Ururka Ahlu-Sunna Waljameeca ayaa waxaa ay ku hanjabtay in ay la wareegi doonto fariisimada ay magaalada Muqdisho ku leeyihin Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Afhayeenka Ahlu-Sunnah Sheikh Abuu Yuusuf Al-Qaadi oo Shir Jira’id ku qabtaymagaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay saacadaha soo socda ay la wareegi doonaan fariisimada iyo goobaha dhan ay Xarakadda Al-Shabaab ku leeyihin Muqdisho.
Wuxuuna hadalkiisa ku daray in Ciidankooda ay iminka u diyaar garoobeen dagaal culus oo ay ku qaadan Ciidanka Al-Shabaab,isla markaana ay marka ugu horeysa geli doonaan Suuqa Bakaaraha.
Ciidanka taabacsan Ahlu-Sunna ayaa la sheegay in maalmihi lasoo dhaafay ay qayb ka ahaayeen dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho oo u dhaxeeyey Xoogaga Mucaaradka iyo Dowladda Federaalka.
Hadalka kasoo yeeray Afhayeenka Ahlu-Sunna ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho ay ku suganyihin wefdi ka socda Golaha fulinta ee Ururkaasi oo magaalada Addis Ababa ay heshiis ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka,waxaana ay halkaas u joogaan arimo la xirrira dhamaystirka heshiiskaasi.
Horseed Media
WAXAAN LEEYAHAY ALSUNA HOOS HA UDHACDO KUMANA DAGAALAMEYSO XAQ EE ILLAAHEEY KABAQA WAAN NAQAANAA WAA MOORYAANTII AY HOR KICI JIREEN ASHHAADO LADIRIRKII
ahlu sunah kor