Dahabshiil
Golis

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Bari oo Xilkii La Wareegay (Dhegayso)

Waxaa maanta ka dhacdey xarunta gobolka Bari munaasabad si weyn loo soo agaasimey, taas oo ay ka soo qaybgaleen madax faro badan oo ka socotey laamaha kala gedisan ee Dawladda Puntland, Isimo, Ganacsato, Culimaa’udiin, Ururada bulshada iyo Haweenka.

Dhegayso Khudbadda Muuse Geele

Ugu horeyntii ayaa waxaa munaasabadda ka hadley Gudoomiyaha xilka baneeyay ee Xaaji Muuse Geelle Yusuf (Faroole), waxaana uu ugu horeyntii mahad u celiyey dhamaan dadkii la shaqeeyay, waxaana uu mahad iyo duco u jeediyey Gudoomiayaha Xilka la wareegayey ee Shiikh Cabdixaafid Cali Yusuf.

Mudane Muuse Geelle Yusuf ayaa soo sameeyay buug uu kaga hadlaayo waxqabadkiisi, waxaana uu sheegay in aysan suurtagal ahayn in buuga uu wada akhriyo laakiin uu siinaayo dhamaan dadka xiiseynaaya, waxaana uu sheegay in uu la shaqeynaayo Gudoomiyaha cusub.

Waxaa isaguna halkaas khudbad qiimi badan ka jeediyey Shiikh Cabdixaafid Cali Yusuf Gudoomiyaha cusub ee xilka la wareegay, waxa uu ka sheekeeyay, in waxa uu la wareegaayo ay tahay amaano, ayna tahay mid aad u culus, waxa uu ka sheekeeyay dareenkiisa isaga oo sheegay waxa uu dareemaayo in ay tahay cabsi iyo rajo, cabsi aan ka cabsanaayo ayuu yiri gudoomiyuhu in aan xilka gudan waayo iyo rajo aan ka qabo in aan horseedi doono barwaaqo iyo badhaadhe rabbi sabab iiga dhigo.

Gudoomiayaha cusub ayaa ka hadlay himilooyinkiisa waxqabad isaga oo ku soo koobay qodobo dhawr ah:

“Waxaan ka codsanayaa bulshada Gobolka Bari in aad ii hogaanstaan oo i adeecdaan inta aan samaha iyo wanaaga aan ka shaqeynaayo”

Cabdixaafid Cali Yusuf Gudoomiyaha Gobolka Bari.

Amniga

Mudane Cabdixaafid ayaa sheegay in uu ka shaqeynaayo waxna ka qabanaayo amniga Gobolka, siiba nabad kuwada noolaanshaha umadda ku dhaqan gobolka, waxaana uu sheegay in uu ku dedaalaayo sidii uu u abuuri lahaa walaalnimo, taas oo horseedi karta midnimo iyo wada noolaansho.

Cabdixaafid ayaa sheegay in khilaafyada ka jira gobolka Bari xalintooda uu u mari doono wada hadal iyo sulux iyada oo gundhig looga dhigaayo shareecada Islaamka.

Taabo gelinta maamul wanaagsan

Gudoomiayaha ayaa sheegay in uu wax ka badali doono maamulka, isaga oo balan qaadey in, maamul tayo leh uu samaynaayo kuwaas oo karti u leh maamulka.

Hormarinta Gobolka

Dhegayso Khubadii Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdixaafid Cali Yusuf

Gudoomiyaha ayaa ka hadley in uu ka shaqeynaayo sidii loo hormarin lahaa Gobolka Bari, siiba kaabayaasha dhaqaalaha, sidoo kale waxa uu sheegay in uu hormarin siinaayo arimaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, daryeelka dadka tabaaleysan, ha noqdeen kuwo barakac ku yimid gobolka ama horey u deganaa, waxaana uu gudoomiyuhu saldhig uga dhigey hormarkaas wada shaqeynta dhexmarta dawladda dhexe iyo gobolada.

Ugu danbeyntii Gudoomiayaha Gobolka Bari ayaa ka codsadey bulshada Gobolka Bari in ay la shaqeeyaan, inta uu wanaaga iyo samaha ka shaqeynaayo, waxa uu ka codsadey in ay toosiyaan marka uu qaldamo, waayo hogaanka in la adeecaa waa waajib inta aanu macsi ku amrin, waxaana uu balan qaadey in aan loogu imaan doonin eex, qayb, qolo qolo, iyo in uu noqdo nin koox gaar ah ku xiran.

