Dahabshiil
Golis

Wasiirkii Hore ee Dekadaha & Gadiidka Badda oo Xilka Wareejiyey (Dhegayso)

Waxaa maanta ka dhacdey xarunta Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda xaflad xilwareejinn ah, waxaana halkaas xilka ku wareejiyey wasiirkii hore ee dekadaha iyo gadiidka badda Eng.Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Gacayte, waxaana uu xilka ku wareejiyey wasiirka dhawaan loo soo magacaabey ee Siciid Maxamed Raage.

Xafladda xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Amniga, Taliyekuxigeenka Booliska Puntland,  Gudoomiyaha Gobolka Bari, Gudoomiyihii hore ee gobolka ´bari, wasiirku xigeenka maaliyada iyo marti sharaf kale

“Waxaan kamid ahaa asaasayaashii ururkii isbedel doonka Puntland, raali ayaana ku ahay in aniga isbedelkii maanta i saameeyay” Eng. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

Ugu horeyntii waxaa halkaas ka hadley wasiirkii hore Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xusseen, waxaana uu ka hadley mudadii 14 bilood ahayd ee xilka hayey wixii uu ka qabtey wasaaradda iyo shaqooyinkii bartanka u maraayey ee uu kala dardaarmaayey wasiirka cusub in uu dhamaystiro.

Mudane Cabdirisaaq ayaa caddeeyay in uu wax badan ka qabtey dekadda taas oo sababtey in ay kororto daklhliga dekadda, dayactir uu ku sameeyay dekadda mudadii uu joogey, isaga oo la kaalmeysanaaya ganacsatada.

Wasiirka ayaa ka sheekeeyay heerarka dekaddu soo martey ayna ka mid tahay 4tii dekadood ee laga dhexlay dawladdii hore isla markasana ay tahay midda ugu yar isla markaana ugu shaqada badneyd mudadii 20 sano ahayd ee la soo dhaafey.

Dhegayso Xilwareejinta Wasaaradda Dekadaha:

Wasiirkii hore ayaa ka sheekeeyay heshiisyo cusub ee ay galeen,kuwaas oo shaqo ka bilaabaya bisha sadexaad, waxaana uu arintaas mahadeeda u tiiriyey Madaxweynaha Puntland oo dedaal dheeraad ah sameeyay, shirkadda aan heshiiska la galney waxa ay wax ka qabanaysaa dekadda.

Mudadii 14 bilood ahayd ee aan meesha joogney waxaa ku gubtey dekadda laba doonyood, waxa aan ka shaqeyney sidii qalab dabdemis loo heli lahaa arintaasna heer wanaagsan ayey maraysaa, inta qalabku ka imaanaayo waxa aan samayney talaabooyin aan uga hortagi karno in dab dhasho.

Ugu danbeyntii wasiirkii hore ayaa mahad u celiyey jaalayaashii la shaqeynaayey kuwaas oo aysan suurta gal ahayn ayuu yiri la’aantood in aan waxqabano.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay xilkaqaadistii lagu sameeyay, waxaana uu tilmaamey in ay tahay xaq dastuuri ah oo madaxweynuhu xaq u lee yahay, “…waxa aan kamid ahaa ayuu yiri asaasayaashii isbedeldoonka sanadkii 2008, waxaana soo dhaweynayaa in ay aniga i saameyso isbedelka Puntland, waxaana uu ku baaqey in laga wada shaqeeyo amniga Puntland iyo hormarinteeda, isaga oo baaq u direy dhamaan shaqaalaha wasaraddu in ay la shaqeeyaan wasiirka cusub.

Wasiirka cusub ee dekadaha iyo gadiidka badda Siciid Maxamed Raage

Wasiirka Cusub ee xilka la wareegay, Siciid Maxamed Raage ayaa isaguna halkaas ka hadley waxa uu sheegay in uu goobta iyo wasaaradda si fiican u garanaayo isla markaasna uu wasiir ka ahaan jirey iyada oo inta ka balaaran, wasiirka ayaa balan qaadey in uu halkaas ka anbaqaadi doono, isaga oo mahad gaar ah u celiyey wasiirkii hore oo uu tilmaamey in uu yahay saaxiibkiisi gaar ah.

Dekadda Bosaso ayaa ah isha ugu weyn e dhaqaaluhu ka soo galo deegaanada Puntland iyo meelo ka baxsan, dekadda ayaa u baahan dayactir dhinacyo badan leh, maadaama qaybo kamid ah uu soo buuxdhaafiyey bacaad, waxaana adag in ay ku soo xirtaan maraakiibta waaweyn, sidoo kale dekadda ayaan lahayn weli dabdemis u gaar ah, waxaana dhawaan ku gubtey laba doonyood oo xamuul sidey.

