Kooxda Chelsea ayaa galabta ku guuleysatay isla markaana qaaday koobka Horyaalka Premiership League,ka dib markii ay dharbaaxo culus ku dhufatay naadiga Wigan Athletic oo ay wada ciyaareen kagana badisey 8-0.
Ciyaartaas oo ka dhacdey garoonka Stamford Bridge,ayaa ahayd mid xiiso gaar ah lahayd maadama naadiga Manchester United ay ku rajo weynayd in kooxda Wigan Athletic ay hor istaagto Chelsea ayna ku guuleysato koobkaan mudo afar sano isku xiga maadama hal dhibic lagaga hayay kaalinta koowaad.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0,waxaana qaybti dambe ay Chelsea dhalisay lix gool oo hor leh taas oo ciyaarta ka dhigtay in ay ku dhamaato 8-0.waxaana goolasha kala dhaliyey Anelka,Lampard,Kalou,Ashley Cole,halka Didier Drogba uu dhaliyey saddex gool taas oo u surtagelisay inuu sanadkaan kabaha dahabka qaato ee Goal scoring golden boots,waxaana uu ku qaaday 29-gool.
Ciyaartoyda iyo taageerayaasha Chelsea ayaa markii ay ciyaata dhamaatay ay bilaabeen in ay u dabaal dhigaan guusha ay gaareen,waxaana ay tahay markii afaraad ay qaadan koobka Premiership league,waxaana ay ugu dambeysay sanadi 2006-di xilligaasi uu tababare u ahaa Jose Mourinho.
Tababaraha Chelsea Carlos Anceloti ayaa labadi maalmood lasoo dhaafay dardaaran iyo digniin ujeedinaayay ciyaartoydiisa taas oo ahayd in hadii ay ku guuldaraystaan in ay qaadan koobkaan ay noqon doonto masiibo,siduu sheegay.
Manchester United ayaa iyaduna Stoke City ku garaacday 4-0,waxaana aysan ku qancin natiijada ciyaarta Chelsea.
Garoonka Stamford Bridge ayaa intaa ka dib la keenay koobka oo si toos loo gudoonsiiyey naadiga Chelsea,waxaana ay ciyaaryahanada Chelsea iyo taageerayaasha bilaabeen dabaal dhig aad u sareeya taas oo muujinaysa in Chelsea ay sanadkaan gaartay guul taariikhi ah ka dib markii horyaalka Ingiriiska usoo maray marxaalado kala duwan.
Chelsea ayaa sidoo kale lagu wada in sidoo kale dhowaan ciyaar kama dambeys la yeelan doonta naadiga Portsmouth,waxaana ay ciyaartaas tahay mida ay labada naadi ku tartami doonaan koobka FA Cup oo ay isugu soo hareen wareega finaalka.
Xilli ciyaareedkaan oo keliya naadiga Chelsea ayaa waxaa ay soo xaraysatay goolal gaaraya 103-gool.
Horyaalka Ingiriiska ayaa sanadkaan kusoo dhamaaday jawi ka duwan kuwii hore maadama kaalinta afaraad ay soo fariisatay naadi aan hore looga baran kaalintaas,waxaana sanadkaan u surtagashey in ay koobka Champions League ka qaybgasho naadiga Tottenham Hotspur,waxaana hore kaalintaas looga bartay kooxaha lagu magacaabo the Big four(Chelsea,Arsenal,Liverpool iyo Manchester United).
Balse sanadkaan waxaa kaalintaas baneeyey kooxda Liverpool oo xaalkeedu aad u liito,waxaana ay sanadka dambe ka qaybgalaysa koobka Europa League.
Marka laga soo tego horyaalka Ingiriiska,waxaa sidoo kale jira in horyaalada kale ee sida kan talyaaniga iyo Spanish-ka weli la kala bixin,horyaalka Talyaaniga waxaa isku haysta kooxaha Inter Milan iyo Roma oo iyagu sidoo kale manta gaaray guulooyin.
Dhanka Spain ayaa weli waxaa isku haysta Barcelona iyo Real Madrid oo ay hogaanka hal dhibic ku hayso kooxda Barca,waxaana ay labada koox ay xalay wada gaareen guulooyin.
