
Waxaa sii xoogeysanaya wararka kasoo baxaya dalalka Maraykanka, Itoobiya iyo Kenya ee ku aadan dadaalada ay Dowladahaasi wadaan oo ay ku doonayaan in ay gacan militari kusiiyaan Dowlada Federaalka Soomaaliya inay dhawaan duulaan militari kula wareegto gacan ku heynta gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.
Jaraa’idka Maraykanka iyo Kenya oo wax ka qoray abaabulka socda
Podcast: Play in new window | Download
Jariirada kasoo baxda dalka Kenya ee Daily Nation ayaa ayadoo xog kasoo xiganeysa xubno kamid ah Dowlada Kenya sheegtay in dhawaan dalka Soomaaliya la geyn doono 2,400 oo askari oo ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo bilihii lasoo dhaafay tababaro militari lagu siinayey xerada Manyani Kenya Wildlife Service ee ku taal gobalka xeebta saaran ee dalkaasi Kenya.
Jariirada Daily Nation ayaa sheegtay in ciidamadan u badan yihiin beesha Ogadeen ee degta gobalka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya iyo koonfurta Soomaaliya, ciidamadan ayay sheegtay in la doonayo inay xarumo ka sameystaan gobalada Jubooyinka ee dalka Soomaaliya.
Sidoo kale dhanka Itoobiya waxaa ka socda abaabul kaas lamid ah oo ay Ciidamo kasoo jeeda gobalada Gedo, Bay iyo Bakool oo halkaasi tababaro loogu fidiyey lagu wadaa inay xadka Itoobiya kasoo tilaabaan si ay ulla wareegaan gobalada Galbeedka dalka Soomaaliya.
Taageerada Maraykanka
Jariirada New York Times ee kasoo baxda dalka Maraykanka ayaa sheegtay in Ciidamada Maraykanka ay gacan kasiin doonaan dowlada Soomaaliya qorshaheeda militari.
New York Times ayaa todobaadkan qortay in Diyaaradaha Maraykanka ee wax basaasa ay bilihii lasoo dhaafay wadeen xog aruurin ku aadan fariisimaha maleeshiyooyinka Islaamiyiinta ah ee ku sugan gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.
Jariirada ayaa sidoo kale qortay in Saraakiil Maraykan ah ay tababaro siiyeen xubno ka socda sirdoonka Dowlada Federaalka Soomaaliya.
New York Times oo soo xignaysa xubno ka tirsan Xukuumada Maraykanka ayaa sheegtay in hay’adaha gar gaarka ee hoostaga dalka Maraykanka lagu wado inay deeq cunto iyo daawooyin gaarsiiyaan gobalada koonfureed ee Soomaaliya marka ay halkaasi la wareegaan ciidamada DFKMG, si shacabka ay kalsooni usiiyaan dowlada Soomaaliya.
Dhanka kale Wariyaha Horseed Media ee magaalada Beledxaawo ayaa kusoo waramaya in shacabka magaaladaasi ay walaac weyn ka muujinayaan duulaanka la sheegay in dhawaan deegaanadaas ay kusoo qaadi doonaan xoogaga taageersan DFKMG Soomaaliya, dagaal halkaas ka dhaca ayey shacabka sheegeen inuu khasaare horleh gaarsiin doono dadka rayidka ah.
Kenya iyo Qorshaha militari
Dowlada Kenya ayaa ayadu hada uu muuqata inay go’aansatay in ay si toos ah uga qeyb qaadato gacan siinta Dowlada Soomaaliya dhinaca militari, ayadoo horey Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kenya Mr.Mosses Watangula uu shirkii Midowga Afrika ka sheegay in Dowlada Kenya aysan gacmaha kasii laaban doonin xaalada dalka Soomaaliya oo uu sheegay inay saameyn ku yeelan karto xasiloonida dalkooda.
Ciidamada lagu aruuriyey dalka Kenya oo bilihii lasoo dhaafay halkaasi tababarka lagu siinayey ayaa la sheegay inay ay dowlada Kenya dooneyso inay noqdaan kuwo la dhex dhigo gobalada Koonfureed ee Soomaaliya ee saaran xaduuda Kenya iyo Soomaaliya si aysan halkaasi uga soo tilaabin xoogaga Islaamiyiinta ah ee Al Shabaab.
