Dahabshiil
Golis

Xaalada degmada Xingalool ee G/Sanaag oo degan

Degmada Xingalool ee gobolka Sanaag ayaa laga dareemaaya Jawi deganaansho ah ka dib marki ay halkaasi maalmihi lasoo dhaafay ka taagnayeen xiisado Colaadeed.

Xiisadahaas Colaadeed ayaa yimi ka dib marki dhowaan Rag hubeysan ay  Saddex qof oo rayid ah dil toogasho ugu geysteen degmada ayna ku guuleysteen in ay baxsadaan.

Qof ka mid ah dadka degaanka oo la hadlaayay Horseed Media ayaa sheegay in jawi deganaansho laga dareemaayo halkaasi,iyadoo dadweynaha halkaas ku dhaqan ay maalmahaan ka cabsi qabeen in halkaasi ay ka dhacaan falal amaan daro.

Waxaana u hadalkiisa ku daray in maamulka degmada iyo Waxgaradka halkaas ku dhaqan ay dadaal u galeen sidii loo qaboojin lahaa xiisada halkaas ka dhalatay oo ay ka dambeysay dilalki halkaas ka dhacay.

Maamulka degmada Xingalool ayaa iyaguna sheegay in ay dadaal u galeen isla markaana la wada hadal la galeen Beesha dadka laga dilay kuna qanciyey in ay soo qaban doonaan Raggi dilalkaasi geystay.

Maalmo ka hor maamulka gobolka Sanaag ayaa shaaciyey in ay ku daba joogaan Kooxihi hubeysnaa ee dilalkaasi geystay,waxaana loo malaynaaya in ay u baxsadeen gobolka Sool.

Horseed Media

Comments are closed.