Maamulka degmadda Buuhoodle ee gobolka Ceyn ayaa waxaa uu ka hadlay Xaaladda Abaareed ee halkaas ka taagan kaas oo la sheegay in uu sameeyey dadka iyo duunyada halkaas ku nool.
Gudoomiyaha degmadda Buuhoodle Xuseen Dacwi Ducaale oo u waramaayay Horseed Media ayaa sheegay in abaarahaas ay ku darsameen Biyo la’aan aad u bahsan kaas oo ka dhashay ka dib marki Ceelashi Biyaha ay soo foodsaareen Biyo yari.
Waxaana u sheegay in Shacabka ku nool degmadaas ay cabashooyin kala duwan soo gaarsiiyeen xafiiska maamulka degmadda kuwaas oo ku baaqaya in lala soo gaaro Gargaar Bin’aadanimo oo deg deg ah isla markaana loo soo gurmado.
Gudoomiyaha ayaa xusay in ay marka ugu horeysa Alle ka baryeyaan in uu abaarahaas ka qaado isla markaana ugu deeqo raxmadiisa,marka xigta ay Maamulka Puntland iyo Hay’addaha Samafalka ugu baaqayaan in ay lasoo gaaran Gargaarka isla markaana ay Shacabka usoo gurmadaan.
Sidoo kale Waxaa uu Baaq u diray ganacsatada iyo Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobolkaasi in ay lasoo gaaran Gargaar,isagoo sheegay inuu rajaynaayo Codsigiisa iyo qeylo dhaanta laga soo jawaabo.
Abaaraha iyo Biyo la’aanta ka taagan degmadda iyo tuulooyinka hoos tega ayaa saamaynta xooga badan soo gaartay dadka xoola dhaqatada oo la sheegay in ay intooda badan soo galeen magaalooyinka iyo degmooyinka.
Horseed Media
Horssed media
Fadlan ma shegi kartaa meesha aad kasoo xigatay warkan……….majirto abaar dhaaraad ah ama baahi dheeraada oo buhoodle taala oon oolin PLand inteeda kale ee mashee kooyinkii baa bilow deen umadaha fayow lagu dawarsan jiray.
Halkan hoose akhri oo daawo…………..
http://www.horufadhi.com/news_detail.php?nid=167
reer buuhoodle waa p/lander xakh ah, somaliland hayadaha hargeisa fadhiya usheemayaaan. oo camudhin aya rabaan, waa in p/land hayada joogaa loo sheegaa oo lagee yaa raashin ay cunaan maatida abaaraha ma ani soo gaadheen.