Maamulkii hore Magaaladda Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta xilkii ku wareejiyey maamulka cusub ee u dhowaan Madaxweynaha Dowladda Puntland u magacaabay Bosaso.
Munaasabad ka dhacday xarunta Dowladda Hoose ee Bosaaso ayaa xilalka ku kala wareegeen Duqi hore ee degmadda Bosaaso oo hadda ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Mudane. C/risaaq Xareed Ismaacil iyo Duqa cusub ee dhowaan soo magacaabay Maxamuud Beeldaaje,waxaana kasoo qaybgalay, masuuliyiin ka socda Dawladda Puntland, Odeyaal,Waxgarad,Culimo iyo martisharaf kala duwan.
Munaasabadan ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay Duqii Hore ee Xilka wareejinayay C/saaq Xareed waxaana uu ugu horayn u mahad celiyay dhamaan dadkii kasoo qaybgalay munaasabadaasi waxaana uu kasheekayay waxqadadkii ay qabteen maamulkiisu intii uu hayay xilka duqa dagmada Bosaaso waxaana uu dardaaran iyo bogaadin usoojeediyay duqa cusub ee dagmada bosaaso lasoo magcabay waxaana uu sheegay in uu lashaqayn doono duqa cusub ee lasoo magcaabay.
Duqa cusub ee degmada Bosaaso Maxamud Beeldaaje oo isaguna ka hadlay munaasabada xil wareejinta ayaa u mahadceliyey maamulkii ka horeeyey iyo bulshada kunool maladan Boosaaso, wuxuuna halkaasi kasheegay in ay maamulkii ha horayay ay waxbadan qabteen islamarkaana ay halkaasi kasii wadi doonaan isagoo dadwaynaha kunool magalada Bosaaso ugu baaqay in ay kashaqeeyan amaanka guud.
Wasiirka Amniga Gen.Yuusuf Axmed Kheyr oo isagana halkaasi hadal kasoo jeediyay ayaa maamulka cusub ee degmada Bosaaso ugu baaqay in ay kashaqeeyan amaanka iyo kala dambaynta Puntland waxaana uu sheegay in gudaha magalada bosaaso ay kusugan yihiin dad doonaya in ay khalkhal ka abuuran islamarkaana diidan jiritaanka iyo kala damaynta puntland waxaana uu kubaaqay in dadkaasi laga feejignaado oo laga hortago.
Gudoomiyaha Gobolka Bari sheekh C/xaafid Cali Yuusuf oo ka mid ah masuuliyiintii xilwareejintaasi ka qayb gashay ayaa sheegay in maamulka gobolka Bari ay diyaar u yihiin in ay wax kasta ay kala shaqeeyan maamulka cusub Bosaaso.
Duqa Bosaso waxaa soo dooran jirey Gole deegaan oo beelaha halkaas ku dhaqan ay iska soo xuleen, waxaana wareegto ku kala direy Madaxweynaha Puntland oo dastuurka Puntland awoodaas siinaayo, lama oga mudada ay qaadan karto maamulkan ku meelgaarka ah, iyo sidii dib loogu soo dhisi lahaa gole deegaan oo Bosaso yeelato kaas oo kamid ah maamul wanaaga dawladda.
Xilwareejintaan ka dhacday Xarunta Dowladda Hoose ee Bosaaso ayaa imaanaysa dhowr maalmood ka hor oo xil wareejin noocaan kale ay ka dhacday guriga gobolka ee Bosaaso oo ay xilka kula wareegeen Maamulka cusub ee gobolka Bari.
Cabdisalaam Axmed Shire
Horseed Media
Guul guul ayaan u rajaynayaa shacabka Puntland gaarahaan shacabka gobolka bari waana arin lagu farxo is adeecida dhexdeena ah.Duqa bosaso waan u hambalyaynayaa waxaana ka rakaynaynaa horumar in uu gaarsiiyo magalada xudunta u ah shacabka Puntland iyo somali oo dhan Bosaso waxay u baahan tahay in loo dhiso laami in la dhireeyo in loo sameeyo Jardiinoyin dhir leh,magalo waa meel lagu nool yahay waana in la nidaamiyaa oo loo sameeya townplan Bosasona waxay u baahan tahay in loo sameeyo Townplan casri ah. Cashuurta ka soo baxda bosaso waa in bosaso lagu bixiyaa oo lagu dhisaa jidad laami ah oo dhaxmara magalada. waa la karaa ee aan isku tashano.Guulaysta waligeen Allahna talosaarta.