Waxaa maanta ka dhacay xarunta Rugta Ganacsiga Puntland shir aad u balaaran oo looga hadlaayey sida laga yeelayo aafada dabka ee muddoyinkaan danbe dhawr jeer ka dhacay gudaha magaalada Bosaso isla markaana bur buriyey dhaqaale baaxad leh.
Shirka ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Rugta Ganacsiga Puntland, Maamulka degmada Bosaso iyo Kan Gobolka Bari, waxaana ka soo qaybgalay shirkadaha ugu waaweyn Puntland.
Kulanka ayaa ayaa lagu so bandhigey dhibaatooyinka baaxadda leh ee uu dabku geystey, waxaa gubtey ilaa laba doonyood, Bakhaarka keydkii shirkadda OPEC iyo dab marar badan cagta mariyey guryhaa cooshadaha ka samaysan ee ay ku jiraan dadka guryahoodi laga soo barakiciyey ee gabaadka soo bidey magaalada Bosaso.
Waxaa kulanka ka hadley:
Duqa Magaalada Bosaso Maxamuud Beeldaaje Faarax, waxaana uu ku dheeraadey aafada dabka, isaga oo sheegay in dabka haddii aadan haysan wax aad uga hortagto meel kasta waa gaarayaa, waxaana uu ku tilmaamey dabku in uu yahay aafo aan wax reebeyn.
Duqa magaalada ayaa sheegay dabkii maalintii dhaweyd ka dhacay xeryaha dadka dagaaladu soo barakiciyeen xeryahooda in dad gaaray 1000 qof ay ku guryo beeleen, sidoo kale waxa uu sheegay in dabkii danbe ee qabsadey Bakhaarka shirkadda OPEC uu magaalada dhan khatar geliyey laakiin rabbi afqabtey dabkaas.
Ugu Danbeyntii waxa uu sheegay in magaaladu khatar ku sugan tahay, shirka ay isugu yimaadeen in uu yahay bilow sidii magaalada Bosaso ay ka yeeli lahayd ka hortaga dabka, waxaana uu mahad u celiyey Rugta Ganacsiga, oo iyadu qaadatay masuuliyada shirka isla markaana si wanaagsan u soo agaasintey.
Halkan ka dhegasyo Khudbadii Maayorka Bosaso:
Sidoo kale waxaa kulanka ka hadley Gudoomiyaha Gobolka Bari Shiikh Cabdixaafid Cali Yusuf, Gudoomiyaha ayaa dhibta dabka ku macneeyey in ay jirto diraasad la’aan, isla markaana aan horey loo samayn baaritaan ku aadan sidii magaalada looga badbaadin lahaa aafada dabka. Gudoomiyaha ayaa goobta ka sheegey guddi soo diyaarinaaya isla markaana diraaso ku samaynaaya qorshaha dabka looga hortagaayo, waxaana ay soo diyaarinaayaan shir kale oo aad u balaaran guddiga ayaa waxa ay kala yihiin:
Cabdixaafid Cali Yusuf (Gudoomiyaha Gobolka Bari)
Maxamuud Beeldaaje Faarax (Duqa Magaalada Bosaso)
Maxamuud Xayir Ibraahim (Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland)
Maxamed Mire (GOLIS)
Cabdiqani Axmed Islaan
Bile Cabdi
Cabdiraxmaan Maxamed (maareeyaha Shirkadda Laasqorey)
Axmed Cabdi (Dahabshiil)
Cabdikaafi (Tawfiiq)
Bashiir Faarax (Puntland Petrolium)
Dr.Shiino (EAU)
Magacyada waa sida guddomiyuhu ugu dhawaaqey.
Halkan ka dhegayso khudbadii Gudoomiyaha Gobolka Bari
Podcast: Play in new window | Download
Waxaa shirka wada tashiga ah hadal ka soo jeediyey Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim, oo isagu shirka marti geliyey isla markaasna guddoominaayey shirka.
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland ayaa ku tilmaamey dabka aafo la mid ah kuwa dabiiciga ah sida dhulgariirka oo kale, waxaase la samayn karaa in laga gaashaanto, isla markaasna laga hortago waxa dabka keena kaas oo lagu tilmaamo sadex wax marka ay is helaan kuwaas oo kala ah: Shidaalka, Kuleyka, iyo Dabaysha,
Gudoomiyaha ayaa aad ugu dheeraadey qaababka dabku u kaco, iyo waxyaabaha sababa, waxaana uu goobta keeney sawiro laga soo qaadey labadii doonyood ee ku gubtey dekadda Bosaso, waxaana uu soo koobey khasaaraha uu keenay dabku iyo lacagta ku bur burtey.
