Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

DFKM ah iyo Ahlu-Sunna Waljameeca oo Heshiis hordhac ah wada Gaaray


Waxaa galabta heshiis hordhac ah magaaladda Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya Ergo kala matalaysay DFKM ah ee Soomaaliya iyo Culimadda Ahlu-Sunna Waljameeca oo ka arimisa goboladda dhexe ee dalka.

Heshiiskaas ayaa yimi ka dib marki maalmihi lasoo dhaafay ay socdeen dhaq dhaqaaqyo lagu doonaayay in ay labadda dhinac ku wada gaaran heshiis kama dambeys ah.

Warbaahinada Caalamka ee ku sugan madashada uu Shirka ka soconaaya ayaa soo tebiyey in Ra’isulwasaaraha DFKM ah Cumar C/rashid Cali Sharma’arke uu munaasabada ka jeediyey hadalo uu kusoo dhowaynaayo kulankaan iyo heshiiska ay wada gaareen,waxaana u xusay heshiiska ay maanta kala saxiixdeen labadda dhinac.

Wuxuuna sheegay in heshiiska ay qayb ka tahay in Saraakiisha Ahlu-Sunna Waljameeca jagooyin laga siiyo dhanka Milateriga iyo 5-ka mid ah Wasaaraddaha DFKM ah.

”Waxaan halkaan u joogna in aan dhan Siyaasadeed iyo Milateri aan kula midowno Ahlu-Sunna Waljameeca”,ayuu yiri Cumar C/rashid oo ka hadlaayay munaasabada.

Macalin Maxamuud Sheikh Xassan oo hogaaminaayo Wefdiga Ahlu-Sunna Waljameeca ayaa sheegay in heshiiskaan ay la galeen DFKM ah ay ku muujinayaan in ay dib usoo noolaynayaan Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed,waxaana uu isagu ahaa shakhsiga heshiiskaan u saxiixay Culimadda Ahlu-Sunna Waljameeca.

Wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya Seyoum Mesfin oo goobjoog ka ahaa kulankaas uuna matalaayay Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in heshiiskaan ay horseedayso in nabad iyo deganaansho kusoo celiso dalka Soomaaliya isla markaana ay abuurto Dowladd Soomaaliyeed oo la wada sugaayay.

Kulankaan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa dibloomasiyin Caalami ah oo ka kala socotay Wadamada Maraykanka iyo Yurub,waxaana ay soo dhoweeyeen iyaguna heshiiskaan.

Waxaana ay imaanaysa xilli maamulka Ahlu-Sunna ee goboladda dhexe ay iyagu si weyn uga soo horjeesteen kulankaan kuna tilmaameen in ay ka qayb galaayan dad aan ka tirsaneen Ahu-Sunna Waljameeca.

Horseed Media

RELATED STORIES

12 Responses to “DFKM ah iyo Ahlu-Sunna Waljameeca oo Heshiis hordhac ah wada Gaaray”

  1. Cise Cise says:

    Waxaan iswey-diinayaa sababta shirka uu u saxiixey shariif Sakiin, hishiiskan sow xaq uma laheyn inuu saxiixo Mudane Omar Abdirishiid. Waxaa soo ifbaxeysa in dalka uu ka taliyo shariif Sakiin wali lama arag hishiis uu saxiixey wasiirka Maaliyada xili Raisal-wasaaraha dalka uu garab taagan yahay, taas waxaa dheer in-hishiiskan uu qeyb weyn ka qaatey PM Omar waxaan qabaa in meesha uu ka taliyo Shariif Sakiin waxaan talo ku dhiiban lahaa in PM uu iscasilo waayo meeshaa xor uma aha sawirkan ayaa bahdil ku ah ummada uu ka soo jeedo PM Omar. Sababaha aan xusey marka la eego hishiisyada caalamiga amase lagu saxiixo dalalka ka baxsan Soomaaliya waxaa gali kara PM amase Madaxweynaha balse waxaan arkaa in la jabinayo qawaananiinta hishiisyada iyo awooda PM oo lagu takrai falayo Omarow yaadan ku ceebobin meesha iska casil

