Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Jenraal Yuusuf Axmed Kheyr ayaa ka hadlay Xaaladda Amni ee ka jirta degaanadda Puntland xilli mudooyinki lasoo dhaafay qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee Puntland ay ka dhaceen falal amaan darro ah.
Isagoo khudbad ka jeedinaayay Aqoon Isweydaarsi ka dhacay Hoolka Amal Plaza ee magaaladda Bosaaso oo looga hadlaayay qaabka loo horumarin karo Bilicda magaaladda Bosaaso ayuu sheegay in ay lama huraan tahay sugida nabadgalyada guud.
Waxaana uu sheegay in falalka amaan darada ee ka jiray degaanadda Puntland ay yihin kuwa aan hore looga arag isla markaana ka duwan kuwi hore.
”Nabadgalyo xumadu waagi hore waxaanu arki jirnay wax isleynaayo oo aano isku dilaayo laakin kan maanta waa ka duwantahay.waa dagaal cusub oo weji iyo siyaasad cusub leh oo Umaddi Argagax iyo fajac ku riday,” ayuu yiri.
Wasiirka ayaa sheegay in loogu gool leeyahay cabsi gelinta Shacabka,isagoo xusay in shacabka looga baahanyahay in ay ka hortagaan fal weliba oo khatar ku ah;
”Waa lagu cabsi gelinaaya Umadda oo hadii loo baqo oo aan lagu dhiiran in la iska qabto.hadee waxaa weeye cabsidaas waa mid kugu si badanaysa oo waa sidii loo doonaayay weeye”,ayuu sidoo kale sheegay.
Jenraal Yuusuf Axmed Kheyr ayaa ugu baaqay dhamaan Shacabka Reer Puntland in ay la shaqeeyaan Hay’addaha qaabilsan Amaanka iyo Ciidanka ayna waajibaad ka saarantahay Sugida Amaanka guud.
Hadalka kasoo yeeray Wasiirka Amniga Puntland ayaa imaanaysa xilli Xukuumadda Puntland ay shaacisay in ay ka go’aantahay sugida nabadgalyada.
Horseed Media
General Yusuf Axmed Khyer, ayaan oran karnaa inuu durba hantey quluubta shacabka Puntland, jananka ayaa sidoo kale laga soo dhoweeyay magaalooyinka waa weyn ee Puntland. Waxaan qabaa in Jananku soo kordhin doono khibrad iyo aragti cusub dadka reer Puntland gaar ahaan kuwa Bossaso ayaa waxaa daashadey maamul xumo iyo amni xumo waxaa rajeynayaa in Gen.Yuusuf wax ka qaban doono amniga
asc,maamulka 2da magaalo kusoo ururay miyaan u wada tafaxaydanaa,
waxaan kasoo jeedaa gobolada ssc ee caasimadiisii (laaska)ay snm haysatey 4sano oo uu maamulka puntland dhiibay
soo markaa waxaynu ku galay majabin ,
maxaytahay amaanka aankawada hadli karnaa
(RAGKAASHIRAY RAFIIQ NIMAAD TIHIIN TALO LAGAA REEBAY MEESHAAN LAGAARABIN INDHAHA LALAMASIIRAACO).XAGANA BADHAXLEY BAA KASOO DHAARANAYSA ILAAH BAA UMAQAN REER PTL
WAA LOO JEEDAA INTA PUNTLAND KADAMBAYSAY CADE MUUSE WAXAA ISKUGU YIMID QURBE JOOG WASIIRKU XILALBADAN OO BUNTLADN WUU SOO QABTAY LAKIN WAXNA AMNIGA KAMA BADLIN WAXAASE SUAAL HADA MUDAN MAXAY SOO KORDHIN DOONAAN WASIRADA QURBAHA NOOGA YIMID???
Walaahay ami faraha ka baxay buu wasiirka kusoo aaday Ilaahay hala gacan qabto.
Xaalad aad u culus baa dhulka ka jirta oo wasiirka amniga waxay u egtahay gooray xeero iyo fandhaal kala dhaceen meesha loo dhiibay.
Ilaahow sahal umuuraha,,,,,,aamin
asc
dhamaan dadka oo dhan waa salaamayaa ,aad baa loogu baahan yahay in dadku lashaqeeyaan laamaha amaanka si loo sugo amniga wadanka waad u jeedaan waxa kataagan koonfurta soomaaliya .marka dhanaan dadwaynaha waxaan ka codsanyaa inay lashaqeeyaan laamaha amaanka waad mahadsanthiin
ilaahow yusuf daa sida kaayakaa larabaa in laku shaqaysto
aamiiiiiiiiiiiiiin baaaaaaaaaaaan idin leeyahay
ciyigii waa ka beriyey ninkii cunay baa ka liita
sc wr wb waxaan soo dhawaynaa wasiirka cusub ee xilka loogo magacabay. Gen yusuf axmed khayr waa nin caynkee ah?
yusuf axmed khayr waa nin aad u dagan xishood miiran . afgaaban. aqoon leh ciidan iyo mamul , waa nin sumcad ku leh mujtamaca somaliyeed. waa nin aad u neceb waxaa loogu yeero is dhex yaaca waa shakhsi leh siyaadsad fur furnaan somalinimo waxaa uu ka mid yahay saraakiishii somalia aan ka qayb galin dagaaladii sokeeye isaga iyo maxamed cali samater. dadka aqoonta u leh waxay ku sheegaan nin nadiif ah kana fog xukun jeclaysi. marka laga eego aqoontiisa waxaa u raacsan nabad doonimo. waxaan leeyahy reer puntland waxaa mamulka idin haayo nin wanaagsan oo ale kacabsi badan ee ka faidaysta aqoontiisa wanaaga uu idinla doonaayo.
waxaan jeclahay horsedmedia in ay gudbiso qoraalkaan ma igana aha fanis ama shakhsi jacayl qofka waxaa uu yahay waa in laga sheegaa.. mahad sanidiin
hadalka wasiirku waa sax, waxaa shacabka laga doonayaa inay soo sheegaan qofkii ay ku arkaan amnixumo in uu wado.
Dowladda waxaa laga doonayaa in talaabo ka qaado qof alle iyo qofkii ay tuhun ka dareento , sharcigana horkeento, haddii wax lagu waayana la sii daayo- haddii dambi lagu helana aan loo naxariisan ee abaalkiisa la mariyo!!!!!!!!!!!!!!!!!
asc waxan rajeynayaa in aad garataan waxa eytahay nabad talada aan sinaayo wasiirka amanka waxaa weyaan in dabka lasaaro cid ala cidii lagu arko ayado amaandaro kawado putland hadii aad awoowd u weysaan anaga aya diyaar u ah hadeynu nahay qurba joogta reerputland in aanu dhaga ka garaacno cid ala cidii amandaro wada waa in aan loofiirin kani waa reer qansax ama qurac oo meel qura loogasohorjeysto waxii xanuunsan oo la arko wsc wr wb