Dahabshiil
Golis

Iraan oo ku baaqday in wax laga qabto xaaladda dalka Soomaaliya

Dowladda Iraan ayaa waxaa ay ku baaqday in wax laga qabto xaaladda iminka ka taagan dalka Soomaaliya gaar ahaan dagaaladda iyo colaadaha kasi socda.

Wasiirka arimaha dibadda ee Iraan Manouchehr Mottaki oo shalay gaaray magaaladda Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa sheegay in ay aad uga xunyihin dagaaladda u dhaxeeya dhinacyada isku haya talada iyo Siyaasadda dalka Soomaaliya.

Waxaana u kulan la qaatay Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Kenya Moses Wetangula oo ay iskula soo hadal qaadeen arimaha Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa oo dhex dhexaadin looga dhex bilaabi lahaa dhinacyada dagaalamaaya.

Mr.Wetangula ayaa xusay in Dowladda Kenya ay markasta diyaar u tahay waxka qabashada xaalka Soomaaliya,iyadoo ugu baaqay Dowladda Iraan in ay arintaas gacan ka geysato.

Wasiirka arimaha dibadda ee Iraan ayaa hore masuuliyinta Dowladda Uganda kala hadlay arimaha Soomaaliya gaar ahaan Ciidanka AMISOM ee ku sugan magaaladda Muqdisho una jooga howlo nabad ilaalineed ah.

Horseed Media

RELATED STORIES

Comments are closed.