Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab ayaa la wareegtay Xafiiska Qaramada Midoobay ay ku leedahay degmada Waajiid ee gobolka Bakool.
Warar lagu kalsonyahay ayaa sheegaaya in Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay hubka ka qaadeen ilaalada xafiiska Qaramada Midoobay,waxaana ay la wareegeen Gargaarka Cuno ee ku jiray keydka Hay’adda Qaramada Midoobay qaabilsan Barnaamijka Cunada ee WFP.
Sidoo kale waxaa la sheegay in ay qaateen Qalabki yaalay Xafiisyada sida Computero iyo qalabka Isgaarsiinta,mana jirto faahfaahin intaan ka baxsan oo laga helay degmada Waajid.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee degmada Waajid ayaa iminka gacanta ku haya Ciidanka Al-Shabaab,mana jirto wax war ah oo kasoo yeeray Saraakiisha Qaramada Midoobay iyo Xarakada Al-Shabaab.
Hore Xarakada Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay la wareegeen Xafiisyada Qaramada Midoobay ee qaar ka mid ah gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.waxaana Bishi Janaayo ee aan soo dhaafnay shaqo joojin ku sameyeen Hay’adda WFP.
Horseed Media
waa wax lagu farxo in WFP laga saaro wadanka waa dadka laharay somaliya alshabaab ha guuleystaan