Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan Barnaamijka Cunadda addunka marki magaceeda lasoo gaabiyo ee loo yaqaano WFP ayaa sheegtay in ay shaqada ka ceyrisay oo ay ka joojisay Qandaraasleyaal u shaqaynaayay.
Waxaana ay Sheegtay in liiska madow ay adeegsato ku dartay 3-ka mid ah Qandaraasleyaasha isla markaana lagu eedeyey oo lala xirriryey in ay si khaldan u isticmaaleen cuno deeq ah oo ay ugu talagashay dadka Barakacayaasha ah.
Jossette Sheeran oo ka tirsan WFP ayaa sheegtay in arintaas ay ku daba joogto warbixin dhowaan ay soo saartay Qaramada Midoobay kaas oo ku aadan in Qandaraasleyaasha ay qayb ka yihin masuq maasukha lagu sameeyey deeqa Cunada ah.
Waxaana ay sheegtay in baaritaano balaaran lagu sameeyey dadka qandaraasleyaasha lagu ogaaday in ay iyagu waxyaabo isdaba marin ah ay sameyeen.
Haweenayda ayaa iyadu Carabaabin shakhsiyaadka ama Ururada lagu sameeyey shaqo joojinta oo ay Hay’addu qandaraaska siin jirtay.
Todobaadki lasoo dhaafay war qoraal ay soo saartay Hay’adda WFP ayay ku sheegtay in si khaldan loo isticmaalay Gargaar Cuno oo ay ugu talagashay dadka dhibaataysan ee Soomaaliyeed.
Horseed Media
Waxa Hubaal ah deeqda loo Qontayo Dadka Tabaalaysan in Aan loo Gaarsiin si Xaq ah Waa Loo baahanyahay WFP in ay Wax Weyn ka Bedesho Habka ay dadka U Quudiso.
Qandaraaslayaasha kaliya musuqmaasuqu kuma koobana. Hay’adaha UN-ka oo idil ayaa lugooyadda danyarta noqoday.
Hay’adanahi dowrkoodii waa ay ka habaabeen. Dowrkoodu ma aheyn in ay wadan dhan maamulaan. Waxay aheyd in gargaar degdeg ah la gaaraan meeshii markaa dhibaato cusubi ka dhacdo. Gargaarkun waa inuu ku koobnaado waqati yar, deedna dadku is dabaraan.
Danta ummadda Soomaaliyeed waxay ku jidhaa in dhamaantood la iska ceyrsho. Dadkuna noloshooda soo saartaan.
Qof walbaa wixii alle u qoray ayuu la kulmi. Dhibtana ayaamo kooban ka dib waa laga bixi. Qof walbaa waa uu baran sida uu nolol maalmeedkiisa u soo saaro.