Wefdi ka socda Ahlu-Sunna Waljameeca ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayagoo kasoo duulay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaas oo ay diyaarad kasoo qaaday.
Waxaana wefdiga ay ka koobanyihin inka badan 20-xubnood,waxaana hogaaminaaya Gudoomiyaha guddiga fulinta ee Ahlu-Sunna Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow.
Shir Jira’id uu qabtay Gudoomiyaha fulinta Ahlu-Sunna uu qabtay ayuu sheegay in ujeedka socdaalkooda yahay sidii ay u dhamaystiri lahaayeen heshiiski dhowaan Magaalada Addis Ababa ay ku gaareen Dowlada Federaalka iyo Ahlu-Sunna Waljameeca.
Wefdiga ka socda Ahlu-Sunna ayaa lagu wada in ay kulamo kala duwan wada qaatan masuuliyinta Dowlada Federaalka ee ku sugan magaalada Muqdisho inta ay halkaas ku suganyihin oo ay ka wada hadli doonaan dhaqan gelinta heshiiski Addis Ababa.
Horseed Media
Liked this post?
Subscribe to the RSS feed or to Daily emailupdates, right now!