Dahabshiil
Golis

Eritrea oo Beenisay in ay weli Taageerto Mucaaradka Soomaaliya

Masuul Sare oo ka tirsan Dowladda wadanka Eritrea ayaa beeniyey warbixin shalay ay soo saartay Qaramada Midoobay kaas oo ku aadan in ay Xukuumadda Asmara si wado taageerada ay siinayso Xoogaga Mucaaradka ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Safiirka Eritrea u jooga dalka Belgium Girma Asmerom ayaa sheegay in wararkaas ay yihin kuwa laga been abuurtay dalka Eritrea gaar ahaan Madaxweyne Isaias Afewerki isla markaana lagu doonaayo in sumcadiisa hoos loo dhigo.

Waxaana u sheegay in aysan weligood wax taageero ay siiyeen Xoogaga Mucaaradka xilli la sheegay in Xoogaga Mucaaradka gaar ahaan Xarakadda Al-Shabaab ay gaarsiiso taageero isugu jira dhaqaale,hub iyo tababaro Milateri.

Isagoo qaar ka mid ah warbaahinadda ku yaala Caalamka ayuu sheegay in Guddiga Qaramada Midoobay ee soo saaray warbixintaasi aysan muujinin cadeymo rasmi ah oo la xirrira taageerada Mucaaradka Soomaaliya,isagoo ka codsaday in ay ka fiirsadaan oo ay raali gelin ka bixiyaan.

Warbixinti Shalay ay soo saareen Guddiga Qaramada Midoobay ee la socda Cunoqabataynta hubka saaran dalka Soomaaliya ayay ku sheegen in Dowladda Eritrea ay diiday baaqyada loo jeediyey in ay joojiso taageerada ay siiso Xoogaga Islaamiyinta ee ka dagaalama dalka.

Horseed Media

One Response to “Eritrea oo Beenisay in ay weli Taageerto Mucaaradka Soomaaliya”

  1. deeqo puntland says:

    adiga waa in canfarta lagukiciyaa oo dagaal ereterya lagabilaa fidna walebaathy canfrta aad gumystid baahda hubsiinynaa kabcdina buuqbaankugufurynaa inan gumeedyohoow