Munaasabadda xilwareejinta ayaa waxaa sidoo kale ka hadley Wasiirka Amniga Puntland Gen.Yusuf Axmed Kheyr, waxaana uu ku dheeraadey sidii amniga looga shaqeyn lahaa isla markaasna maamulka iyo shacabku uu u noqon lahaa laba gacmood oo wada shaqeysa.

25.Feberaayo ee la soo dhaafey ayaa madaxweynaha Puntland wareegto ku magacaabey Gudoomiayaha cusub ee maanta xilka la wareegay Cabdixaafid Cali Yusuf, arintan ayaa madaxweynuhu ku sheegay in ay ka mid tahay isbedel uu wadey muddooyinkii la soo dhaafey.

Cabdisalaam Axmed Shire
Horseed Media
Bosaso, Puntland

RELATED STORIES

25 Responses to “Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Bari oo Xilkii La Wareegay (Dhegayso)”

  1. suleekha says:

    a/s dhamaan bulshada reer puntlan meel kastooy joogaan bulshada reer puntland waa bishaaree maogtihiin habsami dowladeena iyoo waxqabadkeeda wacan intaa kadib waxaa umahad celinayaa gudoomiye yaasha lakala wareegay xilkaan gaar ahaan gudoomiyaha cusub shiikh cabdi xaafi cali yuusuf runtii waxaan is oran karaa inuu yahay shaqsiga badali kara nidamkii hore ee kajiray puntlan wax wayna ku siyaadin kara waxana idin oranayaa far kaliyi fool madhaqdee aynu taageero waxna laqabano hogaanka cusub aynu yeelanay new begining,
    new challange, new face,every things yes we can waxaan ilahay ka baryayaa inuu noqdo qudwa xasana mid mudan kadayasho heer sare ah adna gudoomiya waxan ku leeyahay nin xil qaaday eed qaadye dulqaado oo usabur wax kastoo kaga yimada arintaan inna laaha maca saabiriin wa bilaahi toqfiiq

  2. meshaan anugu wlai marag qof dacad nimo wax u qabtay mida la baad hormarka wax dhooceya ka amin san tahiin? cidkasta oo wax garad ah wada shayqayn wanagsanleh ama shacab ku xidhan ama dowlad ku xidhan ba wax hor marin karta mid la baad ninku ma yahay nin ya qanah town plan mise wa oday bbc inta soo dhagaystay xooga sia ysad dhagah ka soo maqlay meshan siyasad uam bahna waxay u bahan tahay in la haga jiyo wadanka dhir lugu beedho wadooyin la dhiso school la dhiso qashinka la nadafito. masakinta wax loo qabto hospitalo la dhiso meel kasta hayad ba joogta hayadahan wax qabta la dhaho sas oo kale wax ah ba loo bahan yahay lakiin mahan siyaasi gudoomiye gobol inuu noqdo any why sc all reer bari kaluuun cuna yaal lolz

  3. Abdalle Isse Yusuf says:

    Hambalyo Sh.Cabdixafid Cali Yusuf Muse, waxbadan ayaan kufaraxsanahay in aan arko adiga oo gaaray derejadaas macalinkaygiiyow, waxaan kuu rajaynayaa in Eebe kula garabgalo hawsha weyn oo laguu dhiibay, waxaanna rajaynayaa in aad hesho cidku garabgasha. Sidoo kale waxaa mahad celin iyo xushmayn mudan mudane Muse Geelle oo si hufan ku wareejiyay xilkee kadib markii uu wax badan dadkiisa u shaqeeyey.
    Cabdixaafid karti iyo daacadnimo waanu kugu naqaan, waxayse hawshaadu ku xirnaandoontaa hadba sida ay bulshada reer Bari kuula shaqeeyaaan. GOOD LUCKY

  4. Jagfe says:

    Salaan sarre bahda Horseed media, oo marwalba usoo gudbisa akhristayaasheeda warar hufan oo ku fadhiya xaqiiqda ayadoo ka fog wararka been abuurka ah iyo cadiifada qabiil. Waad ku mahadsantihiin sida aad wararka uga haqab tirtaan macaamiishiina, adinkoo fikirkooda ku saabsan wararkana usoo daabaca. THNX:
    Xilwareejinta ka dhacday Bosaso waa mid ku dayasho mudan, waana talaabo lasoo dhoweeyo.
    Waxaana Gudoomiyihii hore ku leenahay waad ku mahadsan tahay sida aad dadkaada iyo dalkaada ugu soo adeegtay, Gudoomiyaha cusbna waxaanu leenahay Ilaah hakuu fududeeyo xilka laguu magacaabay: Aamiin. Puntland waxay gaartay heer madaxweyne ilaa iyo duq magaalo wareejiyaan xilalka ayagoon buuq iyo isqabqabsi ka keenin, waana mida aan leeyahay waxay mudan tahay ku dayasho.

