Dahabshiil
Golis

Zinedine Zidane oo Tababare U Noqon Doono Xulka Aljeeriya

Waxaa sii badanay wararka sheegaya in Xiddigii hore Xulka France iyo Kooxda Real Madrid Zinedine Zidane uu Tababare u noqon doono Xulka Algeria, isagoona u hogaamin Doono Koobka Adduunka dhawaan lagu wado inuu ka furmo Waddanka Koonfur Afrika.
 
Warbaahinta Dalalka England iyo France ayaa si aad ah u hadal haya suurta galnimada in Zidane uu Dalka Aljeeriya oo uu ka soo jeeda inuu u hogaamiyo Ciyaaraha Addduunka.
 
Sidoo kale wararka ka imaanaya Dalka Algeria ayaa sheegaya Madaxweynaha Dalkaas President Abdelaziz Bouteflika uu Zidane ka dalbaday inuu Tababare u noqdo Xulka Algeria marka uu dhamaado Koobka Adduunka, xilligaasoo uu qandaarskiisa dhamaan doono Macalinka haatan Xulka haya Raabix Sacdaan.
 
Dalabkaan Madaxweynaha ayaa waxuu dhacay intii lagu guda jiray casho qaas aheyd oo ka dhacday Guriga Madaxweyne Bouteflika ayne wada qaateen Zidane iyo Madaxweynaha.
 
Waxeyna wararka intaas ku darayaan in Zidane uu Madaxweynaha ka dalbaday inuu siiyo waqti si uu uga fakiro waana go’aan si weyn ugu duwan kii  2006, markaasoo Zidane uu si dhaqse leh ugu gacan seeray codsi midkaan la mid ah oo ka yimid Madaxweyne Abdelaziz Bouteflika.

Xussen Maxamed Cabdulle (Riiko)
riiko@horseedmedia.net
sport@horseedmedia.net

One Response to “Zinedine Zidane oo Tababare U Noqon Doono Xulka Aljeeriya”

  1. afcase says:

    waa arinlagu farxikaro maanta waa ninka ugu magaca weyn wadanka aljeriya uuna udhashay (sidani) marka waa inuu unoqdaa kana ogolaadaa madaxweynihiisa 1aaaaaaaaaaaad waxuuna kahelayaa magac iyo maamuus kaweyn kana sharafbadan midka uu hada haysto kusoo dowowwo girigaadii hooyo sinadin sidani