Dahabshiil
Golis

Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam oo Suuqa Bakaaraha Lagu Diley

Waxaa goordhaweyd lagu diley suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho sarkaal sare oo ka tirsan Xisbul Islam, ninka la diley ayaa lagu magacaabaa Barre Cali Barre, waxaana uu ahaa afhayeenkii Ururkii Raaskaanbooni ee Xassan Turki.

Barre Cali Barre ayaa ku yimid magaalada Muqdisho isaga oo gurmad ah waxaana uu uu la socdey ciidamo uu watay Xassan Turki kadib dagaalkii cuslaa ee dhexmaray dawladda federaalka iyo Xisbul Islaam iyo Alshabaab oo isku dhinac ah sanadkii la soo dhaafey.

Barre ayaa áhaa afhayeenka ciidankii Raaskanbooni, waxaana uu kamid noqdey oo uu ku biiray Xisbul Islaam, isaga oo aan qaadan fikradda Shiikh Xassan Turki ee ah in uu kamid noqdey Al-shabaab.

Barre Cali Barre ayaa hadda ka hor jeediyey haddalo badan oo ka dhan ah Xarkada al-Shabaab, waxaana uu ka badbaadey hadda ka hor isku day dil.

Dilka hogaamiye Barre Cali Barre ayaa imaanaya kadib markii todobaadkii la soo dhaafey sarkaal ka tirsan Al-shabaab lagu diley Xaafadda Sanca.

Is ugaarsiga ka bilowdey magaalada Muqdisho ee u dhexeeya al-Shbaab iyo Xisbul Islaam ayaa horseedi kara in xaalada labada kooxood ay gaarto gacan ka hadal ku dhexmara Muqdisho.

Horseed Media
News Desk

RELATED STORIES

3 Responses to “Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam oo Suuqa Bakaaraha Lagu Diley”

  1. Hersi says:

    Layaab malahan in ey dhexdoda islaayaan oo ey is gaaleysiiyaan taasi waa u caadi nimankani waa khawaarij loosoo diray iney soomaali halna ka harin xattaa iyaga waa iney islaayaan ninkastaa oo iyaga raacaana maalin uunbey dilayaan waxey galabsadeen baa kasoo duxaaya iyagaana isku dhammaan aakhirka ha is mirteen aduun-na waa u ceeb aakhirana waa u cadaab .

  2. ikraam says:

    ilaahay isku kiin dir shabaab iyo xisbul aways

  3. Activist says:

    Ninka la diley sawirro badan oo uu leeyahay ayaan arkay, wuxuu u ekaa ma naxe dhiig badan daadiyey, malaha wixii baa ku soo baxay, dhaaf ha isku jabaane kuwii shalay dadka ku gumaadayey waa riddo iyo waa jaajuus, Shabaab iyo Xisbul Aweys waxaa suuqa Bakaaraha ku dhex maraysa sheekadii Tom and Jerry, ee hadba dhinac la isu eryanayey ee la is gaad gaadayey.