Dahabshiil
Golis

Markab lagu haystay Degmada Garacad ee G/Mudug oo La Si daayay

Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ayaa waxaa ay si daayeen Markab nooca xamuulka oo ay in mudo afduub u haysteen.

Ururka NATO oo qayb ka ah howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida ayaa shaaciyey in khamiisti shalay in Burcad Badeeda Soomaalida ay si daayeen Markab laga leeyahay dalka Iraan oo ay ku haysteen xeebaha dalka Soomaaliya.

Shona Lowe oo u hadlay Ururakaasi ayaa sheegay in si deynta Markabka lagu magacaabo SAAD1 transport ay timi ka dib marki Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Talyaaniga usoo dhowaaday halka lagu haystay Markabka,taasi oo walaac iyo cabsi ku diray Burcad Badeeda.

Lowe ayaa hadalkiisa ku daray in Markab ee lagu magacaabo Scirocco uu dhaq dhaqaaqa ka sameeyey,waxaana uu xusay in marki dambe ay Burcad Badeedu go’aansadeen in ay si daayan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan jirin wax iska horimaad ama dagaal dhexmartay Burcad Badeeda iyo Markabka dagaal ama qaab Milateri oo lagu soo furtay Markabkaas xamuulka.

Ma jirto warar faahfaahsan oo muujinaaya in Burcad Badeeda Soomaalida ay si daayeen Markab laga leeyahay dalka Iraan oo ay haysteen marka laga soo tego hadalka kasoo yeeray masuulkaan ka tirsan Ururka NATO.

Horseed Media

Comments are closed.