Dahabshiil
Golis

Gudoomiyaha Bosaaso College oo Soo gaaray magaaladda Bosaaso(Sawirro)

Madaxa Machadka waxbarashada kala duwan ee Bosaaso College ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaaladda Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Maamulaha Bosaaso College C/raxmaan Faarax Cali ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Bosaaso halkaasi oo ay kusoo dhoweyeen dad isugu jira Arday,Macalimiin iyo Haween.

Marki u kasoo degay garoonka diyaaraddaha ee Bosaaso ayaa waxaa loo gelbiyey Hoteelka Jubba halkaas oo u ku qabtay Shir Jira’id uu kaga hadlaayo socdaaladda uu kusoo maray wadamo ku yaala Caalamka.

Waxaana u sheegay in mudooyinki lasoo dhaafay u socdaal ku tegay wadamo ay ka mid tahay Sudaan halkaas oo u sheegay in uu kula kulmay masuuliyin dhanka Waxbarashada u qaabilsan dalkaasi kaaso oo uu kala hadlay sidii ay u yeelan lahaayeen xirrir dhanka Waxbarashada ah.

Maamulaha ayaa sheegay in socdaal sidoo kale ku tegay dalalka Malaysiya iyo Thailand isla markaana ay kusoo dhamaadeen si guul ah.

Iskuulka Bosaaso College ee ku yaala magaaladda Bosaaso ayaa ka mid ah goobaha waxbarashada ee ugu weyn Magaaladda,waxaana lagu barta cilmi kala duwan oo ay ka mid tahay Luuqadda Ingiriiska iyo Farsamadda Computerka.

C/salaan Axmed Shire

Horseed Media

Bosaaso,Soomaaliya

4 Responses to “Gudoomiyaha Bosaaso College oo Soo gaaray magaaladda Bosaaso(Sawirro)”

  1. wadani says:

    Asc
    Ninbaa xoolo ka lahaa Hal(camel) iyo nirig(baby camel),maalinkasta waa ilaaliyaa waana xanaaneeyaa waxaa meesha jooga dhurwaayo(Hyenas) doonaya inay hasha iyo nirigtaba cunaan,waxay soo weeraraan habeenkii iyo maalintiiba ninkuna waa ka waabinayaa(celinayaa),waase beni’aadame habeen ayuu gam’ay(fall sleep),dhurwaayadiina waxay heleen fursad(chance),waxayna cuneen hashii,ninkii hadduu soo kacay waxuu arkay hashii oo la cunay nirigtiina khatar ku jirto,waxuu badbaadiyey nirigtii yarayd,maalmo ka dib ayuu siddii oo kale hurda qabatay wuu fekerayoo waxuu yiri ari boowe hadaan seexdo yaa nirigta ii ilaalinaya isagoo iska fekeraya ayaa waxaa soo muuqday dhurwaayadii oo daba joogay,ninkii oo hurdadu meel xun ka maraysaa arkay humaagii(image)dhurwaayada waxuuna u maleeyey dad muslima oo wax lagu amaanaysan karo waxuuna ku yiri ari boowayaal nirigta iisii haya intaan soo hurdo boganayo,dhurwaayadiina waaba yaabeen in looba dhiibay ririgtii yarayd ee ay doonayeen inay cunaan, walaale maxuu ula jeedaa iyo waar dee garanmaayo nacaska,waxayna bilaabeen inay iska cunaan iyagoo marna dhegta,marna isha fuqsanaya ninkiina weli waa hurdaa lamana oga goortuu soo baraarugayo.

  2. puntlander-boowe says:

    Garoonka diyaarada ee Badar Qaasim waa in laami laga sameeyaa. Kacaankii xadarada ahaa waxa uu dhisey waa koonfur iyo waqooyi fiiri hargeisa waa laami berbera waxa ku yaala ka Africa ugu dheer, fiiri Xamar. Kacaanka Hawiye iyo Isaaq ayuu waxa uqabtey. waxaasna waa xaqdaro.

  3. Mohamed Nour says:

    well come sudeysi , waxatahay shaqsiyada puntland latil maami karo oo waxbadan bulshada u qabtay khasatan dhanka waxbarashad oo bulshadu u bahana tahay baahi weyna ay uqabto waxaad mudan tahay in lagu deydo gudoomiye well come ….

  4. dahir mohamed says:

    Wali Garoonka diyaaradaha ee bandar-qaasim,waa bacaad.waa halka laga dareemo,ama u ah muraayada marka aad dal timaado.dowlad goboleedka puntland ee somalia,siiba mida haatan maamulka haysa,waxba kama qaban dhisida garoonka bandaqaasim,waxaabad moodaa in ay masquul ku tahay,magacaabid golaha wasiirada ee maamulka puntland oo tiradiiso tahay,52 wasiir.maamul wanaag la’aanta ay ku socoto dowlada uu madaxda ka yahay mudane faroole ayaa,dib u dhac xaga horumarka dhaqaalaha,iyo in awooda maamulka dowlad goboleedka si misaan siman ah,loo fuliyo diidan,waxaad aragtaa in meesha ay ka maqantahay,labo awoodood,oo ah baarlamaanka iyo maxkamada sare,oo ay awooddii oo dhan ay ku koobantahay madaxwaynaha,taasi waa in mustaqbalka ama dowladaxigta tan aysan u dhaqmin sida hada socota,waana in sharcigo si cad u cadaeeyaa awooda laamaha dowlada,waana in lago dhaqmaa.mudane faroole,wali waqti waad haystaa aad taariikh ka tagtid ee dalaka ku maamul maamul wanaag.waa in aad si deg-deg ah u dhintaa golaha wasiirada oo ciidaa ka badan,taasi oo ay ku baxayso lacgta laga qaado danyarta ee reer puntland.waxaan hubaa in xaqiida jirta ee ,sida arimuho u socdaan,waayada geyiga puntland ay cidwalba,la yaabantahay,haddi ay arimaha,nabadgelyada ,caafimaadka,waxbarashada,ganacsiga ,iyo canshuurta dadka laga qaado,arimaahis oo dhan wax muuqda kama qaban maamulka hadda jira,tan ugo daran oo ah in,dadka reer puntland loo shhego waa golaha,baarlamanka oo mudanayaasha ku jira ay noqdeen,shaabad maamulko isticmaalo,oo wax walba sacab ku aqbala,waxaad tihiin waa xildhibaanada baarlamaanka puntland,shinbirayahow heesa,waayo waxaad meel kaga dhacdeen ama aadan gudan waajibaadkiina,oo ah in aad si dhab ah ula xisaabtantaan maamulka haddi uu ku tunto dastuurka,ama arimo sharciga jabinaya ay ku dhaqamaan xubnaha maamulka,ama golaha wasiirada.gunaanadkii,waa in qurshaha lago dara in si dhqasiya ah loo dhiso garoonka bandarqaasim.