Ugu danbeyntii Maxamuud Xayir Ibraahim, ayaa sheegay in shirka maanta uu horyaalo arin culus isla markaasna laga doonaayo in ay ka soo baxdo, arin wax ku ool ah taas oo noqota dhaxal gal badbaadisa hanti badan.
Halkan ka dheugayso khudbadii Gudoomiyahya Rugta Ganacsiga Puntland:
Maxamed Mire oo ka socdey Shirkada Golis Telecome ayaa isaguna goobta ka jeediyey hadal qiime leh, Khudbadda Mudane Maxamed Mire ayaa ahayd mid cilmeyeysan, isla markaana taabanysey ajandaha shirka, waxaana uu soo jeediyey talooyin muhim ah:
Halkan Ka Dhegayso Khudbadii Maxamed Mire:
Sidoo kale waxaa shirka ka hadley qaar ka mid ah ganacsatada Puntland iyo weliba Nabasdoonada Gobolka Bari, waxaana la isku raacey in guddiga la saarey ay sida ugu wanaagsan u soo diaariyaan kulanka labaad, si loo fuliyo shirkaas waxa ka soo baxa ee ay soo diyaariyeen.
Cabdisalaam Axmed iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim
Horseed Media, Puntland
Sawiro:
Mashaa Allah aad ayaan ugu faraxsanahay in Lamayo ka hortad aafooyinka sida Dabka oo kale , Waxaana rajaynayaa in laga hadali doono aafooyinka kale sida abaraha iyo wixii la mid ah inshaa Allah
Assc.
Dabku meelkastaba miyi iyo magaaloba wuu ka dhacaa Dunidoo dhan.Laakiin kan Puntland ka dhaca waxuu u egyahay mid an waxba loogu talo galin ama an loo hayn Qalab la isaga difaaco dabka.
Anigu waxbaan ka qaan tabaha dabka looga hortago.Waa la ogyahay oo maamulka Puntland ma hayo awood weeyn oo uu waxkasataba ku sugo.waxaanse sheegayaa in ay jirto tab sahlan oo waliba Raqiisa oo saacado gudahood lagu suubin karo qaab fiican oo lagu daminkaro dab xoogleh.
1.Waxaa loo baahan yahay in la helo Baabuur dhawra oo kiiba yahay 4 illaa 6 tan xoogiisu.Maamulka Puntland-na waa heli karaan baabuurtaas.
2.Baabuurtaas waxaa la saarayaa Haamaha Biyaha lagu dhaamiyo oo u dhigma awooda Baabuur kastaba.
3.Waxaa la soo gadayaa Diinamooyin ama Generators biyaha kor u gaarsiin kara illaa afar ama todaba dabaq guri ah.
4.Waxaa la soo gadayaa Tuubooyin Caag ah oo la qiwad ah diinamooyinka.Intaas markii la helo waxa la isku xirayaa Diinamada iyo Tuubooyinka iyo haanta.Waa intaas kaliya.Waana la hubaa dadka yaqaan farsamadaas in ay joogaan Puntland.Isla markaas umaba baahna farsamo yaqaan xarrifa oo waxaa suubin kara nimanka suubiya korontada baabuurta (auto electrician) ama kuwa rakiba tuubooyinka Biyaha.Iga wada raali ahaada.
Bashir Jama.
w s c
asc aniga waxan kula talin lahaa in kabalada korontada ee magalada dul heehaabay wax laga qabto oo wakaalada koronto la sameeyo arintaa waxka qabata korontadna dhulka hoosteeda lagu duugo isda tubooyinka biyah inta injineero koronto yaqaan ah laga hawl galiyo.
Shirkan iyo kuwa la midka ahi waxay mudan yahiin soo dhaweyn iyo dhiiri galin.
Waa dad isugu yimid inay dhibaato jidha ku xaliyaan maskaxdooda iyo maalkood. Waa tilaabo dhankii san loo qaaday.
Waxaan ku dhiiri galinayaa ka qeyb galayaasha shirkan in ay ka fogaadaan wadada kuwa soomaliya la haray qaadeen.
Waa kuwa kalsoonida alle ka qaaday ee hay’ado ku hadaaq ee aan aaminsaneyn in dadku naftooda wax u qabsan karaan.
Wixii ka soo baxa shirkan waa guul u soo hoyatay inta aaminsan in wax la qabsado oo aan hay’ado ku sheega iyo munaafiqiinta ku shaqeysta xal la weydiisan. Xitaa haddii buug yara oo dadka faraya sida dabka looga badbaad laga soo saaro waa horumar soo kordhay.