Dahabshiil
Golis

Ciidanka Badda ee Holland oo Si daayay Burcad Badeed

Ciidanka Badda ee Holland ayaa waxaa ay si daayeen Rag ay qab qabteen oo lala xirririnaayo in ay ahaayeen Burcad Badeed.

Wasaaradda difaaca ee Xukuumada Holland ayaa sheegtay in Ciidanka ku sugan xeebaha Soomaaliya ay si daayeen ila 20-nin oo Soomaali ah kuwaas oo ay ku tilmaameen Burcad Badeed.

Afhayeenka Wasaaradaas Marloes Visser ayaa sheegay in ragaasi la si daayay ka dib marki Markab dagaal oo ay iska leeyihin Ciidanka Badda Holland lagu haystay maalmahaan isla markaana lagu waday baaritaano ka dib marki la soo qab qabtay.

Waxaana u hadalkiisa ku daray in si deyntooda timi ka dib marki laga waayay eedeymihi lagu soo oogay,iyadoo loo ogolaaday in doomihi marki hore ay wateen ay raacan iyadoo laga dhigay hubki ay wateen,sida u sheegay.

Todobaadki lasoo dhaafay Ciidanka Badda ee Holland ayaa waxaa ay sheegeen howlgalo ay ka sameyeen gacanka Cadmeed ay kusoo qab qabteen Burcad Badeed Soomaali ah.

Horseed Media

Comments are closed.