Dahabshiil
Golis

Real Madrid Oo Qabatay Hogaanka Horyaalka Spain

Ciyaaryahanka Qadka dhaxe ka ciyaara Van Der Vaart ayaa Naadigiisa Real Madrid ka saaciday inay qabato hogaanka sare Horyaalka Spian ka dib markii uu Goal-ka guusha ciyaratii 3-2 ay Sevillie kaga badiyeen uu saxiixay dhamaadkii ciyaarta.

Naadiga Seville ayaa 2-0 gaarsiisay Kooxda Madrid,laakiin wey ku guuldareysteen inay iska caabiyaan weerarada is bada joga ah ee ka imaanayay Ciyaartooyda Real.

Ciyaaryahankii hore Liverpool Xabi Alonso ayaa goolkii ugu horeeyay hadiyad ahaan u siiyay Kooxda Seville daqiiqadii 9aad ciyaartii ka dhacday Bernabeu Stadium,iyadoona . Ivica Dragutinovic uu Seville goolka 2aad daqiiqadii 52aad u keenay,laakiin Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqadii 60aad goolka 1aad Real Madrid u dhaliyay, iyadoo kii bareejada ahaa uu u dhaliyay Sergio Ramos daqiiqadii 64aad.

Naadiga Barcelona ayaa xalay la kulantay bar bardhac u dhigmay guuldaro,iyadoona waliba ku ciyaareysay 10-ciyaartooy,waxaana taaasi usii dheereyd in Macalkinkooda Guardiola kaarka cas loo taagay.

Naadiga Almaria ayaa ahyed kooxda mar walbo ku hor mareysay Goolasha,laakiin waxaa taasi mar walbo diidayay Ciyaaryahanka Adduunka ugu qaalisan Lionel Messi oo labada Goal kooxdiisa u dhaliyay.
Haatan waxaa hogaanka sare wada haya Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona,laakiin waxaa dhanka farqiga goolasha hogaanka ku haya Kooxda Real Madrid.


Xussen Maxamed Cabdulle (Riiko)
riiko@horseedmedia.net
sport@horseedmedia.net

RELATED STORIES

Comments are closed.