Booliska dalka Denmark ayaa waxaa ay iminka ku raad joogaan isla markaana baadigoob ugu jiraan Muwaadin u dhashay dalka Soomaaliya kaas oo laga shakisanyahay in uu dil geystay.
Saraakiisha Booliska ee gobolka North Jutland ayaa iyagu raadinaaya Kamaal Cumar Yuusuf oo 28-sano jir ah kaas oo shalay galab ka baxsaday Isbitaal lagu xanaanayn jiray ka dib marki u dilay Dhaqtarki khaaska ahaa oo lagu magacaabi jiray isna Birthe Christiansen.
Qaar ka mid ah Saraakiisha Booliska ayaa Saxaafadda dalka Denmark u sheegay in Kamaal Cumar looga shakisanyahay in uu ka dambeeyey dilkaas ayna sababtay in uu ka baxsado xarunta Isbitaalka.
Waxaana ay sheegeen in baxsashadiisa ay timi ka dib marki uu ku guuleystay in uu iska furo daaqada qolka uu ku jiray isla markaana sahashay in uu ka boodo oo baxsado.
Magaaladda falkaasi ka dhacay ayaa lagu magacaaba Aulborg,waxaana ay Booliska kawadaan baaritaano la xirrira halka uu ku dambeeyey Muwaadinkaas Soomaaliyeed oo ay Saraakiisha Booliska uga shakiyeen in maskaxda looga jiro.
Lama yaqaano ila iyo hadda halka uu baxsaday Muwaadinka Soomaaliyeed ee magaciisa lagu sheegay Kamaal Cumar Yuusuf.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!