Tababaraha Naadiga Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in Xiddigiisa Rooney ay u badantahay inuu ka maqnaado Kulanka Adag ee Chapions League ka tirsan oo ay Kooxda Milan wajahi doonaan Isbuucaan dhamaadkiisa.
Tababare Ferguson ayaa xaqiijiyay in dhawaaca Rooney uusan noqon sidii horay loo filayay,isagoona xusay inay macquul tahay inuu ka tago marka uu xulanayo ciyaartooydiisa ka hor tagi doonto Naadiga Ac Milan kulnka Uefa Champions League ka tirsan.
Rooney ayaa waxuu dhawaacamay ka hor Ciyaartii Finalka Carling Cup-ka ay Aston villa la yeesheyn ,taasoo Ferguson ku qasabtay inuu Xiddigaan Keydka ku soo bilaabo,laakiin dhawaacii Owen ayaa macalinka ku qasabtay inuu soo galiyo Rooney.
“..Shaki weyn ayaa ku jira safashada Rooney Ciyaarta Milan..”sidaas waxaa TV-ga Manchester united u sheegay Ferguson.
Dhinca kale Warar goor dhow ka soo baxay Kooxda Chelsea ayaa sheegaya in Ciyaaryahanka qadka dhaxe Essien uu garoomada ka sii maqnaan doono lix isbuuc oo kale,ka dib markii Scan la saaray ay sidaas sheegtay.
Essien aya horay loo shaaciyay inay macquul tahay inuu safan karo Kulanka Inter,laakiin Macalinka Kooxda Chelsea Ancelotti aya xaqiijiyay in dhawaaca Essien uu u bahanyahay nasiino dheer,taasoo uu ku sheegay inuu ugu yaraan maqnaan doono lix isbuuc.

Xussen Maxamed Cabdulle (Riiko)
riiko@horseedmedia.net
sport@horseedmedia.net
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!