Banaan bax looga soo horjeeday Warbixinti ay dhowaan soo saareen guddiga Qaramada Midoobay ee la socodka xaalada dalka Soomaaliya kaas oo ku sabsanaa in Masuuliyinta Puntland ay xirrir la leeyihin Kooxaha Burcad Badeeda ayaa ka dhacay degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.
Boqolaal ka mid ah dadka degan degmada Laasqoray oo watay boorar ka dhan ah warbixintaasi ayaa saaka isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee degmadaasi,waxaana ay si kulul uga soo horjeedeen warbixintaasi oo ay ku tilmaameen mid been abuur ah oo lagu sharaf dilaayo Madaxda Puntland.
Gudoomiyaha degmada Laasqoray Yuusuf Jaamac Dibad oo la hadlay Horseed Media xilliga u socday Banaanbaxaas isla markaana ka qaybgalay ayaa sheegay in dadweynaha iyo maamulka degmada ay si weyn arintaas uga caroodeen.
”Adeer waxaan kasoo horjeedna oo diidanahay Eedeynta loo soo jeediyey Masuuliyinta Puntland oo la sheegay in ay xirrir la leeyihin Burcad Badeeda iyo in Puntland ay tahay hoyga Burcad Badeeda,waan cambaareynayna waana hadalo been abuur ah”,ayuu yiri Duqa degmada Laasqoray.
Waxaana uu hadalkiisa ku daray in dadweynaha Laasqoray ay ka codsadeen dadki soo saaray warbixintaasi ay faahfaahin iyo cadeymo rasmi ah ka bixiyaan.
Mudaharaadkan ayaa noqonaaya ki ugu horeeyey oo ka dhaca degaanada Puntland oo looga soo horjeedo Warbixinti Monitoring Group ee loo xilsaaray xaalada dalka Soomaaliya oo masuuliyinta Puntland oo uu ka mid yahay Madaxweyne Faroole ku eedeyeen in ay xirrir la leeyihin Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida.
Horseed Media
aad baanugu faraxsanahay sida wanaagsan ee reer laasqoray ay usoo abaabuleen banaan bax ka dhan ah dacaayada lagu hayo puntland waa in talaabo laga qaadaa cida kadanbeeysa ee dagaalka kuhaya dhulkena waxaa mahad iskale alla ha ina abuuray waxaan kaloo aan aad ugu riyaaqay war saxaafadeedkii uu qabtay gudoomiyaha magaalada laasqoray yuusuf jama dibed yeloxow aad baan uguriyaaqay sida wanaagsan ee cilmiyeeysan ee uu uga hadlay
Waa arrin soo dhoweyn mudan, sida reer laasqoray ay uga dhiidhiyeen, been abuurkii madaxda reer Puntland laga sheegay iyadoo laga leeyahay arrimo siyaasideed si Puntland sumcadeeda ,meel looga dhaco, somaliland lagu amaano..
banaanbaxu waa in laga abaabulaa dhamaan goboladda reer Puntland..
mahadsanidiin.
marka hore waxaan salaamayaa dhamaan ba bahda horseed marlabaadkana dhamaan ba reer puntland meelkasta ay joogaan reer laas qoray waajibay ay leeyihiin bay guteen dhamaana waxaa laga rabaa magaalooyinka puntland inay banaan baxyo samayaan intaa kadib waxaan layaaban ahay weka somalifans ma caruur baa qorta akhristayaal badan ayaa kasoo horjeeda waxaana lagu qoraa waxaan ilmaha yariiska ah ka suuroobin fadlan hadaanay sida webebka somalida uqorin hayska xidhaan ama hargaysa hawla guuraaan dhamaana waxaa laga dhaleecayndona websaydada iyo idaacadaha dhamaanba bye
marka ilaahay baan mahadleh intaaas kadin waxaan salamayaa bahda horseed iyo shaxab weynaha reer puntland meel kasta oo ay joogaan in taas kadib waxaan mahad gaar ah u celinayaa dadka reer laasqorey oo shucuurtooda muujiyay kana dhiidhiyey beenta laga sheegey madaxda puntland waxaana leeyahay waa in reer puntland oo dhan laga sameyaa mudaharaadyo badan oo lagag soo horka jeedo beenta cad ee lagu canjarafeeynayo madaxdeena wabi laahay towfiiq
Aad ayaad u mahadsan tihiin sida quruxda badan ee aad banaanbax ugu muujiseen, warbixinta been abuurka ah ee laga sheegay madaxda puntland guud ahaa, iyo tan gobolka sanaag.
LONGLIFE PUNTLAND
PUNTLAND
horta waan u hanbleynayaa dadka reer puntland sida eey uga damqanayaan in sharafta looga dhaco deeganadooda iyo madaxdooda iyo ciidankooda bada oo eey un ama midoowga gaalada iyo bililiqada eey ku timaameen burcad badeed waxaana u gudbineynaa burcad idinka ah mana deyneyno difaaca aan wadno ilaa eey ka baxaan markiibta dagaalka xeebaha soomaaliya oo dhan 30 markab oo dagaal ah bada basifka ma iman waagii dagaalka aduunka uu socday marka kuwii biliqda waa naga yaraadeen lakiin kuwa waxa soo haray dagaalka oo wax dhaamin warshada ayaa ku dhex yaal walaahi aniguna waan arkay idhaheeyga ayaan saaray waa eey na qabteen ha noolaato xukuumada puntladn ha noolado shacabka puntland ha noolaato bahda horseed media oo nala socodsiisa xaaladkaste waa dalkii ka taagan