  2. Dr Ashikir says:

    Cumar Cabdirishiid maxaa kasi ah

    Ninkan meesha u jooga dadka Puntland ee Raisal-wasaaraha, miyuu fahmi waayay kooxda habar-gidir ee huwan magac diineed war bal yaab kan eega maalinba shaar cusub ayay la soo baxayaan xataa kama xishoonayana shacabka Soomaaliyeed inuu fahmey oo lala socodo filmka ey jilayaan, wax walba waxaa iiga daran Cumar Cabdirishiid oo iska saxiixey hishiiska khatarta ku ah dadka uu ka soo jeedo mise PM, Omar kursigaa u dan ah waxaan hubaa haduu ka soo bixi waayo jagada aan u dooraney wiil kale oo xaqiiqna ka soo dhiciya mooryaanta galaaal iyo Cirfo hogaansho ayaan keeni doonaa

  3. Amakaag says:

    soomaliya waa maqaaxi maalinba nin lug ku walaqo miyeysan ahayn xertu kuwii kaamamka kulahaa soomaliya oo magaaliyinka ka dudujirey baa maanta waxaa wax laga waydiinayaa aayaha soomaliya walee soomaliya qabri bay ku dhacdey xer iyo shariifna kama saari karaan

  4. Xusul baruur says:

    Ini Cabdirashiid Wuxu la, Shaqeeyaa M.M Kuwii Garabka Asmara Magacooda Cusub Midnimo Qaran baa la yiraahdaa. Siyaasad la, Saadaalin Karro Malaha Waa Xarig Lama Sitaan.Waa Nimanki Dawladi ay Keenya ku Soo Dhiseen oo 2 Sano loo Fadhiyey Qoriga Kala Hortegay

  5. Activist says:

    Iyo nin dhalay!, Cumar Cabdirashiid ma waxaa lagu maaweeliyey heshiis been beenaadka Xerta iyo Shariifka, heshiisyada waaweyna waxa gala Shariif Sakiin iyo Ibbi, kulamada waaweynaha iyo shirarka caalamiga ahna waxaa aada Shariif Af-Guduud iyo waardiyihiisa (Shariif Sakiin).

    Orod oo meesha ka tag oo iska casil jada maqaar saarka ah.

  6. ABDI says:

    waar heedhee kaagaan halkaan wax ku qoray ee Mr yusuf,waar adeerow xishood oo haw dhaqmin sida qolyahaan caytama.ogoowna faroole waa madaxwayne,walaahay waxaan jeclahay in laga hadlo wax qabadka,nabada iyo wada dhalashada waayo puntland waa isir,ee dee hala xishoodo.[ alkalimatul dayibatun sadaqah ] wadeeca alah.

  7. yusuf says:

    reer horseed boosaaso ka warama faroole yaan waxba layka sheegin miyaad ku raacdeen

  8. Mohamed says:

    yes this has nothing to do with Puntland and this people.

  9. ASC WAR PUNTLAND INGOO BARI ANA NDAWLADA KALSOONIDA KAL NOQON SI AAN UHELO KURAAS BADAN SIDAA AAD USAMEEYSAY

  10. HEER-SARE says:

    puntland waa ka goday soomaaliya, mana doonayno wax soomaali layiraahdo.
    waxaan nahay dowlad xur ah. koonfurta waxa ka socda wax shuqul ah kuma lihin.

  11. mahamed says:

    ahlusna wax ladhaho majiraan waa niman habargidir ah oo shalay labaxay maxkamado markii maxkamadihii laga badiyey siyaasada ayay hadana u xuubsiibteen ahlusnuna iyo timaweyn. oo ay ethopia ay dabada ka riixayso. midda kale hadii ahlusuna intaas lasiiyey puntland iyo somaliland iyo galmudug iwm see looqancin

  12. Bashiir-caluula says:

    Reer p/land waxba ka ma gelin xishiish koonfurta somalia. Anaga hadii aanu nahay P/land waa in aanu sugno marka ay nasoo gaaraan. dabadeedna lawada xaajoodo sidii loo dhisi lahaa dowlad federali ah.