Dahabshiil
Golis

Ciidan kasoo goostay Xisbul Islaam oo u ku jiro Wiil yar oo ku biiray DFKM ah

Dowladda Fedraalka ee Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay rag dhalinyaro ah oo ay ku sheegtay in ay kasoo goosteen Ururka Xisbul Islaam isla markaana iskusoo dhiibeen DFKM ah.

Munaasabad lagu qabtay xarunta madaxtooyada ayaa lagu soo bandhigay ila 10-dhalinyaro oo u ku jiro wiil da’a yar oo lagu qiyaasay 12-jir,kaasi oo la sheegay in uu ka mid ahaa dagaalyahanada Ururka Xisbul Islaam ee ka mid ah Xoogaga Mucaaradka kasoo horjeeda DFKM ah.

Wasiirka arimaha gudaha ee DFKM Sheikh C/qaadir Cali Cumar oo munaasabada ka hadlay ayaa ugu baaqay dagaalyahanada Xoogaga Mucaaradka ay iskusoo dhibaan Dowladda isla markaana joojiyaan dagaaladda iyo dhibaatooyinka oo u sheegay in ay wadaan,waxaana uu balanqaaday in lasoo dhoweyn doono hadi ay isi soo dhiiban.

Qaar ka mid ah dhalinyarada la sheegay in ay kasoo goosteen Xisbul Islaam oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihin in ay kusoo biiran DFKM ah,waxaana ay sheegeen in waxyaabo badan ay ku kaliiftay in ay soo goostaan.

Wiilka 12-sano jirka ah ayaa isagu sheegay oo ka hadlay dhacdooyin kala duwan,isagoo xusay in tababaro kala duwan u kusoo qaatay qaar ka mid ah goboladda Koonfureed ee Soomaaliya oo ay xitaa tababarada siiyeen Rag ajaaniib ah.

Ma ahaan marki ugu horeysay DFKM ah ay soo bandhigto Ciidan kasoo goosatay Xoogaga Mucaaradka ee kasoo horjeeda.

Horseed Media

RELATED STORIES

Comments are closed.