  5. Maashaa allaah wax kastoo dhaca oo isbadel ah waa wax xag alle kayimid, wax kastoo isbadalayana ilaa alle ansixiyo mooyee ma dhacaan,hadaba walaaalayaal waxaynu kuducaysanaynaa maamulkaan cusub in ilaahay khayrkiisa nasiiyo shartiisana naga qabto,waxaadna ogaataa qofkastoo kunool dagaanka hadaan lahelin maamul cadaalad ah inan dhibta laga baxayn,marka hadaba walaal haduu shaqsigu yahay mid uqalma hawsha kutaageer baruu ku anfici doonaaye hadii kalase kadheeroow aduu kulugoynayaye,mana aha in wax walbaa qabiil lagu saleeyo waa waxa inala haray hadaba ilaahay halaga baqoo dalka iyo danta dadka hala ilaaliyo.

  6. Barqad Timir Yusuf says:

    I congratulate to all our people where ever they live on this planet. Our president is a wonderful leader, a great visionary and he will have prestigious a place in the history books. Some day in my life time with the help of Allah, I will build a museum to commemorate the life and the accomplishments of our beloved president Dr .Faroole. I like this president because of his quality of leadership, his choices of the cabinet which consist education, experience, ability to lead and his style of leadership over all. NO MORE War lords, ignorance, and those who intentions are to enrich themselves, their families and to oppress millions of their fellow Somalis on the process. It is a new dun for our People and wonderful country. Musse Geele showed courage and honorable example by transferring power peaceful y. writing a book about his journey, and accomplishment in his time in office is a new stander for all the leaders to show their progress. In my mind, he deserves praise. By the way he looks presidential.
    I wish all puntlanders and other Somalis where ever there are peace, progress, and bright future.
    I miss my Country

    Barkhad Timir Yusuf

  7. xafidu llah alxaaji muse gelle yusuf illahy ha ku xidyo amin

  8. INASANWEYNE says:

    S/C
    Bravo,kow waxa wax lagu farxo ah sida sharafka leh oo ay udhacday xaflada xil wareejintu,xilku waa meerto.
    Mida labaad waxa weeye oo xusida mudan Buuga oo uu qoray x G udomiyihii Gobolka Bari oo uu kaga hadlayo wax qabadkiisii waa arin kudayasho mudan runtii.
    Sadex waxan weydiin lahaa X Gudoomiyiihii Gobolka Bari lacag $100,0000 (boqolkun oo dollar) ah oo uu kuwareejiyey gudoomiyihii isaga ka horeyey mudane DHEDO oo uu yiri lacagtan waxan ka helay UN ka waxana loogu talagalay in lagu dhiso xarun cusub oo maamulka Gobolku yeelanayo. Arintaas DHEDO waxa uu ka sheegay xafladii xil wareejinta hadaad xasuusataan waana arin aanu gudoomiyuhu maanta soo hadal qaadin, garan maayo inuu buugiisa uga hadlay laakiin waxan ognahay in maamulka gobolka Bari uu weli deganyahay xaruntii lixdankii waagii bBosaso tuulada ahayd ladhisay.

  9. ENg Sagac.. says:

    dr c/xaafid waa nin karti bdan aqoon leh mid diini mid maadi ah, khibrad leh, ururada bulshada in bdan kasoo shaqeyey, ardayda puntland wax badan uqabtay, i hope, amaanka gobolka bari wax weyn ka qaban doono, shacabkana, ka heli doono kalsooni dheraad ah, ilahay hala garab galo gudoomiyaha, aamin aamin……..

