Ururka Xisbul Islaam ee dhowaan qabsadey degmada Xarrardheere ee gobolka Mudug oo ahayd mid ka mid ah fariisimada kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida ayaa waxaa ay sheegay in ay soo sii deyn doonto Lamaaneyaasha u dhashay dalka Ingiriiska oo ay afduub ku haystaan Burcad-badeeda.
Sarkaal u hadlay Ururkaasi oo lagu magacaabo Sheikh Cismaan Caruus ayaa warbaahinta u sheegay in ay raadin doonaan meesha ay ku suganyihin Lamaaneyaasha lagu kala magacaabo Paul iyo Rachel Chandler.
‘’Waan raadinayna Lamaaneyaasha Ingiriiska,hadaan helno waan sii deyn doona oo dalkooda si shuruud la’aan ayaan dib ugu celin doona’’,ayuu yiri Sarkaalkaas.
Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan wax lacago madaxfurasho ah dalban doonin,wuxuuna ugu baaqay cida gacanta ku haysa labadaas qof ee ajaaniibta in ay si deg deg ah kusoo sii daayan.
Ururka Xisbul Islaam ayaa dhowaan weerar ku qaadey Xarardheere kaas oo aysan jirin cid iska caabisay,waxaana halkaas isaga cararay Burcad-badeedi ku sugnayd.
Paul iyo Rachel Chandler ayaa la aaminsanyahay in lagu haystey Xarrardheere,waxaana aan la aqoon halka ay iminka ku suganyihin iyo xaaladooda.waxaana afduub loo haysta tan iyo Bishi October xilligaasi oo laga soo afduubtay meel u dhow Jaziirada Seychelles gaar ahaan Badwaynta Hindiya.
Horseed Media
ASC. afduubka lagu heysto dadka masaakiinta ah ee waayeelka ah, waa biri magaydo, somali waxay dhaqan ulaheyd in aan dadka daciifka la dhibaateyn la qafaalan, marka kuwa arintaan afduubka ah ku heysta dadkaa masaakiinta ah , somalinimo meel kama soo galaan , waa ducufo, waxmagarato, diinteena suuban meel ayeey uga dhaceen, allah ciqaab hagaliyo aduun iyo aakhiro, lacagta ey raadinayaan waa naar iyo holac, ey rabaan in ey cunaan, xaaraamiyiin weeye.
wcs.
Release the couple
ma qabo in ay soo deynkaraan iyagoo nool maydkoodda waa soo furankaraan lkn noloshoodda maya!