Waxaa Magaalada Kuala Lumpur ee Dalka Malaysaia Lagu qabtay Xaflada habeenimada axada tarikhduna ahayd 14 March 2010 taas oo lagu Sagootinayo wasiirka cusub ee Caafimaadka puntland Mudane Dr. Cali Cabdulaahi Warsame kaas uu dhowaan usoo magacaabay Madaxweynaha dowlada Puntland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed kadib markuu isku shaandheeyn ku sameeyey golihiisa Wasiirada bishii dhowayd.
waxaa lagu furay xaflada ayaadaha quraanka kariimka ah waxaana ka jeediyey Macalim Axmed Aden oo akhriyey aayado dadka qiiro qaliyey.
[pe2-gallery]










[/pe2-gallery]
Waxaana hadalka lagu so dhaweeyey wakiilka Puntland ee malaysia Mr.Axmed Cismaan Shibiin oo fadhiya xafiis ay dowlada Puntland ka furatay dalka Malaysia kasoo ahaa xafiiskii ugu horeeyey oo dowlada Puntland ka furato dalka dibadiisa si loo adkeeyo xiriirka dibadda, wuxuuna shibbin ku dheeraaday himilooyinka ay tiigsanayso safaaradu isago sheegay inuu waxyaabo badan oo dan u ah Puntland fulin doonto dalka Malaysia waxaana dadku ka warqabaan in xiriirka Puntland iyo Malaysia uu uu yahay mid wanaagsan waxaa isna xafladaas goob joog ka ahaa xildhibaan Axmed Bare oo asagana hadalo ka jeediyey una sheegay in maamulka cusub ee Puntland wax badan soo kordhiyey walina la dhawrayo wixii ay umadda u ballan qaadeen. sido kale waxaa hadal ka jeediyey munaasabda wasiir hore Puntland Prof. Cabdiwali Hersi oo ka hadlay maamulka iyo hogaanka suuban isago kula taliyey maamulka Puntland in uu qof walba shaqada uu waayo aragnimada u leeyahahay loo dhiibo lalana xisabtamo.
Waxaa asna qurboojoogta u hadlay Dr.Xuseen Sooyan, kaa soo ku dheeraday horumarka ay qurbajoogtu kusoo kordhiyeen dalka, kuna booriyey wasiirka cusub inu uu dar-dar galiyo habsami u socodka arrimaha caafimaad ee dowlada Puntland oo sanadkan maraya heer bilow ah.
waxaa ayadana xusid mudan in asna marti sharafta ka soo qayb gashay uu ka mid ahaa Gudoomiyaha Ardayda reer Puntland ee Uganda Mr Seid Mohamud Mohamed “Rooraaye” isagoo booqasho ka jooga dalka malaysai, mida kale ka hadlay isku xirka ardayda reer Puntland ee qurbaha si ay yeeshaan dalad guuud iyo sidoo kala khasatan isku xirka labada urur ee malaysia iyo uganda iyo sidii ardayda ay dadaali lahayaan dalkoodan wax u tari lahayeen halkaasna ka sheegay hadal qiiro leh.
Waxaa kale oo si faahfaahsan ugu hadlay xiiriirka Puntlad iyo malaysia dhanka tacliinta iyo jaamacadaha Dr.Sayid Maxamed Cabdule isago sheegay in uu geeyey wafti u hagaamiyao oo ka socdo jamacad ka mida jamacadaha Malaysia, si loo mataaneeyo kuwo Puntland ka jira iyo kuwa Malaysia taas oo u sahlaysa ardayda joogta wadankii inay wadankoodi ku qaataan manhajka Malaysia iyo macallimiin u dhalatay wadankan waxaana ka mid ah barnaamijka Msc ee master degree ee uu geeyey Dr.Sayid iyo wafti u hogaaminyo jaamacada Bariga Africa ee Puntland, wuxuuna ugu baaqay qurba joogta inuu qof walba wax meel geeyo si loo dhiso arimihii bulshada.
Waxaa Goobta ay xafladu ka socotay lagu soo bandhigay Multimedia yar oo kusaabsan sida
wax looga qaban karno wadankii iyado sidoo kale lagu soo bandhigay maajaajilo yar oo iyaduna ka hadlaysay xaalada caafimaad ee dalku marayo iyo sida loogu baahanyahay in wax laga badalo taasna looga fadhiyo wasiirka cusub in u wax ka badalo sidii hore maadaama uu yahay nin waayo aragnimo u leh, sababtoo ah Dr.Cali wuxuu horey u ahaan jirey Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare isagoo guul wax ku ool ah kasoo hoyiyey intuu hayey xafiiska sida isagoo xiiriro dibada ah u sameeyey jamacadaha Puntland iyo isago sare u qaday tayada tacliinta sare ,waxaana lagu abaalmariyey in laga dhigo wasiirka markii la arkay kartidiisa iyo aqoontiisa qof ahaaneed.
