Waa guul u soo hoyatey Shacabka Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey is daygii in dhulkooda lala wareego… Waa difaacii badda oo guul laga gaaray…
Qoraal kooban oo March 12, 2010 lagu faafiyey shabakadda rasmiga ah ee Qarammada Midoobey (UN) ayaa shaaca ka qaaday in Heshiiskii Is-fahamka (MOU) ee dhex maray DFKMG iyo Kenya “in Baarlamaanka Federaalka kumeelgaarka ay diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin”. Qormada kooban ee UN-ka ayaa u qornayd sidan:
* (‡) The MOU has been rejected by the Parliament of the Transitional Federal Government Somalia, and is to be hence treated as non-actionable.
Halkaas sadar macne weyn ayuu ugu fadhiyaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, maadaama heshiiskii is-fahmka ee DFKMG iyo Kenya uu noqonayo laga bilaabo hadda mid aan lagu hawl geli karin oo ah WAXBA KAMA JIRAAN oo loo tixgelinayo mid aan la cuskan karin (is to be hence treated as non-actionable).
Sidee ku suurtagashay in UN aqbasho go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya?
Jawaabta su’aashaas waxaa laga fahmi karaa qomadan hoose:
Heshiiska loogu magac daray is-fahamka (memorandum of understanding ama MOU) waxa uu magaalada Nairobi ku dhexmaray Dawladda Federaalka kumeelgaarka (DFKMG) iyo Kenya. Dhanka Soomaaliya waxaa u saxiixay C/raxmaan C/shakuur Warsame, wasiirka xiriirka caalamiga ah), waxaana heshiiskaas la saxiixay April 7, 2009. Maalin kaddib April 8, 2009 ayaa ra’iisul Wasaaraha DFKMG waxa uu Qoraal u qoray Ban-ki Moon, qoraalkaas oo ku saabsanaa xogta badda oo ay DFKMG u gudbisanaysay UN-ka, waxaa xogtaas qayb ka ahaa heshiiska Is-faham (MOU). April 14, 2009 ayaa website-ka UN-ta lagu daabacay qoraalkii Cumar C/rashiid iyo heshiiskii is-fahamka – Waxaa dhinac socdey kenya oo xogteeda u gudbisay UN-ka iyadoo cuskanayay Heshiiskaas is-fahamka.
Heshiiskaas markii hore lama soo marsiin golaha baarlamaanka. Qaar Golaha wasiirada ka mid ahna waxay sheegeen in aysan ka war hayn. Waxaa soo baxday in Kenya ay muddo dheer ku taamaysay in ay heshiis noocaas ah la gasho xukuumadihii KMG ahaa ee soo maray Soomaaliya wixii ka dambeeyey burburkii 1991. Waxaa xitaa jira warar sheegaya in Kenya ay wada hadal arrintaas ku saabsan la gashay Qabqalayaashii dagaalka ee ku sugnaan jirey Kismaayo 1990-naadkii.
Shacabka Soomaaliyeed waxay si xoog leh uga hor yimaadeen qorshahii xukuumadda Federaalka KMG ay heshiiska kula gashay Kenya, maadaama Is-fahamkaas ay Soomaalidu ku waayi lahayd dhul badeed aad u baaxad weyn.
Sidoo kale, waxaa qorshihii xukuumadda si weyn uga soo horjeestey Baarlamaanka DFKMG. August 1, 2009 ayaa kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaanku waxay si aqlabiyad ah ku diideen heshiiskaas is-faham. 334 xildhibaan ayaa cod xoog leh ku sheegay in heshiiskaasi yahay Waxba kama jiraan (NULL & VOID).
Is-fahamkaas in uu dhaqan galo waxaa aad ugu ololeeyey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka DFKMG, Cabdiraxmaan Aaden Ibraahim (Prof. Ibbi). Markii baarlamaanku diidey heshiiska ayaa Prof. Ibbi oo si bareer ah u taageeraya Is-fahamkaas waxa uu August 19, 2009 waraaq u qoray Qarammada Midoobey. Warqaddaas oo uu ku qoray magaca Cumar C/rashiid, laakiin uu isagu (Prof. Ibbi) saxiixay.
