Waxaa deganaansho laga dareemaya gobolka Shabeelada dhexe ee Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan goobihi maalinimadi shalay ay isku dagaaleen Ciidan ka kala tirsan Culimada Ahlu-Sunna Waljameeca iyo Xarakadda Mujaahidinta Al-Shabaab.
Degmada Raaga Ceele ee gobolkaasi wararka laga helaayo ayaa sheegaayan in iminka aanay ka jirin wax dagaalo ah isla markaana dhinacyadi ku dagaalamay ay ishor fadhiyaan.waxaana soo badanaaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaaladaas.
Shalay gelinki dambe ayaa dagaal ka dhacay halka lagu magacaabo Qoordheere oo iyadu la sheegay in ay qiyaasti 30-KM u jirto degmada Raaga Ceele kaasi oo u dhaxeysay Xarakada Al-Shabaab iyo Ahlu-Sunna,waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dadka degaanka oo ay warbaahinta la xirrirtay ayaa iyagu sheegay in dagaalkaasi ay ku dhinteen ila 5-qof oo ay ku jiraan dhinacyadi halkaas ku dagaalamay oo isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Waxaana uu dagaalkaasi yimi ka dib marki sida la sheegay Ciidan ka tirsan Ahlu-Sunna ay weerar kusoo qaadeen degmadaasi oo ay gacanta ku hayeen maamulka Xarakadda Al-Shabaab.
Degmooyinka Raaga Ceele iyo Qoordheere ee Shabeelada dhexe oo 48-saacadood lasoo dhaafay ka dhaceen dagaalo ayaa iyagu aan hada si rasmi ah la aqoon cida gacanta ku haysa.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily emailupdates, right now!