  10. Mohamed Nour says:

    Aslaamucaleykum w.w
    Marka hore illaha baa mahadleh Puntlanad waxaan urajeyna barwaqo iyo bash bash waxaan aad ugu faraxsanahay wadashqeynta iyo qaabka xilwareejinta fiican waxaan uu godoomiyii hore bilabay wax weyn oo kudayasho mudan oo waan buuga uu qoray waayo qofkasta oo xil hayo waa inuu qoro waxqbadkisa iyo wax uqabsoomay si midkale oo xilka kala wareegaayo uu uga sii anbaqado kalsaas oo uu siidhameystiro , waxan lehay gudoomiyaha cusub waa inaad martaa meeshuu uu maray saxiibka Heeryo oo aha gudoomiyihii ugu horeyey ee gobalka Bari oo illa iminka lagu xasuusto waxqabadkisa well done baan ku leyahay Cadixaafid cali yuusuf ,

  11. Mohamed Farah says:

    maasha,Allah, waa wax lagu farxo Allah ba mahad iskaleh in maanta masuuliyiinta Puntland ay sidaas habsamida iyo wadaniyadda leh xilaalka ula kala wareegan waa guul bilow u ah Puntland iyo guud ahaan ummadda Somaaliyeed.

    waxan leeyahay Qof meesha ku so qorray rayigiisa oo eedayna yaa Madax weynah oo leh Qabilba meesha isku badalay saaxib hawshu wa billow wa dhici donta mar dhow in Qof walba kartidiisa lagu magacabo no matter Qabilka uu ka soo jeedo ee ha degdegin hana noqon Doqon fadhida legdan la fudud

  12. fatxa bogcad says:

    teeda kale maaha wax muhiim ah inuu lahayn khibrad badan oo siyaasad sababto ah ma jiro qof dhasha isagoo siyaasi ah haduu ku talo galo qofka inuu hormariyo bulshadiisa wuu hormarin karaa dadaal badan iyo daacadnimo haduu leeyahay insha’alaah waxaan rajaynayaa inuusan noqo sida dad badan oo xilka so maray oo kale c.xaafid u shaqee dadkaaga iyo dalkaaga waa gaaraysaa hadafkaaga teeda kale qofka hadaan la taageerin oo la garab is taagin ma wadi karo wax badan far kaliyah fool ma dhaqdo inshaä’alaah waxaan rajaynayaa inuu noqdo mid na faraxgaliya .

  13. fatxa bogcad says:

    marka kowaad waxaan salaamayaa dhamaan reer puntland waxaan kaloo u hanbaliyeeynayaa c.xaafid cali yuusuf waxaana leeyahay u gudo xukunka si illaahay yaqaan yacni si saxa fikrad ahaan c.xaafid waa nin dhalan yaro ah wax badan wuu badali karaa haduu u sheeqeeyo si lilaahi ah insha’alaah ilaahay hakaa dhigo kii hormar noo soo siyaadiya adigana xilka alaha kuu fududeeyo c.xaaafid

  14. ali says:

    Asc
    hambalyo ban leenahay xil wareejinta qaabka wanaagsan ee ay u dhacdey waa arin caadi ahayn marka waxan kale oo fiic nana lahyd in aan maqalno waxa lagu wareejiyey guud ahan gobolka shaqlohoda & wax qabadkooda, marka alaha la garab galo mamulka cusub howlahooda guud & midda gaar ahaanedba amin

  15. xx says:

    waa arin aad loo farxo

  16. abdalla says:

    maasha alaah aad ayaan usoo dhoway naynaa wadaadka waa nin daacada oo ilaahay ku xiran shacab ka waxaan lee nahay lashaqeeya wadaadka shiikha waxaan kula talin lahaa inaad horumarka gobalka ka shaqayso sida eirporka oo isagoo aan laami la dhigin la iska furay iyo dekeda oo iskadaa wax lagu daree ciidi ka buuxsan tay wsc wbr

  17. Cismaan Sanaag says:

    Xil-wareejinta ma aha mid isbadel

    Waxaan aad isu-weydiiyay isbadelka dhacey waxa uu ka saleysanaa, Waxan rabaa bal inaan ifiyo in isbadel dhacey iyo in-kale. Waxaan la soconaa xilalka la-magacaabey waxa ey ku saleysnaayeen hey-qabiil oo aan wali ka dhicin Taariiqda Puntland sida aad la socotaan wasaaradaha iyo gudoomiyayaasha la-magacaabey iney lagu badley nin walba reerkiisa taasina ey nagu tahay sharaf-xumo weyn sida aan la socono taariiqda Puntland ma soo marin tanoo kale sababta loo sameeyay-na ma naqaan waxaana jawaab laga sugayaa Dr Abdirxmaan inuu shacabka u macneeyo xililkan uu ku saleeyay heybta qabiil. Horey ayaan uuga soo kabsan weyney 53 wasaaradood ee uu sameeyay isagoo aan cidna kala tashan balse furey wado khatar ah oo lagu sifeyn karo sicir bar-bar siyaasadeed waxaan lee yahay Mrs Faroole fadlan ummada ha u horseedin dhib iyo khilaaf si looga samamta baxo arimaha aad bilowdey waa inaad dadka la tashataa

  18. Maxamed Yusuf Muse says:

    Assallaamu caleykum wr wbr

    Waxaan marka hore u mahadcelinayaa walaalaha horseednetmedia, sida ay horseedka ugu noqdeen iney noo tebiyaan akhbaaraha xiisaha badan ee maqalka iyo muuqaalka ee dhulkeena hooyo ka dhacaya.