Waxa kale oo heshiiskan Is-faham garab weyn u ahaa Madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Sababtoo ah baarlamaanku markii ay diideen heshiiskaas Is-faham ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheikh Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe) waxa uu durbadiiba xeerkaas u gudbiyey Sheikh Shariif si uu u saxiixo muddo labaatan iyo kow (21) maalmood gudahood ah, kaddibna lagu soo saaro faafinta rasmiga ah ee xukuumadda isla markaasna nuqul loo gudbiyo UN-ta.
Sheikh Shariif xeerkii kuma soo celin Baarlamaanka muddadii loogu talo galay ee uu dhigayo Dastuurka FKMG – ilaa hadda ma jirto wax muujinaya in uu saxiixay xeerkii diidmadii baarlamaanka ee Is-fahamka. Sheikh Shariif si arrintaas aan loogula xisaabtamin waxa uu ku dadaaley in xukuumaddiisu aysan yeelay Garyaqaanka Guud ee Dawladda (Attorney General) - (cidna uma magacowna xafiiskaas, waana xafiiskaas halka loo gudbiyo go’aanka Barlamanka kaddib marka Madaxweynuhu saxiixo, kuna soo saara faafinta rasmiga ah ee Dowladda).
Cumar C/rashiid waxa uu u muuqday in uu ka xumaaday in magaciisa la adeegsado isagoo aan lagala tashan oo markaas safar ugu maqnaa gobollo kamid ah dalka, in UN-ta loo diro waraaq la sheegay in uu isagu qoray. Laakiin ficil rasmi ah kama uusan qaadan muddo bil iyo bar ah. Taasi waxay is bedeshay 10-kii October 2009 markaas oo uu qoray qoraal uu ku taageerayo go’aankii Baarlamaanku ku diidey Heshiiska Is-fahamka. Waxana uu qoraalkaas u dhiibey xubno ka tirsan xafiiskiisa, laakiin waxaa muddo kaddib caddaatay in xafiisku uusan warqaddii u gudbin UN-ka.
Taasi markii ay u caddaatay, Cumar C/rashiid waxa uu warqaddaas si toos ah ugu dhiibey Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG, Cali Axmed Jaamac Jangali si u ugu sii gudbiyo Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban-ki Moon.
Xaqiiqo ahaan looma hubo in warqaddaasi gaartey Ban-ki Moon. Laakiin waxaa si rasmi ah loo hubaa in xubno ka tirsan baarlamaanku markii ay arkeen in xukuumaddu aysan jawaab u soo celin, waxay si toos ah qoraal ay saxiixeen koox xildhibaanno ah ugu direen Xoghayaha Guud ee UN-ka Ban-Ki Moon iyo Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha Adduunka, Hariharan Pakshi Rajan. Xubnahaasi waxay si qeexan u qoreen in Heshiiska Is-faham uu diidey Baarlamaanka Federaalka kumeelgaarka, sidaas daraadeedna aan la cuskan karin.
Waxaa hadda cad in Qarammada Midoobey garwaaqsatay in aan arrintaas la af xiri karin. Sidaas daraadeedna ay qoraal kooban ku caddeeyeen nuxurka heshiiskaasi “in Baarlamaanka Federaalka kumeelgaarka ay diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin”. Sidaas ayaa Qarammada Midoobey waxay ku taageertay go’aankii baarlamaanka DFKMG ay heshiiskaas Is-faham kaga dhigeen WAXBA KAMA JIRAAN (NULL & VOID).
Sidaas waxaa ku fashilmay qorshihii uu salka ku hayey heshiiska loogu magac daray Is-afgaradka ee duudsiin lahaa shacabka Soomaaliyeed.
SomaliTalk.com waxay u mahad celinayaan dhammaan intii ka qayb qaadatay difaaca dhulka Soomaaliyeed. Waxa kale oo mahad ballaaran mudan xubnaha baarlamaanka ee sida geesinimada leh u digaacay dhulka Soomaaliyeed.