Itoobiya iyo Maleeshiyooyinka ku sugan
Dowlada Itoobiya oo ayadu hada kahor faro gelin militari ku sameysay dalka Soomaaliya, ayaa xiligan si weyn ugu mashquulsan sidii ay u dhisi lahayd awooda ciidamo kasoo jeeda gobalada Gedo, Bay iyo Bakool oo dalkeeda kusugan muddo sanad ka badan, ciidamadaasi oo hada kahor dhaq dhaqaaqyo ka sameeyey koonfurta Soomaaliya, walow aysan ku guuleysan inay la wareegaan sadexdaas gobal ee furaha u ah galbeedka Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa lagu wadaa inay kaalin weyn ka qaataan abaabulka ay dowlada Soomaaliya ku dooneyso inay ku hanato gacan ku heynta gobalada Koonfureed.
Shariif Xassan Shiikh Aadan oo ah Wasiirka Maaliyada iyo Raysalwasaare kuxigeenka ayaa horey dowlada Itoobiya codsi rasmi ah uu ugu diray uga codsaday in ciidamada Dowlada Itoobiya ay gacan toos ah ka geysato qabashada gobalada Gedo, Bay iyo Bakool.
Macada in codsigaasi ay Dowlada Itoobiya ka jawaabi doonto ama inay adeegsan doonto maleeshiyooyinka tababarka uga socday degmada Doolow.
Ahlu Sunna Waljamaaca
Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale wadahadalo magaalada Addis Ababa kula gashay xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca wafuud ka socda, kuwaasi oo ay kala hadashay sida ay isaga kaashan karaan dagaal ka dhan ah kooxaha mucaaridka dowlada ku ah ee Al Shabaab iyo Xisbul Islaam.
Shirkaasi muddada todobaadka ka badan ka socda Addis Ababa ayaa waxaa kasoo baxay qodobada ugu muhiimsan in Wasiiro kala gedisan Dowlada laga siiyo Ahlu Sunna Waljamaaca. Inkastoo aan heshiiskan lagu soo qaadin arrimaha militari ee iska kaashan doonaan labada dhinac, ayaa waxaa hadana lagu sheegay in heshiiskaasi haduu hirgalo ay Ahlu Sunna Qeyb ka noqoneyso Dowlada Soomaaliya.
Hadii heshiiskaasi uu hirgalo waxay u suurto gelineysaa in Dowlada Soomaaliya ay gacan ka hesho kooxda Ahlu Sunna Waljamaaca oo ayagu awood kuleh gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Beesha Caalamka
Wadamada reer Galbeedka ee ayagu sida weyn u taageera Dowlada Soomaaliya, ayaa xiligan la sheegay in ay doonayaan inay arkaan tilaabo militari oo ay qaado Dowlada Soomaaliya, ayagoo u balan qaaday DFKMG inay dhaqaale ku siin doonaan sidii ay u dhisan lahayd ciidamadeeda, isla markaana ulla wareegi lahayd gacan ku heynta Koonfurta Soomaaliya.
Wadamada Reer Galbeedka ayaa ku dhiiri geliyey Wadamada Jaarka la ah Soomaaliya inay gacan militari iyo mid farsamo siiyaan Dowlada Soomaaliya, balse uga digay Wadamada Itoobiya iyo Kenya inay si toos ah ayagu dagaalada u galaan.
Wadamada reer Galbeedka ayaa sheegay in loo baahan yahay xiligan in Soomaalidu ay noqdaan kuwa gacanta ku dhiga amniga dalkooda, xiligana lagu tijaabin doono Dowlada Soomaaliya ee fadhigeedu uu yahay Muqdisho sida ay uga faa’iideysto taageerada siyaasadeed, dhaqaale iyo farsamo oo ay ka helayaan wadamada Beesha Caalamka iyo dalalka Jaarka la ah Soomaaliya.
