Maamulka gobolka Sanaag ee Dowladda Puntland ayaa ka hadlay dilal dhowaan ka dhacay qaybo ka mid ah gobolkaasi oo loo geystay dad rayid oo halkaas ku sugnaa.
Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur Dabayl oo u waramaayay Barnaamijka Xog Ogaal maanta ee duhur weliba ka baxa Warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in ila 3-ruux lagu dilay degmada Xingalool ee gobolkaasi.
”Adeer dilalkaasi waxaa geystay Rag hubeysan,wayna baxsadeen oo hada waa lagu daba jooga.dilalkaasi waxaa ay yihin nooca ay Soomaalida u taqaano aanooyin qabiil”,ayuu yiri Maxamuud Dabayl.
Wuxuuna hadalkiisa ku daray in Beelaha Ragga dilalka geystay ay iminka baadigoob ugu jiraan halka ay ku dambeeyaan,iyadoo Saddex qof la dilay ay iyaguna wada xaajood kula jiraan Beesha kale ee dilka geysatay.
Gudoomiyaha ayaa xusay in Ragga dilka geystay loo malaynaayo in ay u baxsadeen dhanka iyo gobolka Sool,waxaana uu ugu baaqay dadka Reer Xingalool in ay xaaladda dejiyaan,isagoo xusay in maamulka gobolka Sanaag ay arintaas wax ka qabanayaan oo ay soo afjari doonaan.
Dilalki ka dhacay degmada Xingalool ee gobolka Sanaag ayaa ahaa mid maalmihi lasoo dhaafay si aad ah looga hadal hayay dhamaan magaalooyinka iyo degmooyinka ee gobolkaasi.
Horseed Media
asc waa in la soo qabta dadka dhibta geestay oo la dila dhulos manta waa reer la haysto marka ma fiicna in dhabarka laga toogto
waa iska dhibaato in soomaalidu qofaan waxba dilin loo dilo aano