Dahabshiil
Golis

Gudoomiyaha Barlamaanka DFKM ah oo Gaaray dalka Turkiga

Gudoomiyaha Barlamaanka DFKM ah ee Soomaaliya Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa waxaa uu gaaray dalka Turkiga.

Wefdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha oo ka kooban Xildhibaano iyo xubno oo ka tirsan gudoonka sare ee Barlamaanka ayaa habeenimadi xalay gaaray magaaladda Istanbul ka dib marki uu kasoo kicitimay magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya halkaas oo uu maalmahaan ku sugna.

Garoonka diyaaraddaha ee magaaladda Istanbul ayaa halkaas kusoo dhoweeyey masuuliyin ka tirsan Dowladda Turkiga oo uu ka mid yahay Duqa magaaladda Istanbul iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda Turkiga,waxaana sidoo kale soo dhowaynta ka qayb qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo ay ku weheliyaan Shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Saacaddaha soo socda ayaa Gudoomiyaha lagu wada in uu kulamo la qaato masuuliyinta dalkaasi oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Barlamaanka dalkaasi oo isagu casumaad u fidiyey,waxaana ay ka wada hadli doonaan arimo khuseeya labadda dal.

Tani waxaa ay noqonaysa Socdaalki ugu horeeyey Gudoomiyaha Barlamaanka DFKM ah Sheikh Aadan Madoobe uu safar ku gaaro dalka Turkiga.

Horseed Media

RELATED STORIES

Comments are closed.