Waxaanse la ogeyn in xoogaga lagu wado inay isbaheystaan ee Dowlada Federaalka, Maleeshiyooyinka lagu aruurinayo Kenya iyo Itoobiya iyo waliba dhaq dhaqaaqa Ahlu Sunna Waljamaaca, inay ka itaal roonaan doonaan kooxaha Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ee ayagu gacanta ku haya qeybo badan oo kamid ah koonfurta Soomaaliya.
Ahmed Musse
Horseed Media
yaabadanaa ma xertiibala leeyahay dowlad ayay wax ka celinaysa yaa u xadraynaya markay dagalamayaan. awaad darada shariif iyo dowladiisu mahalkasay maraysaa xertaa nacawnimankan mad madow ha iskaga tagto markaas xabadu way joogsanaysaa inta shisheye somaliya joogi xabadu way soconaysaa. maxay labaqayaan iyogu kuwan dowlada shegayaa may iskabax ku yidhaahdaan nimankan madmadow.wax xal ah oo kujira majiro dagaal laqado iyo tageero lasiiyo dowladan taagta daran
aad baan uso dhawayn duulaanka ka dhan ah aragagisada
caalmiga ah
waa in cagta lamariyaa
tuugta tugtu dhshay
al shabaab waa ciyaalkii dowlada qaranka korisay ee soomaaliyeed hadan dadka saa u xasuuqaya balan waxaan ku galnay in aan puntland idinka saarno raxaweeney dhulkeena shaydaan shabaab mujrimiin wasaq wasaq dhashay in hell cadaabta gala duumo in dishey ari boowe aa mujrimiin aakuwii aan saliid ka saarnay ar boowe aa aqwaankii baa dhalay kkk kkk looo loo
buraashadleey eelay eelay dhashay raxween adeer waan ognahay 90% waa idinka shacbka waxaa u leyniisiin waa aano iyo waa hore ayeey na adoon san jireen oo waxaa ahedeen kuwa ay adoonsadaan af khalaa khalaa raxaween wastee
Al Shabaab Dadki Gacmaha iyo madaxa bay ka Jareen Hanjabaad iyo Dhoolatus Meleteri iyo Faduul bay shaqo ka dhigteen. Ha La,Arooso Al Shabaab Cambuur Cad oo waasac ah halootolo Poog Poog
waa arin soo dhowayn mudan in laga sifayo somaliya qolyaha argagixsada ah ee aan ogolayn in ay somaliya sal dhigato waan taageraynaa waana loo baahanyahay waa arin dhabaha saxda ah loo qaday hadey dhacdo in caalamku ogaaday in dhibaatada ay wadaan qolyaha qaswadayaasha iyo nabadiidka ah ee afka duubta kuna sugan koonfurta somaliya, marka waxan ugu baaqayaa bulshada daalan ee ku sugan konfurta somaliya in ay kala shaqeeyaan beesha caalamka sidii looga saari lahaa qolyahaas wadanka. dedna an harsano dalada nabada.
