Dahabshiil
Golis
HorseedMedia

Al-Shabaab oo Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Cafis Ugu Yaboohay

Maamulka ka arimiya gobolada Bay iyo Bakool ayaa ugu baaqay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaliya iyo cidkasta oo la shaqeysa Dawlada Federaalka Somaliya in ay isaga baxaan islamrkaana cafis loo fidinayo.

Masuuliyiinta Baay & Bakool ayaa sheegay in haddii xubnaha baarlamaanku ay isaga baxaan isla markaana ka toobad keenaan, ay cafis u fidinayaan, si nabad ahna ugu noolaan karaan meelaha ay ka taliyaan. Maamulka Islaamiga ah ee Baay & Bakool ayaa sheegay in dhawaan ay soo bandhigi doonaan ciidamo ka tirsanaan jirey dawladda oo ay cafis u fidiyeen.

Sheekh Aadan Muslim oo ka mid ah masuuliyiinta Baay & Bakool in maamulku go’aansadey taölaaabadan, isla markaana y cafris diyaar ula yihiin haddii ay ka soo noqdaan, waxa ay ku jireen

Arintan ayaa ku soo beegmasa xili xubnaha Baarlamaanka federaalku ay ku soo qul qulayaan magaalada Muqdisho halkaas oo kalfadhi uga bilaabanaayo.

Xildhibaan ka tirsanaan jirey Baarlamaanka oo lagu magacaabo Saalax Badbaado ayaa horey ugu galay kooxa Islaamiyiinta ah, waxaana uu naftiisa ku tilmaamey in uu ahaan jirey Gaal, isla markaana uu ka toobad keenaayo Gaalnimo, ma jirto cid baarlmaanka ka tirsan oo arinta Saalax badbaado si toos ah uga hadashey iyo waxa ku kalifey

Horseed Media

RELATED STORIES

4 Responses to “Al-Shabaab oo Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Cafis Ugu Yaboohay”

  1. Ya lugaha iyo gacmaha kawada gooya kkkk

  2. oks says:

    ayax geedgaban.loooool- yonis- ahaaaaaaaaaa
    walaal wa mahdsantahay fikradad lakin waxan ku shegaya sida an u malenayo in aadan fahmin danbiga
    sidiidaba danbiga waa 3 nooc mid laga galo illaah swt
    iyo mid qofku naftiisa ka galo iyo mid qofku ka galo dadkale
    midka dadka aad ka gashid waa dhihi karta i cafiya ama qofki danbiga ad ka gashay wuu ku dhihikaraa waan ku cafiyay tan hada al shabab ka hadlayan waa arin ay u arkan dadkasu in ay dalka iyo diinta iyo dadkaba danbi ka galen waana sax mar hadi ay adegsanyan cadowgii diinta islamka iyo kii dalka iyo dadkaba e -ethopia-tasuna ma ahan wax la qarinkaro byeeee

  3. kkkkkkkkkkkkkkkk sxb iyax deeg gaaban baa dhameeyey arinta al-shabaab

  4. S/C KULLI

    BAL ARKA NIMANKAN,,,WAXBAANNU U DENBI DHAAFAYNAA ORANAYA,,,QUR’AANKU WAXA UU INAKU YIRI FIRCOON BAA QOOQAY KA DIBNA WIXII QABSADAY WAA OGAYN NIMANKAANINA WAA QOOQEEN..OGAADA CAFIS IYO DENBI DHAAFBA ILAAH BAA BIXIYA CID KALE OO CAFIS BIXISAA MA JIRTO,,WAAYO ILAAHBAA XADDIISAL QUDSI KU YIRI “FASTAQFIRUUNII ASTAQFIR LAKUM” DENBI DHAAFKA ANIGA I WAYDDIISTA WAAN IDIIN DEMBI DHAAFAYAAYE,,NIMANKANI WAA QOOQEEN XILLIGAY JABI LAHAAYEENNA MA FOGA,,”GABYAAGII WEYNAA AADAN CARAB WAA ISAGII LAHAA MARKII UU KA HADALAYAY XABASHIDA KIBIRKEEDA:

    DUULKII HAWO IYO XOOG IS BIDA, AMA KU HAASAAWA
    EE HAYB KASTIBA AY LATAHAY,INAY KA HOOSAYSO
    MAR’UUNBUU NAFTOODA HALLIGAA,HADAFKA JIITAAYE
    HITLEER BAW DARNAA WIIL ARLADA,GELIYA HAWL WEYNE
    ISAGABASE MEEL HAAD KU CUNAY,HUBANTI LOO WAA
    MID KALAASE HAATAN ISKU DEYEY,HIMMILADIISIIYE
    HADBA KII HEDDII BUUXSANTAA,HURIYA BAARUUDDA.
    _______________WAA GABAY DHEER________________

    MARKA NIMANKAAN HALLOO KAADIYO,CALEENTOODII AYAA SOO DHACADYE.