Dahabshiil
Golis

Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Wadamada Nigeria iyo Libya

Waxaa Khilaaf soo kala dhexgalay wadamada Nigeria iyo Libya ee ku wada yaala Qaaradda Afrika.

Khilaafkaan ayaa yimi ka dib marki Xukuumadda Nigeria ay dib u yeeratay Safiirkeedi u joogay magaaladda Tripoli ee caasimadda dalka Libya,waxaana talaabadaas ay timi ka dib marki ay si xun uga carootay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Libya Col.Mucammar Al-Qadaafi oo ku sabsanaa in dalka Nigeria labo loo kala saaro.

Wasaaradda arimaha dibadda ee Nigeria ayaa sheegtay in hadalka Hogaamiyaha Libya ay tahay mid aan masuuliyad lahayn,iyadoo goor hore masuul ka tirsan Xukuumadda Abuja ku tilmaamay in Qadaafi uu yahay nin Waalan.

Col.Qadaafi ayaa ku baaqay in Nigeria loo kala saaro wadan gaal iyo Musliim si loo badbaadiyo Shacabka halkaas ku nool ee labadda diin haysta si loo soo afjaro rabshadaha wadankaas ka dhaca ee la xirrirta arimaha diinta.

Horseed Media

3 Responses to “Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Wadamada Nigeria iyo Libya”

  1. ommaar says:

    dhaman salan kadib ,, waa arin qaldan runtii qadafe waxaan uu shegay wadan ka muslim iyo gaalo in looka laasaro maxaa yelay wadanka hadan waxaa xukuma madax wayne muslim ah

  2. Xusul baruur says:

    Qadaafi waa Asaasaq wixii Dhageeystaana waa ka Daran yihiin.

  3. Hassan says:

    Aragtida Qadaafi waa tii ugu wanaagsanayd oo uu abid sheego, sababtoo ah Nijeria waa dal muslimiintu ku badanyihiin oo ay xukumaan in yar ii Kiristan ah, haddii la kala jaro dalka intiisa badan waxaa yeelanaya Muslimiinta. wayna badbaadayaan in la xasuuqo sidii ayaantii dhowayd dhacday.