Cismaan Turaabi
Horseed Media
Chalsea horyaalka waa qadey laakiin awood iyo wanaag toona kumay qaadin. waayo
kow ciyaartii dhex martey chalsea iyo Manchester U waxay ku badisay Goal hos play ah ciyaartii dhex martey chalsea iyo Liverpool waxay aheeyd ciyaar saaxibtinimo waayo Liverpool ma rabin inay Man U rikoodh cusub dhigto ciyaartii horyaalka ugu denbeysana waxaa guusha siyey chalsea garsoorihii ciyaarta ahey!! viivaa Man U
kkkkkkkk chelsea masaakiin 4 koob oo horyaalka engriska eey meesha la fadhisaa saacadaan ceeyb weynaa
waa run kuma qaadin awood chelsea waayo lixdi dhibcood ay manchester kaga soo badisay miyeey ku qaado kkk waxaan awood lama dhaho . weliba manchester united ma oran kartaan awood baanu kaga badinay mahaa sidaas ee garsoore ayaa naga badiyeey waa sidaa
awaal markay manchester united qaadi jirtey koobabka engriska waxaay ku qaadi jirey 6 dhibcood iyo 4 iyo laakin waa baxsaad .sir alexna summerku spent gareenayaa chelsea lasoco
chelsea 4 ever
kkkkkk waa wax lagu farxo sanadkan inay chelsea qado kobka horyalka english ka waxayna ku hanatay awood
CHELSEA 4 EVER chelsea way u qalantay in ay hanato waxaan ku faraxsnahay in ay jabisay RECORDKII U YAALAY PL EE AHAA GOOLASHA 103 GOALS IYO DROGBA OO QAADAY GOOL DHALINTA IYO HANASHADA LEAGA
CHELSEA
sxb waa riyoon mu baa ku madxa martay mida kalse chalssea cidna ma sii dayn ee cagteeda baa ku keensatay oo cag afican players african ah ba u keenay oo markii ugu horeysey ma ahan ee aan ku badino iskoorkaas an 7 gaols ka ah caawan 8 baanba ka dhignay viva chalsea down MU
MAHAD SAAS DHAN CARO MAA KAA KEENAYSO SHAKI INUUSAN KAAGA JIRIN WAAD OGAYD SOOMAHAN OLD TROFORD AYUU DROGBA KU DABAAL DAGAYAY TAASINA WAA AWOODO DHEERYAHAY KUWA KUBADA LACIYAARAY MARKA ADI XUMAANTA HAYSGALINE MEESHA LAACIBIIN LA IMOOW AMASA HADAYSAN AHAYN ANIGAAD I AF FAHMINI SI DHAKHSO AYAA AYAAD ISKU DIWAANGALINAYSAA WEBKA CHELSEAFC.COM TAASINA ANIGAA KAA CAAWINAA MAGARATAYA HA U BIXIN OK
Marka hore dhalin yaro waa laysu hanbalyeeyaa kadibna waxaad rabto inaad sheegto ayaa loo dhaqaaqaa ama laga hadlaa Liverpool chelsea siidaysay iyo wigan weey sii daysay waxaasi majiraan adeer sanadkann waa sanadkayagii meesha anaagaa ka musuula gacanta ku hayna . midakale liverpool iyo wigan waxba ha eedayn adigaa ani dhibcaha isiiyay waana kuwaan hogaanka kaaga qaaday hada marka tabaraha lahadla una sheega naadiga lacag gali dheh oo laacibiin soo iib sada maalin walba masaasa la idiin dardarin BURNLY kugu bilowday ana kuugu danbeeyay marka seasonka danbe waan arka waxaad latimaado masa hadii aad saatan kutimaado hada waa roontahee matareens
kkkkkkkkkkkkkkkk………….. wadiga leh wa koxada ugu dag horayalak yurub ma hal dhibic ey ku baxsatahy ayad sas u tiri “no” mid kale sanadka horayalku sas ayuu ku ficana wayo hadii kale horayalaka egland cidna ma dawaten oo hal nadi ayaa isk lahan lahaa oo sand walaba lo sadalin lahaa lkn sharaftii horyalaka yayey badbadisay
Wigan waxaay siidaysaay Chelsea waana arin iska cad waayo Lifarbul xataa waa siidaysaay oo wala ogaa lakiin MU cidina masidayan waana ku faraxsanahy inaanu qadanay karnkabka kana aanu nimid finaal balse sanadka danbe ayaa las baran doonaa hadii ilaah idmo Koobka guriga MU buu kusoo laaban doonaa
aad baan ugu faraxsanahay guusha ay gartay chalsea waana mid ay kasoo shaqaysay seasonka oo dhan marna laga ma qaadin hoganka sanadkan bes ayadoo ciyaar u dhimantahay ma ahee waana kooxda ug adag horyaalada yurub