Maxaa hadda la gudboon Baarlamaanka DFKMG:
Baarlamaanka DFKMG guusha hordhaceedii waagaareen. Tallaabada xigta oo muhiimka waa in ay Madaxweynaha DFKMG ka dalbadaan in uu xeerkii diidmada Is-fahamka ee ay u gudbiyeen in uu saxiixo, oo markaas lagu soo saaro FAAFINTA RASMIGA EE XUKUUMADDA si uu noqdo xeer dhaqan galay oo u deggan Soomaalida. Waa muhiim arrintaasi. Waana in baarlamaanku ku adkaysto in lagu soo saaro Faafinta rasmiga ah diidmadoodii Is-fahamka. Qarammada Midoobey ayaa aqbalsan in baarlamaanku diidey, kumana soo bixin faafinta rasmiga ah waa dulduleel u baahan in la daboolo.
Xigasho:SomaliTalk.Com

Waanu filleyney in waxii maxkamado la oranjiray eey ahaayeen koox madax iyo hanti doon ah oo aaney aheyn diin iyo dal doon toona sida dadka qaarkiis u heysteen sidoo kale kuwa hadda ah xizbul islaam ama shabaab waa lamid iyo kooxo kale oo ka danbeeyey intaba waayo qofkii diin iyo dal si dhab ah u doonaa meesha uu dagan yahay buu horta kasoo dhisaa oo nabadda ka shaqeeyaa kadibna nabad wax ku raadiyaa iyo soomaali nimo isagoon damac aduunyo ka fogaanaya hadaba layaab naguma aheyn in iyagoo aan sanadba gaarin gattan dhulkii soomaliya iyo baddeediiba nasiib wanaag shacabka soomaaliyeed gaar ahaan aqoon yahanada waa eey ka dhiidhiyeen kana hortageen af iyo qoraal iyagoo kaashanaya shacbigooda waa kuwaa ugu danbeyntii guuleystey…haddaba awoodu waa shacabka ee awooddu maahan koox ama xizbi ama urur qabiil ..halkaana waxaa ka cad in shacabka wax diidi karo qoraalada dhanbaalada dhabta waddaninimo xanbaarsan-na ay miro dhal noqonkaraan ..mahad na ilaah baa iska leh goor kasta .
waa fiican hadii dhulkayaga naloodhafo waayo anaga muslin baan nahay mana rabano gaalo waxaan ku dhaween lama soo dhawaysto ilaahay soomaaliya nabad hakadhigo amiiiiiiiiiiiiiin
ma qabo saas inay ku harayaan wali wey wadayaan yaan nili dagin somaliyeey.Waxaa wax la wado rer galbeed ee kenya wax ma boobi karaan lacag kasto ay wataan somalia ma qadanayaan waa jareer beey dhahayaan. lakiin ninka cad markey arkaan beey godladaan dowladaan waa muqalas illahay hanaga qabtee
Wauw, waa guul usoo hoyatey shacabka soomaaliyeed hadey arintani dhabowdo.
Mahad waxaa leh isku dubaridihii Sheekadan usoo bandhigey SOmalitalk, Somalitalk, Xubnaha barlamaanka iyo Prime Minister Cumar C/rashiid.
MASHA’ALLAH. DHALINTA SOMALITALK AADBAY U MAHADSANYIHIIN, RUNTII WEPKAAS WAA MID AAD U MUHIIMA OO RAG IYO DUMAR QIIMO LEH KA HAWLGALAAN, HORSEEDMEDIA SIDOOKALE.
SHAKHSI KASTA WAXUU DALKAAN UGALO AMA UGAYSTO TAARIIKHDAA XUSI DOONTA, AMA IBI HANALA YIRAAHDO CUMAR WALAA SHARIIF. IBBI, WAXUU LAQAYLIN JIRAY MARKII XUKUUMADII GEEDI MEESHA JOOGTAY MAXAY AHAYD, WAR NINYAHOW DADKAANI MANA QOSLAAN MANA QAJILAAN !!!
MAANTAY, CEEBTA TAN KAWAYN IYO WAXYAABAHA KALE OO AY ISAGA IYO RAG LAMIDA SAMAYNAYAAN MAXAY TAHAY! WAA YAAB, SOOMALIA XUKUNKEEDII MADAXAA BUURAN BUU NOQDAY
MM
waa guuuuuuuuul. dhulka,cirka iyo bedda Soomaliyeed QARANKA Somaliyeed baa iska leh. LOng live the The Somali land, amiiiiiiiiiiiiiiin. ha dhacdo dowlad ku sheega shiikh shariif.