Waxaa ayaamahan ka socdey deeganada Dawladda Puntland masuuliyiin xilka la kala wareegaaya, kadib markii madaxweynaha Puntland uu sameeyay isku shaandheyn xukuumadda dhexdeeda ah.

Cabdisalaam Axmed Shire
Horseed Media

12 Responses to “Wasiirkii Hore ee Dekadaha & Gadiidka Badda oo Xilka Wareejiyey (Dhegayso)”

  1. somalidoon says:

    asc dhamaan bahda rer puntland ad ayaan usoo dhawaynaynaa eng.gacayte anigu waxaan ku tilmaami lahaa inuu yahay wasiirkii sanadka somaliya ama ninkii sanadka somaliya waayo isagoo kale maahayn in laga qaado xil ee waxay ahayd in loo dhiibo somaliya isaga oo kale ayaa istaahila inuu madax noqdo shacabka intaan arkay oo dhana way taageereen qofkana waxyaabaha lagu ogaado waxa kamid ah hadalkiisa iyo kalsoo nidiisa uu ogyahay inuusan udhalan xilka hadii loo dhiibana uu kasoo baxo waa jibkeeda somaliyay oo gaada inaad udhiibataan Eng.Gacayte oo kale saad hurumar ugaartaan

  2. marka hore waxan salamaya dhamaan bahwaynta horseedmedia.marka xiga nah waxan u mahad celinaya,wasirka xilka wareejiyay ee eng.cabdirisaq xaji xussen gacayte sida sharafta leh uu xilka ugu wareejiyay eng.siciid maxamed raage iyoh sidi xufan oo hanaanka leh uu speech kisa ugu soo qatay wax yaabihi uu qabtay iyo intu kala barka marinayay mudaduu xilka hayay.gunti iyo gaba gabadi waxan sido kale halkan uga mahad celinaya wasiirka xilka la wareegay ee ENG.siciid maxamed raage,waxana leyahay ku dadaal saad masharicda dikada uu kala barka marinayay eng.gacayte aad udhamastirinahayd iyo waxyaabaha kale ay dikadu u bahi qabtoh, aadan nah activity gaga ku ekisiin masahricdas oo kaliyah,maa dama aad tahay nin waaya arag u ah xilka loo dhibay,horay nah waxyaba badan oo dikadu ubahi qabtay in ta aadan is casilin aad dhamaystirtay!

  3. INASANWEYNE says:

    RUN SHEEG WAA CEEB SHEEG!!!!!!!!!!!!
    Runtii waan ladhacay sida hufan oo sharaf kujiro oo masuuliyiinta laysku bedelay ee PLnd xilka ula kala wareegeen walow aan horseed ka akhristay in DR DHALAX MINISTER OF PLANING uu diidey inuu xilka wareejiyo taasi waxay ixusuusisay 2006 markii xilka wasiirnimo laga qaaday the curent president of PLANAD DR Froole. waagaa mr uor president waxa kukacay arin aan wanaagsanayn oo wuxu wareeray xarunta BARLAMANKA PLAND waana arin baal madow kagashay taariikhda faroole uma jeedo in shakhsi wax kasheego laakiin waa dhacdo jirta.

  4. Xusul baruur says:

    Dadka PL Degan Isku Dhqan maha lakiin Abtiris bay Wadaagaan Hadaad Aragto Nin Xilka In Lagawareejo ku Qanacsan Xeer iyo Nadaam Soojireen ah buu leyahay. Kan wax Rabsheeya goorti xilka laga qaado waa Xoolo Dhaqato ama waa Jabhad Tariikhdiisa hadii la sii raaco U Fiirsada Dadka.

  5. Sakariye Isticmaar says:

    Hadalka Wasiirki Hore iyo Hilaac ii baxey

    Waxaan aad uu-la dhacey sida wanaagsan ee uu xilka u wareejiyay mudane Eng Abdirsaq Xussien Gacayte. Waxaan sidoo kale aad u soo dhoweeyay hadalkii uu ka yiri xafladii xil-wareejinta. dadka barta cilmiga bashariyada, marka ey qiimeynayaa qof masuul ah waxa ey ku qiimeeyeen hadalkisa iyo howal-karnimadiisa. Waxaa hubaal ah hadalka wasiirka inuu ku dheeh-naa xigmad iyo hufnaan waxaana muhim ah in qofka masuulka ah inuu kasbado shacabkiisa waxaase hubaal ah masuuliyiinta Soomaalida marka xil laga qaado waxa ey maagaan cida xilka u dhiibtey iyagoo walba ku takari fala hantidada shacabka. Eng Gacayte waxaan oran karaa waxa uu ka soo baxey masuuliyadii loo idmey waxaana muhim ah in qofka muwaadinka ah uu mar-waliba ka fakaro danta shacabka hadalka Eng Gacayte ayaa kamid ahaa Dowladu kaligeed wax ma qaban karto waa in shacabku la shaqeeyaan waxaan filayaa in shacabka ey xukuumadu ey noqdaan ul-iyo diirkeed walow ey jiraan qaldaad siyaasi ah oo waa weyn hadana waxaa muhim ah ineynu horey u socono xisaab ayaa nagu socta waxaa inaan fahanaa cida xisaabta ina-dhex taal shacabka Puntland waa iney ka shaqeeyaan nabada horomarka iyo cadaalada xukuumada waxaa iyana la gudboon iney shacabka kasbato iyadoon ku tuman xuquuqda muwaadiniinta sidoo kale waxaa laga rabaa dowlada Puntland iney dadka u horseedaan horomar iyo cadaalad

