan qabaa inaan iska ilowno maamulka tabarta daran oo aan awoodin inuu xataa si toos ah u cambaareeyo falalka wax-shinimada ah ee laga wado Laascanood Faroole markuu doorshada ku jirey Laascanood ayuu ku af-gobaadsan jirey maantana waa aamusey balse taariiq ayaa qormeysa ninkii ka hara Laascanood isagaa ku dhib-qaba anagu hadaan nahay shacabka beeshada Daarood Laascaanood waa lama-taabtaan waana dhul daarood qabiil qabiil kuma duuli karo

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. lascanod boy says:

    waxas oo dhan waxay ku socdaan waxa ka shaqeeya

    Rating: Thumb up 0 Thumb down 0

Page 2 of 2«12




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.