Dahabshiil
Golis

Isku aadka Wareega 8-aad(Quarterfinal) ee Champions League oo lagu dhawaaqay

Maalmihi lasoo dhaafay waxaa si aad ah loo sugaayay qaabka la isku aadin doono naadiyada usoo gudbay wareega 8-aad ee Quarter finaalka ee koobka naadiyadda ka dhisan qaaradda Yurub ay isku arkaan(UEFA Champions League).  

Maanta oo Jimce ah ayaa si rasmi lagu dhawaaqay qaabka ay u kulmayaan naadiyadda kasoo gudbay wareega 16-aad oo asbuucaan soo gaba gaboobay,waxaana ay ahayd sidan;  

Bayern Munich Vs MAN UTD
 

  

  

 

Labadaan koox ayaa magac dheer ku leh koobka Champions League inkastoo ay naadiga Bayern Munich ay ka magac dheer tahay naadiga Man United oo ay koobkaan hanatay 4-jeer.  

  

Waxaana ay hore isku arkeen isla markaana ku kulmeen wareega Finaalka ee koobkaan Sanadi 1999-ki xilligaasi oo ay Manchester si dirqi uga qaaday koobka naadiga Bayern Munchen oo labo gool isdaba joog oo lama filaan ay u kala dhaliyeen Ole Gunnar Solskjaer iyo weeraryahanki hore ee Ingiriiska Teddy Sheringham.  

Dwight York oo xilligaasi u ciyaarayay naadiga Man United isla markaana hada ka fariistay ciyaaraha ayaa goor dhow sheegay in uu aad uga walaacsanyahay naadiga Bayern Munchen,wuxuuna sheegay in ay haystaan tababare khibrad fiican ka leh koobabka Yurub laga ciyaarayo ayna adeegtahay in ay Manchester soo baxdo.  

Bayern Munich ayaa sanadkaan iyada doonaysa in ay mar kale qaado koobka Champions League oo ugu dambeysay mudo 10-sano ka hor.waxaana ay sidoo kale doonaysa in ay ka argoosato Man United guuldaradi ay kala kulantay 1999-ki.  

Arsenal VS Barcelona
Waxaa ay kulmeen sanadi 2006-di xilligaasi ay wada ciyaareen ciyaarti kama dambeysta ahayd ee Finaalka,kaasi oo ay Barcelona markeedi labaad ku qaaday koobkaan oo ay 3-jeer qaaday.

  

  

 

  

Thiery Henry oo xilligaasi kabtan u ahaa naadiga Arsenal hadana ka tirsan naadiga Barcelona ayaa markiisa hore la ciyaari doona naadigiisi hore tan iyo marki lacag gaaraysa 16-milyan lacagta Euro-da ay Barcelona kaga soo gadatay Arsenal.  

Ciyaartaan ayaa noqon doonta mid la arki doona qaabka ay Arsenal isku deyi doonto in ay kaga soo gudubto wareega Semi-Final,iyadoo tababare Arsene Wenger uu doonayo inuu ka argoosto dharbaxadi kululayd uu kala kulmay xilligaasi oo laga qaaday koobka oo aysan Arsenal weli qaadin oo ay markaas usoo dhowaatay.  

Labadaan ciyaar ayaa ah kuwa aadka u xiisaha badan isla markaana ilgaar ah lagu hayn doono oo ay bahda Isboortiga aad u danaynayaan.  

Hadabada Akhristeyaal sidaan ayay u dhacday isku aadadka;  

 SEMI-FINAL DRAW:

 

 Olympique Lyon vs Bordeaux
Bayern Munich vs Manchester United
Arsenal vs Barcelona
Inter vs CSKA Moscow
 

   

C/raxmaan Cabdi Maxamed(Xudeyfi) 

Horseed Media  

   

   

Comments are closed.