Xogheyaha arimaha dibadda ee Maraykanka Hillary Clinton ayaa shalay booqasho ku gaartay magaaladda Moscow ee caasimadda dalka Ruushka,waxaana ay halkaas u tegtay arimo la xirrira xirrirka u dhaxeeya labadda dal.
Haweenaydaas ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah masuuliyinta dalkaasi,iyadoo qaar kalena lagu wado in saacaddaha soo socda ay la kulanto.
Ugu horeyn waxaa ay kulan wada qaaten Wasiirka arimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov,waxaana ay ka wada hadleen xirrirka u dhaxeeya labadda dal gaar ahaan istaraajiyada Milateri ee labadda dal.
Labadda masuul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arimaha hubka nukleyarka,waxaana lagu wada in ay dhowaan labada wadan heshiis dhanka horumarinta Barnaamijkaas wada gaaran iyagoo adeegsanaaya Istiraajiyada lagu magac daray (Start).
Wadamadaan ayaa iminka dadaal ugu jira dib cusbooninta Barnaamijkaas oo waqtigiisa dhamaaday Bishi December ee aynu soo dhaafnay iyadoo ay kala saxiixdeen sanadi 1991-di.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!