Dahabshiil
Golis

Xaaladda Magaaladda Kismaayo oo kacsan ka dib marki lagu dilay Sarkaal ka tirsan Xarakadda Al-Shabaab

Waxaa habeenimadi xalay magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Xarakadda Mujaahidinta Al-Shabaab.

Sarkaalkaasi ayaa lagu magacaabi jiray Sheikh Da’uud Cali Xassan waxaana uu ahaa Taliyihi Saldhigi degmadda Dhoobley ee maamulka Xarakadda Al-Shabaab,waxaana dilkiisa geystay rag hubeysan oo aan la aqoon haybtooda.

Salaada Cishaha ka dib ayaa rag ku hubeysna baastoolado ay Sarkaalkaasi ku dhex toogteen bartamaha magaaladda Kismaayo,waxaana ay ka baxsadeen goobta dilka ka dhacay.

Xaaladda Magaaladda Kismaayo ayaa lasoo sheegaaya in ay aad u kacsantahay,waxaana ay ka dambeysay Sarkaalkaasi.Ciidanka maamulka Xarakadda Mujaahidinta Al-Shabaab ee magaaladda Kismaayo wadaan howlgalo ay ku baadigoobayaan cidi ka dambeysay dilka Sarkaalkaasi.

Ma jirto ila iyo hada cid loo soo qabtay dilka Sarkaalkaasi,waxaana aan la ogeyn sababaha rasmiga ee ka dambeysay dilkiisa.

Horseed Media

Comments are closed.