Wararka ka imaanaya degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in maanta halkaas ay qabsadeen xoogaga ka tirsan Xarakada al-Shabaab. Arintan ayaa ka danbeysey dagaalo maalmihii la soo dhaafey ka socdey tuulooyin ku dhaw degmada Ceeldheer, sida Galcad iyo Messaga-waay, Shabaabka ayaa dagaaladii ay tuulooyinkaas ku soo qaadey ku guuleystey.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in maanta uu dagaal ka dhacay halka loo yaqaan Burtuqle, halkaas oo ay ku sugnaayeen, difaaca Culimada Ahlu-sunnah.
Culimada Ahlu-Sunnah ayaa ku xooganaa muddooyinkii la soo dhaafey gobolka Galguduud, waxaana uu hadda u muuqataa in lala qaybsadey degmooyinka gobolka, sida Ceeldheer iyo Ceelbuur oo gacanta ugu jira Shabaab, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Caabudwaaq oo gacanta ugu jira Ahlu-Sunnah.
Horseed Media
Yamamula somali tht 404
asc ahlu suna way wareertay meelba ma ayagaa iska difacaya halkii lagu soo weerereba waa laga qaadiye