  6. afcase says:

    aqoontu waxay dhistaa oraahdaada aad ayaan ula dhacay xilwareejintii uusameeyay enj c/risaaq gacayte waana ku faraxsanahy nin walba isbedelka ogolaadao waana ugu mahadinayaa waxaan kaloo soo dhoweynayaa isbedelka mudanae madaxweyne c/rixmaan sameeyay kusoo dhowoow mudanae saciid raage xilka cusub waxaan akuu arajaynayaa in ilaah kuu fududeeyo aamiin

  7. asc dhamaan shacabka reer puntland looma dhalan xilka laakiin waxaa muhiim ah qofka hadii xil loodhiibo inuu kasoo baxo inkastoo aan wali wax badan laga sheegi karin wax qabadka rasmiga ah ee uu sameeyay eng.Gacayte taas oo salka ku haysa waqti ku filan oo lagu ogaan karo inuusan hayn xilka laakiin waa in lagu kal soonaadaa isbadalka madaxwaynuhu sameeyay. isbadalka wasiirada cusub oo hada lasameeyay waxaan usoo jeedinaayaa wax qabad muhiim taas ayaa ah wadan inaan leenahay waa inaan ogaanaa fursad badan oo inasoo martay ayay naan kafaa iidaysan hada waa inaan ka faa iidaysanaa waqti wali waa haysanaa reer puntland waxaan ugu baaqaayaa wadani nimo iyo waxqabad daacad ah asc

  8. wiil boosaaso says:

    Asalaamu calaykum walaalayaalow waxaan idin weydiinayaa homepegka la yiraahdo DAYNIILE maxaa ku diray reer puntland

  9. runtii waxan ad ula dhacay aftahanimada iyo qirada dibicsan ee wasiirka wasarada dakedaha runtii wan u hanbalyeynayaa.. dhaman ardayda china wax kabarta ad ayee ula dheceen hadalka gacayte boowe mcn adaa jira

    \

  10. Cise Cise says:

    Waan ku farxey qaabka uu u hadley masuulka xilka wareejiyay maanta Soomaaliya lagama helo nin xil laga qaadey oo qirta in si sharaf ah looga qaadey bal iney mucaarad noqdaan ayaa lagu yiqiiney ninkan masuulka ah waxaan lee yahay noolow

  11. Dr Deyib Dr Guuleed says:

    Wareysiga Eng waa mid aan la dhacey

    Xaqiiqdii ninkan Eng Abdirsaaq la yiraahdo si karaamad iyo sharaf leh ayuu u hadley walaahi aad baan u soo dhoweeyay waxaan i qiira galise hadalkiisa waxaan qabaa Mr Gacayte inuu yahay siyaasi aqoon-yahan una soo baxey shacabka Puntland waxaa muhim ah in qofka xilka laga qaado uu noqdo qof si wanaagsan u dhiibo xilka karaamana u hadlo waxaan aad uugu hambalyeynayaa Eng Abdirsaaq Xussien Gacayte inuu yahay halyey sharaf ku dheehan tahay. Abdirsaaq Boowe Noolow

  12. Cismaan Sanaag says:

    Eng Abdirsaaq waa kuma

    Ninkan Eng Abdirsaaq Xussien Gacayte waxaan ka wada baxney jaamacada Dimishiq qeybta dhismaha waxa uu ahaa nin aad u wanaagsan una qalmey in xil loo-dhiibo amase masuuliyad la saaro, waxaan ku bartey hufnaan iyo wanaag waxaan jamaamacada ku aheyn 20 ardey oo isir ahaan ka soo jeeda Puntland waxa uu ahaa ninkii odeyga noo ahaa xataa waxaan xasuustaa markuu biilku naga goa amase naga dhamaado oo isagu bixin jirey. Waxaan qabaa Mrs Faroole inuusan uuga qaadin Eng Abdirisaq shaqo laan ey jirto arimo siyaasadeed oo sida hada ku cad isbadelka waxaan talo ku siinayaa Madaxweynaha inuu ka fiirsado talaabooyinka uu qaadayo isagoo aan eegin cida fikirkiisa ku qanci weyday balse uu eego danta guud

    Although I doubt Mrs Faroole will do that.