Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Ahlu-Sunna oo Sheegtay in ay dib ula wareegtay degmada Matabaan

Culima’udinka Ahlu-Sunna Waljameeca ayaa waxaa ay sheegeen in ay dib ula wareegeen Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan halkaasi oo ay saaka dagaal ku qabsadeen Xarakadda Mujaahidinta Al-Shabaab.

Faarax Carabey oo sheegtay Gudoomiyaha degmada Matabaan ee Ahlu-Sunna Waljameeca oo Horseed Media goor dhow la hadlay ayaa sheegay in barqadnimadi maanta ay la wareegeen degmadaasi isla markaana weerar kusoo qaadeen Ciidanki Xarakadda Al-Shabaab ee gacanta ku haysay.

Wuxuu sheegay in dagaalki saaka ka dhacay degmada Matabaan aysan wax khasaaro kasoo gaarin Ahlu-Sunna Waljameeca.

Xaalada degmada Matabaan ayaa ah iminka mid degan,waxaana lasoo sheegaaya in dadka degaanka ay bilaabeen in ay isaga baxaan halkaasi.

Horseed Media

RELATED STORIES

One Response to “Ahlu-Sunna oo Sheegtay in ay dib ula wareegtay degmada Matabaan”

  1. camir says:

    dadka diinta ku gabanaya oo islaynaya ma’muslinba mise waa munafaqin? waxay sheganayan in aay yihin dad muslin ah marka dadka muslinka dhabta ah isma dilan ismana dhibateyan,side ku shegan kara qof muslin ah oo aan xaq ka qabin in uu dhigisa xalalaysto,oo midba kankale ku shego in uu yahay mid aan diin haysan,shacabka mulinka ah ee waliba masakinta ah oo aan isdafici karin oo ku dhex dhibateysan dadka dimaha ku gabanaya,adunkuna ku dhawranayo waxaa katagan silic iyo saxarir.