Waxaa ka socda deegaanka Xarerdheere ee bartamaha Soomaaliya wadaxaajood iyo gorgortan la doonaayo in lagu soo daayo Paul iyo Rachel Chandler oo ah laba qof oo is qaba una dhashay dalka Britain kuwaas oo muddo dheer gacanta ugu jirey dabley Soomaaliyeed, kuwaas oo ka soo qafaashey badda guudkeeda.
Wada xaajoodka ayaa la sheegaya in Dawladda Federaalka ah ay dooneyso in ay ku bixiso lacag ka yar tii ay dalbadeen dableydu, si ay xoriyadoodi u helaan labadan qof ee kor u dhaafey 60kii sano isla markaana la ildaran xanuuno.
Waxaa maalinta beri ah ku imaanaya safar rasmi ah Madaxweynaha Dawladda Federaalka, waxaana lagu wadaa in uu kulan la qaato Raysalwasaaraha Dalka Britain Gordon Brown, Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa hareeyay weji gabax maadaama dalka Soomaaliya afduub loogu haysto lamaanaha Biritishka ah muddo ka badan 4 bilood, kuwaas oo loo haysto Madax furasho, Madaxweynaha ayaa doonaya in siideynta lagu aadiyo mudada uu safarka ku joogo Ingriiska taas oo ka bilaabanaysa maalinta Isniinta ah.
Lama oga heerka wada xaajoiodku maraayo, iyo in burcadbadeedu aqbali doonaan lacagta Dawladda Federaalku ku dooneyso in lagu soo daayo Labada qof ee Biritishka ah.
Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media
waxaa nasiib daro ah in waxan inoo horeyn jirin inoo dambeeyaan waxaan leyahay nimanka haysta lamaanayasha inaad sii daysaan idinkoo u baqaya waxa CVga idiin galaya war cebtu way in wada qabataa laakin magacu wa idiin gaar hawiye ilahay ka baqoo magceena dhowra magaciin ala bi iye
asc. waa ta ma la hubo imn laamanaha is aqaba ;a soo daayuo ilaahow ka soo daa moryaantaa qorunka ah kuwaasi dad ma ah marka ilaahay hanaga qabto