Ra’isulwasaarihi hore ee Xukuumadda Nepal ayaa lagu soo waramaaya inuu geeriyooday.
Girija Prasad Koirala oo 86-sano jir ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday aqalkiisa ku yaala magaaladda Kathmandu ee caasimadda Nepal,iyadoo sidoo kale warbaahinada dalkaasi ay ku xaqiijiyeen.
Waxaana la sheegay in mudooyinki lasoo dhaafay inuu la ildarnaa xanuuno kala duwan isla markaana jiifay Isbitaal halkaas ku yaala.
Kumanaan ka mid ah Taageerayaashi ayaa isku soo baxay guriga gabar u dhalay halkaasi oo la geeyey Meydkiisa,waxaana lagu wada in loo fidyo Aas qaran.
Xukuumadda iminka jirta ee Nepal ayaa ku dhawaaqday dhowr maalmood oo baroor diiq ah,waxaana dadweynaha ku dhaqan wadankaas ay aad uga naxsanyihin geerida Ra’isulwasaarihi hore ee dalkaasi.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily email updates, right now!