Jaziiradda Malta ee ku taala qaaradda Yurub ayaa maanta si buuxda ugu dhawaaqday in ay ka qayb qaadanayso howlgalka la dagaalanka Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee ka soconaaya Xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed.
Afhayeen maanta u hadlay Dowladda Malta ayaa sheegay in Xukuumadda Malta ay dhowaan Ciidanka Badda ee Midowga Yurub ka qayb qaadanaaya howlgalka ay ku biirin doonto 12-ka mid ah Saraakiisha Booliskeeda kuwaas oo saarnaan doona Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Holland.
”Ciidamada Malta waxaa ay ka qayb qaadan doona ilaalinta Xeebaha Soomaaliya iyaga iyo xubnaha kale ee ka socda Midowga Yurub.waxayna qaadi doonaan talaabooyinka macquulka ah”,ayuu yiri.
Afhayeenkaas oo diiday in u magaciisa Saxaafadda ka sheego ayaa xusay in Ciidankaas ay si toos ah maanta qayb ka yihin howlgalkaas isla markaana ay ka hortagi doonaan weerar weliba qaadi doonaan Burcad Badeeda Soomaalida ayna soo qaban doonaan.
Xukuumadda Malta ayaa dhowaan shaacisay in ay isugu diyaarinaysa in ay ka qayb qaadato howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!