Guddi dhex dhexaadin ah ayaa waxaa loo magacaabay dagaal Beeledyo oo ka soconaaya qaybo ka mid ah gobolka Mudug.
Waxaana Guddigaas oo ka kooban 3-Xubnood oo ah Odeyaal dhaqmeed ayaa kasoo jeeda labadda Beelood ee ku dagaalamaaya degaanadda Bacaadweyne iyo Camaara,waxaana magacaabay Ra’isulwasaare Cumar C/rashid Cali Sharma’arke.
Guddigaan ayaa barqadnimadi maanta ka duulay garoonka diyaaraddaha ee magaaladda Muqdisho,waxaana ay u ruqaansadeen magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.waxaana wararki ugu dambeeyey ay sheegaayan in ay halkaas gaareen.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wada in ay gaaran degaanadda lagu dagaalamaayo,waxaana ay dhex dhexaadin ka dhex bilaabi doonaan labadda Beelood oo Walaalo ah.
Dagaaladda u dhaxeeya Beelahaas ayaa waxaa ay ka soconayeen mudo bilooyin,waxaana ay sababeen dhimashada dadka ku dhow 100-qof oo labadda dhinac ah.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!