Mahad sanidin
ACWW. BAl aan dhowrno sh. shariif meesha uu ku furo somalia, aragnay hogaamiye kooxeed yadii sida:- caydiid, muuse suudi, qanyare, caato,bare hiiraale. maxaakimtii, Alshabaab iyo C/ahi yusuf. dadkaan maxaa towfiiq la’aan haysata waa dambigii aan galnay waxaan xasuustaa 1991dii habar 70sano jirta oo muqdisho lagu dilay qabiil dartiis, waxaan xasuustaa nin masjid lagala soo baxay oo ashahaadanaya oo masjidka hortiisa lagu dilay dhiibkii dhacay soo alle goob joog ma ahayn cuqubadii baa nahaysata, maantay alle ma waxa uu qadaray gobolada somalia itoobiya iyo keenya in la siiyo Yaaaaaaaaaaaaaaaaab Yaaaaab
Bismilaah.kooxaha alshabab iyo xisbiislamka diidan dowladnimada dagaalna ka doortay wadahadal in ay la galaan dowladda federalka miyay guulaysan doonan oo dalka miyay qabsan doonan anigu ma qabo oo waa maya dalka dowladda federalka ah ayaa qabsan doonta oo sharaftii umada somaliyeed soo celindoonta inshaallah. shacabow aan taageerno dowladda iyo calankeena kooxahan khawaarijta ah lugooyo ayay noo wadaan shareeco ma wadaan waa tuugo dimeed doonaya dalka in ay ka gadaan alqacida.Haddii labo shay mid dooro noqoto diintu waxay qabtaa in la doorta waxa fudud maanta hadday somaliya ama somalida wanaag la rabaan kooxahan waxay ku baaqi lahaayeen wadahadal aan shurrud lahayn si loo heshiiyo nabadna loogu wadanoolaado. Umada somaliyeed lama dagaalsana aduunka waxa aduunka ka socdana dan kama lihin ee danteenu waa in shacabkeenu ay helaan nabad buuxda sida shacabka caalamka. xaq ayay umada somaliyeed u leedahay nabad ku noolansho. Guuldaro maaha heshiisku ee waa guul. rasuulkeena Muxamed scw heshiis ayuu la galay quraysh oo caabudaysay samanyo heshiiskaas oo dacwada guul u ahaa furashadii makana aysan dhici lahayn heshiiskaas la,aantiis.Kooxahan daliil uma hayaan diidmada wadahalka ee waa xukundoon umana suuroobayso oo somaliya ka suuroobimayso in koox kaliya xukunka iska boobto.
somalidu waxay tiraahdaa war jiraaba cakaar u iman. bal fiiriya ethiopia, kenya , america iyo europe maxaa mideeyo waa hal diin waliba waxaad ku dartaa ugaandha iyo burundi. marka ninka somaliga oo iyaga lasocdaa oo rabo in labaa bi’iyo nin yiri somaliya waa in lagu dhaqaa diinta islaamka iyo xitaa moraly u support garaysan kaafir iyo munaafiq walee Allah the most high baa la xisaabtami doono. xitaa haynu e eegno dhinaca kaleeto. kenya iyo ethiopia waxay soo wadaa waa bare hiiraale iyo all the warlords kii hore oo idil marka taas dan ma uugu jirtaa somaliya waa maya. waa jugjugoo meeshaada taagnoow. dhalintaan wadaadada sheegtay waxaa kujiro dhalinyaro waal waalan laakiin waa in laga fikiraa guud ahaan wadanka somaliya iyo mutaqbalkiisa. umalanayn mayo dagaalka ay christianka ay wadaan inuu somaliya ka hirgali doono. ilaahoow inoo gargaar oo dadka xaqa tus.
waxaa ad ugu mahad celinyaa dhamaan farsama yaqanada web kaan ee seda hboon uqaray waar bixiintaandhaanka farsamad amaa qoraalka oo uga horeyo ku wa kale
Waa ay soo afjarmeysaa arinta soomaaliya goor dhow ..magacbadanayaasha diinta ka beensheegana xilligii gaba-gabadoodaa lasoo gaarey laakiin waxaa haboon bulshada wixii soo maray in cashar laga dhigto oo aan gadaal marna loo laaban ..nabadu waa dahab , dowlad-nimaduna bulshado dhan bey u dan tahay qaran-nimada iyo dalka waa lawada leeyahay ..laakiin nin walbaaba waa in uu deegaankiisa nabad kasoo sameeyaa meeshii ugu nabdoon-na caasimad laga dhigtaa haddii aan intaasi midna lasameyn bur-bur kaba biximeyno dhimasho iyo colaadina inoo dheertahay..wadamada khaliijka ahi oo iyagu batroolka lihi soomaaliya nabad uma rabaan wadad xumayaasha ay isticmaalaan-na shacabku waa in ey fahmaan iyaga qudhoodo waa iney ogaadaan inaan khaliijiyiinta soomaaliya nabad la dooneyn ooey aayahooda ka fakaraan dhulkayaga waa qani nabad haddaan helno annaga iyaga dhaafeyna hadaba aan ka shaqeyno nabadda iyo raadinta dowlad nimada.
waaw web jira waa kan i support this website Really