Asalaamu Caleykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.
Dhamaan jaaliyada Puntland ee degan Århus iyo nawaaxigeeda waxaa la ogesiinayaa inuu shir looga hadlayo Horumarinta deegaanada Puntland uu kadhici doono magaalaga Århus ee dalka Denmark.
Dhamaan dadka xiiseenaya arrimaha la xariira horumarinta deegaanada Puntland ayaa lagu casumayaa inay kasoo qeyb galaan.
Shirkan oo lagu soo bandhigi doono Warbixino la xariira deegaanada balaaran ee Puntland, ayaa waxaa ka qeyb qaadan doona Guddoomiyaasha magaalooyinka ku yaal Puntland oo ay kamid yihiin:
1: Duqa magaalada BARAN
2: Duqa magaalada Galdogob
3: Duqa magaalada Waaciye
4: Duqa magaalada BUUHOODLE
5: Duqa magaalada QARDHO
6: Duqa magaalada GAALKACAYO
7: Duqa magaalada BOOSAASO
8: Duqa magaalada GAROOWE
9: Gudoomiyaha gobolka Bari
Ajandaha shirku wuxuu ku saabsan yahay warbixin ay soo jeedinayaan masuuliyiinta aynu kor kusoo xusnay si ay noogu soo gudbiyaan wax qabadkooda u hirgalay iyo hada kuwa u qorshaysan in ay ka fuliyaan deegaanada ay madaxda ka yihiin.
Waxaa sidoo kale laga doonayaa jaaliyada reer Puntland ee århus in ay layimaadaan wax kasta oo ay ku xoojin kara horumarka wadanka.
Shirku wuxuu dhacayaa
Taariikhda: Axada 21.03.2010
Saacada: Wakhtiga denmark 14:00 (wakhtiga Somaliya) 16:00
Wuxuuna socon doonaa illaa Saacada marka ay tahaya wakhtiga Denmark 17:00.
Goobta uu shirku ka dhacayo:
Waa Hoolka Shirarka ee kasoo horjeedka Bibletega Brabrand
Kala xiriir: Faarax Mohamud Tel: 53123092 shirkaaarhus@hotmail.com
Kala xiriir: Saciid Dahir Dhimbil Tel: 20635905 baashiabdulle@hotmail.com
WABILAAHI TOWFIIQ
saxiib waxan salamaya dhaman umad reer puntlan meel kasta oo eyjogan saxiibayaal wax adin dhihilaaha hadal badan dan badhaanta ee hala dadaalo sidi dalka iyo dadka wax logu qaban laha halagaro hanoqoninaa fadhi ku diriirka somalida oo kale karti yeesha waxna qabsada
waxaan salamaya dhamaan umada reer puntland meelkasta oo ay joogan waxaana lee yahay wadankiina wax u qabta waayo lama huraan waa caska jiilaal
waxaan la hurina waa wadankaga hooyo waxaan markale lee yahay u mada reer puntland meelkasta oo aad joogtan gacanta is qabsada oo walaalooba in sha alaah waxaana idiin rajaynayaa guul waarta ebedkeed in aad kuwada noolataan kuligiin reer puntland
waa
amran1432009@hotmail.com
xiriiir wacan
KK Dadka waagi Hore degma degmo bay isu raadin jireen Hada waxa bedelay Tol Xaladaha lagu Jiro baa keenay in Qabiilku Sumad Noqdo.hadana 4.5 baa Shaqaysa kan Hoyadaa Dhashay haduusan Qabiil kula wadaagin waxba kuuma aha Hassan waa Gartiis boowe waxan ku Oran laha Qofki Dabecadaadu la Heshiiso baa wax ku ah ee Tol iyo Puntlander waxba kuuma aha
Walaal Hasan waxaa ku dhihi lahaa waxaa jiro meelo ama goobo netka ah oo Tolku ku kala warqaato marka kaas raadi insha allaha.
Saxiibnyaakuyiri sheeg qabiilkaaga. maxaad se kudooratay in aad tiraahdo waxaan ahay cismaan maxamuud kasii ahay reekaas. saxiib waxa meesha looga hadlayo maahan qabiil waa danta guud. abtiriskaaga udaa puntlander.
ACWW
Walalayal marka hore aniga waxaa la i dhahaa Xasan Maxamed waxaana ka soo jeeda reer Qardho waxana ahay nin Cismaan maxamuud muse Suldan.
Arinkaana waaa mid loo bahan yahay si loo hor mariyo reer puntlan waxaan jeclan lahaa hadii an nahay reer Swedan gar ahaan magaalada Linköpin in aan wada soo bino xiriir jogta ah ikana ka shano wax qabadka reer puntlan ee wakan emailkeyga ee an wada xariirno hadii alle yiraa!!!
Mahdasanid
Xasan Linköping
Waan jeclan lahey in aan la xirrino doqa magaalada qardho hadii aad nasiin kartaan talefankiisa.