Ugu danbeynti waxaa xaflada soo gaba gabeey wasiirka oo ahaa guest of hono, isagoo oo aad ugu mahadceliyey dadkii so qaban qaabiyey barnaamijkaan, isagoo aad uga waramay wax qabadkiisii hore, sheegayna inu Rabbi ka baryayo inuu la garab galo howsha adag ee loo dhibay, wuxuuna balan qaadey in uu wax ka qaban doono xaaladda caafimaad xumo ee wadanka ka jirta isagoo kaashanaya waayo aragnimadiisa iyo dadka aqoonta u leh arrimaha caafiimaadka waxuuna ugu baaqay qof walba oo muwaadin inuu dalkiisa dib ugu noqdo wadanka wax ugu qabto.
Isku soo wada duuboo xafladaan ayaa ku so idlaatay jawi wanaagsan waxaana soo agaasimay aqooyahanka soomaaliyeed ee Malaysia iyado uu qayb lixaad leh ka qaatay qabsoomida xafladan madaxa isku xirka ardada c/fitaax Lahoor.
Diyaariye,
Aniso Puntland
Malaysia Kual Lumpur
UNIVERSITY OF MALAYA
FACULTY OF MEDICEN AND SURGERY
Maxaa rug caddaa meesha isugu yimideeeeeeey. Prof. Indhoguran aad baan ugu mahad celinayaa isku xirka wadaniyadda ku dhisan.
Mahadsandiin akhyaar
maasha allah aad baan ugu faraxsanahay qabsoomidda xafladan oo aan goob ka ahaa run ahaantiii waanu la dardaaranay masuulka cusub in uu imadda si cadaalad iyo hufnaani ku jirto ugu adeego isaguna wuxuu wacad ku amray inuu wadankisi wax dhaxal gal ah u qabanayo thz wasiir nin da yar baad tahay waa tahay dhamaan reer puntland khyerbaan u rajayn i also thz c/fitaax ciise xaaji cumar (c/fitaax laahoor) oo ah madaxa isku xirka ardada oo kaalinn mug leh ka qaatay qabsoomida xafladan iyo kuwii hore fadlan ha lagu daydo halyayga da da yar ee uso baxaya wadankiisi waa shakhsi ku dayasho mudan by yasmin xaaji xasan kl malaysia
waxaan halkaan ka salaamy dhamaan dadka horseedmedia aad baan ugu faraxsanhay madaam loo dooratay wasiir cusub ha se ahaatee wasiirkaas waxan ka codsanynaa dhamaan shacbka p/land gaar ahaan garoowe inuu si fiican ug shaqeeyo caafimaadka ok byyyyyyyyyy
maashaa alllah xafalada si fiican baa loso agasimay ragii ka shaqeeyyey, waxan siba wiilka oo la dhaho lahor, mida kale waxaan halkaan ka salamay sxkya seid, abowihii waa zamzam ibra, run ahanti waydan isma anan argan caawa baan websiyada puntland oo dhan iyo kuwa caalamka kaa aqrisanayey sida washingtonpost, alsharqalowset, newyork times, abowihiis seid run ahaanti howsha adagoo aad malaysia u joogtid iyo isku xirka aad baan kuugu hambalyeynaya runa ahaantii waxan ku leeyahay maasha allah ilaah ha ku daayo ragi mustaqbalka baad tahaye wasiirkana waxan leanhay dalkaaga kuso dhoway inkasta anagan fiicanaan lahayd inaan ka qayb qaadano oo an dalka dib ugu noqono lakin insha alla wan ku noqon markan masterka dhameetyo at end of this month inaan USA ooo joogno waxna tari mayso dadka kale inay saas wasiirk ayeelayn baan u rajeynaya o ku daydaa viva puntland viva Dr Cali Viva Mr Seid Mohamd Rooraaye
mudan siciid waan ku salamaay runa ahantii waan ku hambalyeynaya safarada aad dibada iyo dalka ku maraysid sidii aad arday reer puntland ee qurbahaa aad isugu xiri lahayd howl adag baadn na ku jirtaa shacabkaaga u shaqee ragga mustaqbalka baad ku jirtaa hadayba ka muqataa maasha allah viva seid roraaye viva puntland
run ahaantii waa wax lagu farxo sababtoo ah ardayda reer puntland ee malaysia waxay caddaynaysaa in ay yihiin dad wax qaban kara waxaana aad iyo aad ii cajabiyay sida ay meesha u qurxoongtahay .. waxana leeyahay noqda kuwii wax barashadooda ka miro keena
waad mahadsantihiin laakiin xitaa nooma idansheegin wasiirka cusub sawirkiisa intaas baa idinka dhiman inaad qofkaste magaciisa iyo sawirkiisa isasaartaan laakiin wada waad gaari doontaane waa rayigayga dacaayda ifama ahan aad baan u xiiseeyaa wararka horseedmedia alla idin guuleeyo