Shir ballaaran oo ay ka soo qayb galeen Ururka Haweenka ee Willmar (Willmar Womans Center) iyo Somali Willmar Youth and Sports Center ayaa lagu qabtay xarunta ururka haweenka ee magaalada Willmar.
Magaalada Willmar ayaa waxay 90 mile u jirtaa magaalooyinka Minneapolis iyo Saintpaul,waxaana ku nool dad Soomaaliyeed oo aad u faro badan.
Shirkaasi isaga ah ayaa waxaa looga hadlayay sida ugu habboon ee looga faa’iidaysan karo isboortiga, looguna barbaarin karo caruurta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Willmar, iyo kaalinta uu Isboortigu ka qaadan karo wacyigalinta, isfahamka iyo horumarka dhallinyarada Soomaaliyeed.
Shirkaasi isaga ah oo ay ka soo qaybgaleen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Willmar oo ay isgu jireen waxgarad, haween,caruur , culumaauddiin iyo dhallinyarada noocyada isboortiga ee kala duwan ayaa ugu horraynntii waxaa halkaasi ka hadlay tababaraha Kooxaha kubadda cagta iyo Koleyga Mudane Aadan Axmed “Catoosh)oo ka tirsanaan jiray cayaaryahannadii kubadda koleyga heerka 1aad ee naadiyadii dalkeena Soomaaliya, waxaana uu aad ugu dheeraaday faa’iidada isboortiga uu u leeyahay caruurta Soomaaliyeed xag Jireed iyo xag Maskaxeedba iyo saamaynta qofka isboortiga uu ku yeelan karo bulshada dhexdeeda.
Tababare catoosh ayaa dadkii halkaasi halkaasi isugu yimid waxaa uu u ballaanqaaday in la ballaarin doono hawlaha isboortiga ee ka socda magaalada, Waxaana uu si aad ah ugu booriyay waalidiintii halkaasi joogtay inay caruurtooda ku soo xiraan goobaha ay tababarada isboortiga ka socdaan.
Taraar Ibraahim oo oo ka mid ah maamulayaasha Isboortiga Willmar ahna Oday isboorti oo xushmad ku leh magaalada Willmar ayaa isaguna halkaasi ka soo jeediyay dhiirrigalin iyo talo bixin ku aadan sidii loo horumarin lahaa isboortiga magaalada Willmar, loona abaabuli lahaa tartamo iyo kooxo kala duwan oo tayo wanaagsan leh.
Ugu dambayntii waxaa halkaasi ka hadashy guddoomiyaha ururka haweenka ee Willmar Marwo Luul Yuusuf oo iyadu ka hadashay Isboortiga iyo Faaiidooyinkiisa. Waxaana ay halkaasi ka ballan qaaday inay hiil iyo hooba la garab istaagi doonto dhallinyarada isboortiga ee Willmar iyo ururka Somali Youth and Willmar Center,. Waxaana ay si aad ah ugu mahadcelisay dadkii faraha badnaa ee goobtaasi isugu yimid iyo dhallinyaradii ka soo shaqaysay barnaamijkii quruxda badnaa ee halkaasi ka dhacay.
Waxaa iyaduna xusid mudan in xafladdaasi ay goob joog ka ahaayeen Yoonis Xaaji Saciid oo ka mid ahaan jiray cayaaryahannadii xulka qaranka kubadda Miiska ee Soomaaliya iyo Jaamac Boowe oo isaguna ka tirsanaa cayaaryahannadii cuslaatay ee kubadda cagta.
Xafladdaasi ayaa ku soo idlaatay si aad u qurux badan.
Diyaariye Shiikha
shiikha50@hotmail.com
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!