Dahabshiil
Golis

Wefdigi Ahlu-Sunna Waljameeca uga qaybgalay Heshiiski Addis Ababa oo ku soo laabtay dalka

Wefdigi Culimadda Ahlu-Sunna Waljameeca uga qaybgalay kulanki ay heshiis ku wada gaareen DFKM ah Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Xubno ka kooban ila 20-qof ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo ay keentay diyaarad kasoo qaaday magaalada Addis Ababa,waxaana kusoo dhoweeyey masuuliyin ka tirsan Culimada Ahlu-Sunna Waljameeca ee gobolada dhexe.

Waxaana hogaaminaayay Gudoomiyaha golaha fulinta ee dhowaan la doortay Sheikh Maxamed Yuusuf Xaafoow,iyadoo Gudoomiyihi guud ee Ahlu-Sunna Waljameeca uusan soo raacin Macalin Maxamuud Sheikh Xassan kaas oo marki hore hogaaminaayay wefdiga Ahlu-Sunna ee saxiixay qodobada ay ku wada heshiyeen iyaga iyo DFKM ah.

Dadka degaanka ayaa iyaguna maanta ka qayb qaadatay soo dhowaynta wefdigaan,waxaana la sugaayay amniga guud ee garoonka diyaaradaha ee degmada Guriceel.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wada in ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan heshiiska ay la galeen DFKM ah qodobada.

Horseed Media

One Response to “Wefdigi Ahlu-Sunna Waljameeca uga qaybgalay Heshiiski Addis Ababa oo ku soo laabtay dalka”

  1. wiil qoryacad says:

    waxaa daawaday baarnaamig la yiraahdo taxta majhar oo al jazeera ka baxa, barnaamijkii ugu danbeeyay waxaa lagu soo qaatay suufiyadu siyaasada masar gacanta aay ku leeyihiin, iyo waliba suufiyada ihtimaamka uu sinayo maraykanku,iyadoo xataa safiirka masar u fadhiya maraykanka uu wareeysi uu siiyay aljazeera isagoo af carabi jajaban ku hadlaaya uu ku sheegay in uu xafladii siyaaradii sayid badawi uu ka qaayb galay.waxaa kala oo la soo daayey xiriirka soo jiraanka ah oo u dhexeeya dawladihii masar soo xukumay.waxaa hadaba cad in baarnaamijka guuri ceel uu yahay mid qoto dheer oo dunida muslimka oo idil ka socda ujeedaduna waa in lagaga hortago wax loogu yeeray islaamka siyaasiga ah.laba saqaafo baa dunida muslimka dhib ku haaysa saqaafadii uu isticmaarku abuuray{secularism}diintu masaajidka ha ku ekaato nolaasheen dhaqaale, siyaasad, iyo bulshotoona shuqul kuma laha.saqaafada kale waxa weeye saqaafadii markii qarnigii 12aad kadib markii muslimiintu burbureen waxaa soo baxay waxyaabo badan oo lagaga dayday shucuub kale amaba iska yimid ,haday noqon lahayd dhinaca cibaadada iyo dhinacyo kale.waxaa soo baxay firqooyin badan oo qaarkood asalkii diintaba jabiyay.mowliidka xafladiisa waxaa markii ugu horeeysay sameeyay boqor ka mid ah faadimiyiintii masar xukumaysay ka dibna official holiday baay noqotay. qabuurahan la masaxayo oo la baryayo, masaafo oo inaga{samaali} gaar u ah name it.al shabab iyana waa ka mid magacu waa cusub yahay lakiin al farcu yudabiq al asl{khawaarij}. labaa loo shardiyaa camalka : niyad iyo inuu sharciga waafaqsan yahay camalkaagu. fas aluu ahla dikri inkuntum laa taclamuun buu rabbi yiri sh cumar faaruuq, gacamey,iyo dhamaan ahlu cilmigii waxaay idiin sheegeen inaad dagaal xaaran ah wadaan ,well niyadi enough ma aha. waxaan marka kale uu sheegaya walaalahayga niyada fiican haya inay sharciga u fiiriyaan. cali raage sheekh ma aha xasan daahirna sidoo kale wasalaamu calaykum waraxmatulaah.