Dahabshiil
Golis

Maxkamad ku taala Koonfur Afrika oo Xukun ku Riday Nin dilay Muwaadin Soomaali ah

Waxaa maalinimadi shalay maxkamad ku taala dalka Koonfur Afrika la horkeenay Muwaadin u dhashay dalka Koonfur Afrika kaas oo Saddex Sano ka hor dalkaasi ku dilay Muwaadin u dhashay dalka Soomaaliya.

Maxkamada Sare Port Elizabeth High Court ayaa Dumisani Makuleni oo 20-sano jir ku xukuntay xabsi 22-sano ah ka dib marki dambiga ah inuu dilay Ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jira Wali Axmed.

Eedeysanahaas ayaa maxkamada mar ay wax ka weydiisay falkaasi inuu geystay ayuu qirtay isla markaana sheegay in xilligaasi u doonaaya inuu dhac u geysto dukaanka ganacsadaha balse marki ay u surtagali wayday uu dilay.

Sida ku cad kiiska lagu soo oogay ninkaasi,Bisha November ee sanadi 2007-di ayuu tegay dukaanka uuna isku deyey inuu dhac u geysto balse marki uu surtagali wayday uu baastoolada watay ku dilay Marxuum Wali Axmed.

Xilligaasi ka dib waxaa gacanta kusoo dhigay Booliska magaaladda Port Elizabeth ka dib marki ay howlgalo sameyeen.

Horseed Media

Comments are closed.