    Salaan kabacdi waxaan illaahay sheekha uga baryayaa in masuuliyadda loo dhiibay Alle u fududeeyo. Waxaan dhammaan dadweynaha gobolka bari ka codsanayaa iney gudoomiyaha cusub wixii wanaag iyo kheyr ah ku adeecaan. Waxaana dhammaan ummadda soomaaliyeed kula talinayaa iney hogaankooda u dhiibtaan dadka ahlul kheyrka ah ee aan danaha gaarka ah wadanin.

    Waxaan gudoomiyaha kula talinyaa in, magaalada boosaaso la dhireeyo, boosteejooyin loo sameeyo, amaankeeda la ilaaliyo, waddooyinkeedana la hagaajiyo. Sidoo kale gudoomiayha ka codsanayaa in gobolka bari degmooyinkiisa fog fog loo sameeya waddooyin isku xira, si ganacsiga iyo isu socodkuba u fududaado.

    Waxaan gudoomiya iyo culumada gobolka bari kula talinayaa iney xiriir wanaagsan la soo sameeyaan hay,adaha kheyriga ah ee dadka ahlul kheyr leeyahihiin iyo kuwa dawliga ah ee laga leeyahay wadamada khaliijka, si ay uga goboladda puntland uga hirgeliyaan mashaariicda kheyriga ee wax ku ool ah ee ay ummaddu u baahan tahay.

    Waxaan kaloo culamada kula talinayaa iney diyaariyaan dad kawaadir ah oo aqoon aduun iyo mid aakhiraba leh oo ummaddan ka saarta jahliga, qabiilka, qaran duminta iyo mugdiga ay dhex maquuraneyso.

    Wabillaahi towfeeq

    Walaalkiin
    Mohamad Yusuf Muse
    Abu

  19. Congurate gudoomiyha cusub waan soo dhaway hadalka noqo mid xilkiisa guta. Shacabka reer putalan hanoqdeen kuwa iska duuban

  20. adeeryaal puntiland runta ha isku sheegto, maamul waa la bedeli karaa , gudoomiyana waa la bedeli karaa, waan in la sameeya sharciga gobolka iyo maamulka, waayo waa la wada ogyahay boosaaso xarunta ganacsiga laamiga bartankiisa ayaa beelo u dhisan yihiin lagama qaadi karo waa in dib loo eegaa sharuucda gobolka cajiiiiiiiiiiib, waan hubaa in horseed media tirtireyso fikradeyda cajiiiiiiiiiib

  21. HEER-SARE says:

    ascw.

    waxaan taageeraynaa gudoomiyaha cusub ee gobolka bari sh. cabdixaafid.
    waxaan ilaahay uga rajaynayaa in ilaahay la garab galo.AAAAAAAAAAAMMMMMMMMMMMMIIIIIIIIINNNNNNNNN

  22. ani madama an ahay ruux ku nool gobolka bari waxan aminsanaa in gudomiyii hore ee gobolka bari xaji muuse geelle uu ahaa gudomiye dacada ahana nin aqoon leh dabecad wanagsan una fur furan siyasad puntlan hatan tagan lkn mamulka wadadkaa waxan leyahay noqo sidii mamulkii kaa horeyey wa bilahi towfiiq

  23. fadumo says:

    runtii muuse geelle wa uu ahaa gudomiyee uu dacadsanaa oo soomaray gobolka bari wana nin dabeced wanagsan ahana nin u furfuran siysada hatan tagan waxan kaloo leyahay mamulka cusub in eey u shaqayaan sida uu horay uga shaqayey mamulkii ka horeyey

  24. alqardhaawi alnuuxi says:

    Aaaaaaaaaa latahay c/xaafid
    sow kaan aqaanay maaha ? laakiin markasta ilaaah hagarabgalo haduu wanaagrabo .